Musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald Trump ayaa jeediyay hadal abuuray muran cusub oo u kala dhaxeeya xisbiga Dimuquraadiga.
Trump ayaa taageerayaasha sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi ugu baaqay in ay ka hortagaan in ay Hillary laasho sharcigaasi.
Hadalka Donald Trump ayaa yimid xilli uu isku dayayo in uu dib u habayn ku sameeyo ololihiisa doorashada kadib khaladaad badan oo hore oo hadheeyay ololihiisa.
Isaga oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay North Carolina ayaa Trump waxa uu sheegay in haddii Hillary Clinton loo doorto madaxweyne ay awood u yeelan doonto in ay soo magacawdo qaadiyada Maxkamadaha ee heer Fadaraal, kuwaasi oo uu yidhi waxa ay u isticmaali doontaa in ay meesha uga saarto sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi Maraykanka.
Dadka qaar ayaa hadalkaasi u arkay in Trump uu ku dhiiri gelinayay dadka haysta hubka in ay hubkooda u adeegsadaan qaadiyadani ama xitaa Hillary Clinton laf ahaanteeda.
Kooxda mas’uulka ka ah ololaha Hillary Clinton ayaa cambaareeyay hadalkaasi, kuna tilmaamay mid halis ah hase yeeshee afhayeen u hadlay Trump ayaa ku gacan seydhay aragtida ah in uu rabsahdo hurinayey.
Kooxda ololaha ee Trump ayaa waxa ay sheegeen in Trump uu ugu baaqayay dadka u ololeeya xuquuqda lahaanshaha hubka in ay diidaan isbadal laga yaabo in lagu sameeyo sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi, ayna tahay in ay isu soo baxaan oo ay codkooda dhiibtaan.
ย