Muraabaxo Xalaal ah Mise Ribbo Xaaraan ah? (WQ: Maxamuud Faarax “Ruush”)

DAHABSHIIL BANK
Islamic Mortgage! (Guryo dayn lagu iibinayo , nidaamka/shareecada maaliyada islamkuna ogolyahay watana sicir barar ku yimaada qiimaha guryaha)
Siyaabaha lacagta loo kala bixin karo
Description 3 Qol Rate
By Cash $25,000 0.0%
One Year $27,682.38 10%
Two Years $29695.6 18%
Three Years $31,205.6 24%
USBANK
Conventional mortgage (Guryo lagu iibinayo dayn oo ku salaysan nidaamka Ribada ku dhisan).
Description Guri Rate
By Cash $25,000 0.0%
One Year $25,613.56 4.5%
Two Years $26,188.72 4.5%
Three Years $26,772.23 4.5%
SABABAHA KEENA IN DAYMINTA IYO DAYN IIBKUBA KA BATAAN LACAGTII LAGU AMAAHIYEY AMA QIIMAHA MAANTA
Sida caadiga ah, marka bangi ama ganacsade ama qof caadiyiiba lacag ku daymiyo ama dayn wax kaaga iibiyo kordhiyana qiimaha ama lacagta aad soo celinayso waxay tixgaliyaan sadex amuurood oo kala ah:
1.  Qiimaha waqtiga oo la Lacageeyo (Time value of money):wuxu ku doodayaa lacagta maanta aad haysato iyo ta bari kusoo gali doonta waxa qiimo badan ta maanta, tusaale ahaan, hadii lagu siiyo boqol dollar maanta iyo hadii boqol dollar lagu siiyo sanad ka bacdi ,waxa qiimo badan boqolka maanta sababtuna waxa weeyi,boqolka maantu wuu kuu shaqayn sanad ka bacdina wuxuu noqon boqol iyo wax ka badan. Markaa had iyo jeer way kala badan doontaa lacagta maanta ay kaa bixiyeen iyo ta ay kaa sugayaan bari.
2.  Fursadaha qadarka ay lacagtu go’ayneso (Opportunity cost of the money):waxay odhanaysaa lacagta aad igala maqantahay way ii shaqayn lahayd markaa waxaan ku dul saaranayaa lacag u dhiganta intay lacagtaydu ii shaqayn lahayd.
3. Intay lacagtu maqneyd qiima dhaca ku yimaada (Indexation): waxay odhanaysaa waxaan kaa rabaa inta lacagtaydu ay qiimo dhacday inaad ii dul saarto lacagtayda, tusaale ahaan, hadaan boqol dollar ku daymiyo ama aan kaa sugo waqti sanad ah,waxaa dhacaysa in boqolkaasi wuxuu maanta ii goynayey aanu baritoole ii goynayn markaad lacagta iisoo celiso.
(doodani waa ta ugu macquusan, laakin xalkeedu wuxu ku xidhanyahay hadba waxaynu u doorano inay lacag inoo noqoto, dahab, ama maar, ama waraaq)
MAKALA DUWANYIHIIN LABADAN NIDAAM EE GURYAHA LAGU IIBSANAYAA?
Aniga waxay ila tahay maya: Ta koobaad, hadaad u fiirsato labaduba waxay tixgalinayaan waqtiga, waxa kale oo wada aaminsanyihiin in lacagta kaligeed waxa laga dhalin karo iyaga(Islamic bank) oo u maraya iib been ah oo la yidhaahdo muraabaxa, waayo waaxan ay iibinayaan iyagu male laakin markaad u timaado ayuunbay ku odhanayaan anagaa soo iibsanayna kaana sii iibinayna, mana laha meherado iyagu ay ku iibiyaan alaabta laakin lacagta ayey kireeyaan waxayna ku gabadaan iib.
