Mudane Madaxweyne Dugsiyada Nuuradiin oo kale cidii hirgalisa caalamka waxa la siiyaa shahaadada Nobleka (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waxa xaqiiqa cad o laga dharagsanyahay maanta in nuuradiin uu Ku jiro meelaha tirada yar ee wadanka ka hirgaliyey mashruuc wax barasho oo dalka ka taageeray xaga aqoonta..

xaga shaqo abuurka oo shaqalaysiiyey in ka badan 1000 qof.

Haddaba waxa jirey qalad weyn oo lagu duudsiyey madbacada qaranka imikana dul saaran dugsiyada nuuradiin oo ay wasaarada wax barashadu Ku wado wax la micno ah.

Waad naga badasay dadaalkii waxbarashada ee immika iska bakhti.

Waxaa jira heshiis lagu siiyey manhajkii dhamaa ee wax barashada SHAQSIYAAD GAARA oo la baxay magaca hemma muddane madaxweyne heshiiskan KOOTADU wuxuu ka hor imanayaa Dastuurka JSL iyo Xuquuqaha Aasaasiga ee Muwaadiniinta gaar ahaan

Qod. 8aad ee Dastuurka JSL (SINAANTA MUWAADINIINTA);

Qod. 11(2) ee Dastuurka JSL oo sheegaya in Muwaadiniintu xaq u leeyihiin U SINAANTA FURSADAHA  iyo Reebanaanta KOOTADA iyo in CID GAAR AH ay Wasaaradu sifo khaldan ugaga Faa’iidayso FURSADIHII DHAQAALE ee loo sinaa.

Qod. 11(1) ee Dastuurka JSL oo ka hadlaya in dhaqaalaha Dalku uu ku salaysnaado MABAADIIDA SUUQA XORTA ah (Free Market) isla markaana ka hortegaya in cid gaar ah loo xidho suuqii xorta ahaa (Monopoly).

Sharciyan waxa mamnuuc ah in Daabacaad Buugaag Waxbarasho oo Qaran ay daabacdo Shirkad gaar loo leeyahay oo shicib ah, iyadoo ay jirto Madbacad Qaran oo Dalkan u qaabilsan Daabacaada Dhokumentiyada iyo Buugaagta Dawladeed.

Hadii aan inyar ka iftiimiyo dugsiyada nuuradiin iyo taariikhdiisa

tan iyo intii ka dambaysay 1991-kii markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday inay ka noqotay midnimadii ay la gashay Somalia sannadkii 1960-kii, isla markaana ay dadweynaha reer Somaliland ka soo noqdeen barakicii ay sababeen dagaaladii ku dhexmaray geyiga Somaliland kelidii taliyihii hore ee Somalia, Maxamed Siyaad Barre iyo ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, qof waliba waxa uu dib u bilaabay noloshii, iyada oo ay dadku isku wada mid ahaayeen, isla markaana ay  qaxooti ka soo wada noqdeen.

Nolol kasta oo la bilaabo waxa jira dad ku guulaysta isku dayadooda iyo kuwo ku guul-daraysta.

Arrin waliba tusaale leh’e  muddo haatan laga joogo 17-sannadood waxa magaalada Hargeysa laga bilaabay dugsi ka mid ah dugsiyada ugu balaadhan uguna ardayda badan ee gaarka loo leeyahay ee haatan ka jira magaalada Hargeysa, waana Dugsiyada Hoose/Dhexe/Sare ee Nuuradiin.

Dugsigan oo ay haatan ka dhigtaan arday ka badan 22,500 oo arday oo ku kala jira qaybaha kala duwan ee iskuuladda uu ka kooban yahay Nuuradiin, waxa lagu bilaabay in ka yar 8-arday oo keli.  waxyaabaha kale ee iskuulada Nuuradiin ay dugsiyada kale dheer yihiin waxa ka mid ah xagga akhlaaqiyaadka ee ardayda. “Iskuulada Nuuradiin hablaha iyo wiilashu isma dhex fadhiistaan, habluhuna waxay leeyihiin fasalo u gaar ah, wiilashuna sidoo kale waxa keli ah ee ka dhaxeeyaa waxa weeye xayndaabka guud. Sidoo kalena Nususaacaha habluhu waxay ku dhex qaataan xaydaabka dugsiyada, halka inamaduna debada u baxaan, waxaananu sidaasi u yeelnay in aanay dhicin in inan (ardayad) iskuulka loo soo diray inta ay nususaacaha baxdo ay meel kale tagto, sidaasi darteedna waxaana ka goan  inay habluhu dugsiga dhexdiisa ku nususaaceeyaan.

Iskuuladda Nuuradiin sannadihii u dambeeyay waxay ardaydiisu noqotay kuwa ugu sareeya imtixaanaadka Shahaadiga ah, isla markaana waxa ay sidoo kale diiwaan geliyay ardayda u tartamaysa shahaadada dugsiga sare ee caalamiga ah ee IGCSE oo imtixaanka looga soo diro dalka Ingiriiska.

