Muhiimadda axsaabta siyaasadeed ee Somaliland (WQ: Rashiid Odawaa)

Waxan si kal iyo laab ah ah u soo dhoweynayaa Go’aanka guurtidu ku Meel mariyeen Xeer Lr.14.2011 xeerkaas ooh ore u jiray lakiin kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyay, waxa fasaxaya in  la furo Ururada Siyasadda kuwaas oo markay tartamaan ka dib ay ka soo bixi doonaan saddexda xisbi  ee ka jiri doona dalka 10 ka sano ee socda.Waxa kaloo uu xeerkani gudaha ugu dhacayaa xeer hoosaadka Ururada iyo Xisbiyada oo qofku laba jeer wax kan badan isuma soo taagi karo madaxweyne.

Markan dib ugu yara noqono Urur ama xisbi waxa loo yaqaan Koox dad ah oo doonaya inay waddan hogaanka u qabtaan dadkaasi waxay noqdaan qaar isku si u fikira ama isku dhow dhow,dadka inay tartamaan waa sunnaha Dowladnimo waxay u tahay fursad uu qofku ku soo fuuli karo saaxaddda Siyaasadda,haddii cid keliya uune fuushanaato waxa lumaya Xorriyaddii ahayd in muwaadinku waxna doorto ama isaga la doorto,Waxa jira waddamad qaarkood inay samaystaan hal xisbi keliya (Uni-party) waxa kaloo jira Laba xisbi(Bi-party) iyo xisbiyo badan (Multi-party).

Haddii aan taariikhda dib ugu yara Noqonno Wakhtiyadii Hore iyo siday Xisbiyadu ku soo bilaabmeen (plato) ayuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee u fikiray in dadka wixii isku dan ahiba ay samaystaan cid u hadasha,sidoo kale Aristotle ayaa soo saaray Falsafadda ah in noocyo kala duwan oo xukuumadeed Jiri karaan,wakhtiyadan Casriga ah waxay soo bilaabmeen xibiyadu Qarnigii 18aad Yurub iyo Maraykanka oo waxa ka jiray Maraykanka Xisbiyo la odhan Jiray (Federalism iyo Anti Federalism) sidoo kale Inngriiska waxa ka jiray Xisbiga (Conservative) qarnigii 19aad xisbiyadu way soo bateen ilaa maanta Dunida casriga ah,sida caadiga ah xisbiyadu afkaarta ayay ku kala tagaan laakiin hab qabiil uma dhismaan.

Haddaynu soo Ururinno Xisbiga waxa uu ka biaalbmi karaa ilaa 500 qof bixiya qaadhaan isku mid ah si uu noqdo xisbi la wada leeyahay,waxa kaloo u baahan yahay Daneeyayaal iyo maalqabeeno musdanbeed ah,waxa kaloo muhiimad ah inuu dadka Gobolada uu gobol kasta ka haysto ugu yaraan 20% ka dib uu halkaas ka sii hana qaado oo uu gaadho marka danbe 60% ama in ka badan.

MUHIIMADDA AXSAABTA

Sidaynu wada ognahay marka Urur la sameeyo waxa looga sii gudbaa Xisbi haddaba haddan soo koobno muhiimadda ay leeyihin axsaabtu waxa ka mid ah.

  • Xisbiyadu waxay u matalaan Bulshooyinka Siyaasadda
  • Xisbiyadu waa halka ay ka soo baxaan Hoggaamiyaashu
  • Xisbiyadu waa masrax uu qofku isku soo tijaabin karo
  • Xisbiyadu nabadda ayay ka qayb qaattaan oo halkii kursiga la isku eryan lahaa qofkii rabaa halkaas xisbiga ayuu ka soo dhex baxaa.
  • Xisbiyadu waa halka ama muraayadda laga dheehan karo waxa uu yahay waddanku
  • Xisbiyadu waxay abuuraan isu dheellitir awoodeed (Check and palance)
  • Xisbiyadu waa kuwa xukuumadda waxyaabaha ay ka gaabisay daba gala si run ah oo aan ahayn Brobagando.

FAA’IIDO DARRADA AXSAABTA

  • Waxa dhacda inuu xisbigu xagga dhaqaalaha ka wiiqmo ka dibna la xaraasho ama dadku ay U guur guuraan xisbiyo kale.
  • Waxa dhici karta inay madax u hamuun qabta inay mar uun Xil qabtaan ay ka soo dhexbaxaan
  • Waxa dhici karta in xisbiyada dad Musuq ah ay wadaan hadhowna aan faa’iido keenin
  • Waxa dhici karta in xisbiga mabaadii’da guud iyo ficilkiisu aanu is lahayn oo waxa uu dadka u sheegayo iyo waxa ujeedadiisu tahay is khilaafaan taasna xisbiga way dumimanyasaa hadhow
  • Xisbiyadau Mararka qaarkood waxay abuuraan Borobagandooyin dhaawacaya Qaranimada
  • Xsibiyadu Mararka Qaar waxay abuuraan kala Qaybsanaan bulshada shexdeeda ah.
  • Mararka qaar xisbiyadu waxay dusha soo mariyaan dad aan ku haboonayn Xagga aqoon ahaan waxayna qariyaan dadka Hibada leh.
  • Xisbiyadu mararka qaarkod waxay abuuraan qabyaalad iyo kala kaxayn.

 

Haddaba side loo abuuri karaa xisbiyo ka tarjuma waaqaca jira oo hoggaamin sax ah abuura,waa arrin u baahan Farsamo badan(Mechanism).

Rashiid Odawaa

rashidsalan@gmail.com

4101213