Mudane Madaxweyne minyarayso gabadh Gabooye ah, haddii kale 100-nin oo aan ugu horreeyo oo Beesha Dhexe ah aroos midnnimo Qaran ah u dhig (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

 

Marka u horreysa waxaan aad iyo aad u canaabaraynayaa sida foosha xun ee loo jidh dilay inanta wiilka nasabka ah ee reer Sheekh Muuse Dheriye raacday. Waxa kale oo aan canbaaraynayaa qaabka loola dhaqmay wiilka aabbihii ee gacanta loo jabiyey. Ceeb iyo fadeexad waxay u sugnaatay Xukuumadda Soomaalilaan oo midayn kari weyday dadka walaalaha ah. Anigu shakhsi ahaan waxaan u arkaa wax la ga gudbi karo haddii hoggaamiye ku dhac leh yimaaddo. Farqiga ugu weyn ee maanta jiraa waa Guurka oo kaliya guurkana waxaa lagu xallin karaa. Acyaanta ummadda sida madaxweynaha musheekhda ganacasatada iyo dadka caanka ah oo guursada hablaha dheemmanta ah ee reer Sheekh Muuse Dheriye. Yibir, Tumaal iyo dhammaan dadkaas ahlal beydka ah.

Haddii 100 wiil iyo 100 gabdhood la isdhaafsado dayrkaasi habeen qudha ayuu ku dumayaa, waayo 100 wiil oo reer kasta leh saamayn badan ayey yeelanayaan waana ta qudha ee la gu soo afjari karo haybsoocan liitiga ah.

Ugu danbayn waxaan aad uga xumahay doorka culimada oo ah mid gaabis ah ama nifaaq ku jiro maadaama uu nin waliba reerkiisa ka guursaday halkaa waxaa iiga cad inaanay diintu qalbiga gaadhin wali. Arrinkan maaha arrin sahlan waxa innagu ceeb ah inaynu sii daawanno walaalaheen oo ina la mida amaba inaga wacan. Sida qudha ee arrinkan lagu xallin karaana waa masaladaa aan kor ku soo sheegay.

Caddaaladdu ha guulaysato, dulmiguna ha dhaco.

 

Maxamed Aadan Tarabbi

Guddoomiyaha Waddani Ee Maraykanka

Bulay571@gmail.com