Laakiin arrinta xiisaha badan lihi waxa weeye, boqolaal ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee dhamaysata dugsiyada sare amaba qaar iyagu jaamacaddo ka soo baxay waxay ku hamiyaan inay dalka Somaliland debada uga baxaan, isla markaana u baqoolaan wadamada reer galbeedka. Hase yeeshee tiro yar oo ka mid ah ayaa ka fikira inay abuuraan meherad amaba raadiya fursado shaqo oo banaan oo dalka gudihiisa.

Inkasta oo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo reerSomalilandah oo haya ra’yi lagu guulaysan karo, isla markaana horseedi kara shaqo abuur, haddana waxay dhalinyaradaasi caqabad kala kulmaan inay helaan maalgelinta ugu horeysa ee xilliga ay taabo gelayaan, hase yeeshee waxa mararka qaarkood dhici karta in shakhsiyaad Ilaahay siiyay xikmadda is-taageersiga bulshadu ay gacan qabtaan laguna guulaysto

.inkasta oo iskuuladda Nuuradiin ku bilawdeen qol yar oo keli ah, haddana waqti xaadirka waa dugsiyada gaarka loo leeyahay kuwa ugu wanaagsan, haddii aanu ahaynba ka ugu wada wanaagsan.

“Hadda waxa weeye, 3 Dugsi sare, 4 Dugsi hoose/dhexe iyo dugsi barbaarinta ah , waxaana dhigta isku geyn arday tiradoodu gaadhayso 22,500 oo arday oo iskugu jira kuwa nidaamiga ah fasalka koowaad ilaa 12-aad iyo kuwa luuqadaha”.

Tan iyo intii la aasaasay dugsiyada Nuuradiin waxa ka baxay arday tiradoodu sare u dhaafayso 9000 arday, kuwaasi oo iyaga laftoodu horumar cusub soo kordhiyay,

Dhinaca kale Dugsiyada Nuuradiin waxay qayb ka qaataan shaqo abuurka waxaana ka shaqeeya ku dhawaad lix boqol oo qof oo muwaadiniin ah kuwaasi oo iskugu jira macalimiin, maamulayayaal, khasnaji iyo dhammaanba qaybaha kale ee dugsiyada Nuuradiin. “Shaqaalaha guud ee Iskuuladda Nuuradiin waa 600 oo qof oo hawlo kala duwan noo qabta” ayuu yidhi Nuuradiin.

Marka amaanta oo dhan laga yimaado nuuradiin waxa uu sameeyey manhaj tayeysan oo aan Somaliland hortii cidi Ku dhiiranin kuna baxaaaya luqadad afka englishka.

Waxa xaqiiqo ah in qofkasta oo wax aqriyaa uu garanaayo tacabka laga marayo diyaarinta manhaj dhamaydtiran fasalka 1aad-12aad

Nuuradiin waxa uu galiyey dadaal iyo hanti ay u babac dhigi kari weydey wasaarada wax-barashadu.

Hanti

Waqti

Iyo aqoon

Ayaa sal u ahaa dadaalka la galiyey manhajkaa.

Haddaba dulucda hadalku wuxuu yahay iyadoo uu dugsiga nuuradiin sida xaqiiqda ah uu ka mid yahay ilaha laqaalaha bulshada oo uu shaqaaleeyey muwaadiniin Ku dhow 1000 muwaadin oo ay Ku daba noolyihiin kumanaan qoys.

Iyadoo uu soo saaray ardey maanta ah hogaamiyayaasha hayadaha kala duwan ee dalka.

Isagoo bulshada u hirgeliyey dugsiyo aqoon iyo akhlaaba ka dhisaaya ardeyda maadaama ay wasaaradii waxbarashadu hirgalin kari weyday aqoon hufan oo tayo leh.

Haddaba qoodhiin iyo  xeradiin muddane wasiir faratoon iyo mudane madaxweyne miyey maanta qabataa dugsiga nuuradiin in la yidhaahdo 25 sanno wixii aad kusoo tabcaysay ee bulshadu u ayday

Manhajkii uu aqoonta,dhaqaalaha iyo waqtigaba galiyey KU WAREEJI bilaa sabab Hanna ka hadlin.

Muddane madaxweyne caalamka maanta qofka hir galiya dugsiyada nuuradiin oo kale waxa lagu maamuusaa shahaadada dunida ugu sareysa ee noble.

Waayo wuxuu qabtay wax ay qaban kari weyday wasaarada waxbarashadu.

Muddane madaxweyne iyo wasiir hadii maanta abaalka dugsiyada nuuradiin aad ka dhigtaan Ku jiqsii waxa hubaala in aanu qof dambe oo muwaadin ah Ku dhiiran doonin inuu bulshadiisa wax dhacsiiyo ama wax u qabto.

Lasoco qaybaha dambe….

Qalinkii cabdi cawiye

Gmail shaywaal12@gmail.com

Phone +252634115877