Waa xuquuq distoori ah in muwaadin kastaa wax iska waydiiyo cida rabta in ay Madaxwayne u noqoto,isagoo ka eegaya dhinacyo badan sida taariikh nololeedka murashaxa,wax qabadkiisii hore,nooca hogaamintiisa,qo’aan qaadashadiisa,dal jacaylkiisa,hufnaantiisa,dhaqan wanaagiisa,aqoonta uu u leeyahay dhaqanka bulshada uu rabo in uu hogaamiyo,heerka uu ka taagan yahay maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa,aqoonta uu arrimaha amniga u leeyahay,halka uu kaga jiro
taariikha halgameedka bulshada uu rabo in uu hogaamiyo,halka uu ka taagan yahay arrimaha qaar ay bulshadaasi lama taabtaanka u ah sida gooni isutaaga Somaliland Sidaa daraadeed,Mudane Cabdirahman Cirro,waxa uu hogaaminayay golaha wakiilada 12 sanno ee u danbeeyay,shaqooyinka ugu muhiimsan ee golahaasi u xilsaaran yahay waxa ka mid ah dajinta sharciyo cusub,dib u eegis lagu sameeyo sharciyadii hore,iyo dabagalka iyo hubinta in la dabaqay lana fuliyay shuruucdii golahu hore u ansixiyay.
Hadaba waxa dad badan iskaga khaldan cida leh curinta shuruucda,oo dadka qaar u haystaan in golaha xukuumadu marka uu xeer soo gudbiyo uun ay golaha la gudboontahay in uu ansixiyo amba diido.
Arrinku balse sidaa waa ka duwan yahay,sida uu dhigayo qodobka 74 ee distoorka Jamuuriyada Somaliland waxa qaybyo qoraal xeer(bills) keeni kara golaha saddex qaybood oo kala ah.
1.Golaha fulinta amba xukuumada.2.Shan kun oo ka mid ah dadka codayn kara ee ka tirsan
muwaadiniinta Jamuuriyada Somaliland.3.Golaha wakiilada laftiisa ayaa curinka xeerka ay u arkaan in ay ku jirto danta shacbi waynaha Somaliland.Wakhti xaadirkan golaha wakiiladu waxa uu xooga saaraa,oo uu guda galaa xeerarka ay dabada ka riixayaan dalalka shisheeye,haayadaha caalamiga ah,iyo xeerarka ay si gaar ah u danaynayaan qaybo ka mid ah qanacsatada dalku,balse xeerar badan oo danta guud ee reer Somaliland ku jirto waa ay iska ilaabeen. Wakhti xaadirkan mushkiladaha ugu waawayn ee ka jira dalka waxa ka mid ah shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa. Qof wal oo inaga mid ahi waxa uu fahansan yahay xadiga shaqo ee ay abuuri karto hadii la kiciyo warshada sibidhka Berber,balse waligaa ma iswaydiisay maxaa hortaagan in la kiciyo?. Isku dayadii kala danbeeyay ee la isku dayay in dib loo kiciyo warshadan may guulaysan waayo?,sababta ugu wayni waxa ay ahayd waxa aan jirin xeerkii ka faaidaysiga khayraadka dabaciiga ah (Natural resource utilization act). Hadaba,waxa aan leeyahay siday isku qabanaysaa Cabdiraxmanaw,cod baan ka rabaa dhalinyarada Somaliland,waanan ku guuldaraystay in aan soo hor dhigo golaha xeerkaasi?. Balse waxa aad ku mashquulsanayd sidii aad danahaaga siyaasiga ah ee kuu gaarka ah in aad mudnaanta siisid. Warshada sibidhka Berbera,iyo warshadaha kale ee ku lamaan sida ranjiga iyo marmarku,waxa ay shaqo u abuuri karaan ilaa afar kun oo dhalinyarada Somaliland ka mid ah,waxa kale oo ay samayn la lahayd kobac dhaqaale oo guud oo saamayn shaqo abuur oo kale samayn lahaa.
Qaybta kale ee dhaqaalaha ka mid ah ee shaqo abuur wayn samayn lahayd waa qaybta maaliyada sida bangiyada qanacsiga,caymiska,ka qanacsiga guryaha amba caqaaraadka (Real estate). Golaha wakaalida ee uu hogaamiyo Cabdiraxman cirro,waxa ay ku guuldaraysteen in ay mar hore keenaan qabyo qoraalka (bills) la xidhiidha qaybtan,dagdagna looga doodo,waxa ay inaga caawin lahayd in aynu shaqo abuur ooga samayno dhalinyarada gaar ahaan,qanacsiga gaarka loo leeyahay (entrepreneurship),si ay u helaan maalgalin lagu sameeyo halabuurkooga qanacsi(business innovative ideas and start ups).
Golaha wakiilada ee 12 Sanno ee u danbeeyay,Cirro hogaamiyaye waxa ay ku guuldaraysteen in ay xeer u sameeyaan mashaariicah waawayn ee shaqo abuurka samayn kara (Huge potential job creation potential),tusaale ahaan sahamintii shidaalka ee gobalda bari ee ay waday shirkada Genel energy,waxa ay kala kulantay iska caabin bulshadii deeganka daganayd,taasi oo markii danbe sababtay in sahamintii istaagto.Sababtu waa maxay?,sababta ugu wayni waxa ay ahayd xeerkii ka faadiysiga khayraadka dabiiciga ah oo aan jirin (Natural resource utilization act),xeerkaasi oo kala cadayn lahaa,xuquuqda bulshada deegaankooda sahamintu ka socoto,xuquuqda shirkada sahaminta wada,iyo habka loo wadaagayo maxsuulka amba faaidooyinka soo baxa.
La soco qaybaha kale
Maxamed Daahir Axmed)
Hargeisa, Somaliland