Marka labaad, nidaamkoodani wuxu keenayaa sicir barar xaga guryaha ah, oo bari dhaw waxa dhici doontaa in guryaha qiimahooda la goyn waayo sababtuna waa laba goor macaashka, mar ah faaido xalaala iyo mar riba ah.
Ta sadexaad,waxa dhicidoonta in bulshada inta wax haysataa aad u taajiraan inta kalena baaba`aan sababtuna waxa weeyi suuqa dayntu wuxuu u furanyahay oo kaliya:
1. Nin hanti leh(dhul, guri, beer iyo wixii la mid ah)
2. Nin haysta damiinul maal
3. Iyo nin iska bixinkaraya wuxuu daynsaday(shaqaale hela $800 iyo wax ka badan)
DHAMAAN DADKA KU WADA DOODA RIBADA WAXAY ADEEGSADAAN MARJIC QUDHA(QURAAN IYO SUNNADA) WAXAYNA DHAMAAN KA SIMAN YIHIIN RIBADU INAY XAARAAN TAHAY!
Ribadu waxay gashaa daynta iyo iibkaba,inta badan ribada daynta gashaa way muuqataa doodna kama taagna, tusaale ahaan, hadaan boqol dollar ku amaahiyo waxaan kuu soo celin boqol dollar uun hadaad wax kabadan i waydiisana waa riba waana la isku wada raacsanyahay, laakin ta la isla fahmi la’ayahay waa ta iibka gasha ama muraabaxa dheh ama beecul ciina dheh, ama ganaax dheh.
Markaa waxaan u aqaana riba wax walba oo korodh ah oo la tixgalinayo time, oo macnaheedu yahay ama ku dood time value of money ama opportunity cost of your money ama ku dooda qiima dhaca lacagtaada ku yimid.
(…Gaaladii waxay yidhaahdeen iibkuba wuxu la mid yahay ribada, Ilaahay wuu xalaaleeyey ganacsiga wuxuuna xaaraantinimeeyey ribada Quraan 2: 275),marka farqiga u dhaxeeya ribada iyo ganacsigu wuu kala cadyahay.
Riba Alnasiya: Korodh ama biiro lagu helay wax aan u dhigmin oo manfaca, taasoo shuruud laga dhigay iyada oo maslaxo u ah mid ka mid ah labada dhinac ee wax is waydaarsanaysa, biiradaasi waxa lagu xidhaa waqtiga oo la yidhaahdaa inta ay iga maqantahay lacagtu ayaad wax iigu kordhinaysaa sababtuna waxa weeyi lacagtaasi way ii shaqayn lahayd.
Waxay ku kala duwanyihiin ribada iyo ganacsigu:
1. Xaga risky ga( ribadu khatar inta badan male waxaaga mar walba waad helaysaa waana la yaqaanaa)
2. Xaga waqtiga sida uu u saamaynayo wax iibsiga iyo dayminta(ribada inta badan waxa lacag u dhigma waqtiga, ganacsiga shayga lagaa iibinayo ayaa profitka la saaraa)
3. Xaga sicir bararka( dhaqaalaha ay gasho ribadu wuu ka sicir barar badanyahay ka bilaa ribada ah)
4. Xaga shaqo abuurka (ganacsigaa kaga fiican ribada waayo ganacsiga waxa la abuuraa capital taasoo wax soosaarka kordhisa, shaqaalayntana kor u qaada)
5. Xaga dheelitirla`aanta dhaqaalaha waxa u fiican ganacsiga, ribaduna way sii xumaysaa.
6. Xaga assetka (ganacsiga ayaa abuura assetka,laakin ribadu waxay dhiiri galisaa in lacag cad uun laga ganacsado oon lacagta loo badalin capital wax soo saarta)
7. Xaga dhaqaalaha(ribadu dhaqaalaha waxay ku ururisaa gacmo qudha, xaga ganacsigu dhaqaalaha dhexwareejiya dadka maalina waa adiga maalina waa qayrkaa).
DOOD FURAN: ADIGU HADAAD AAMISANTAHAY LABA NIDAAM EE KOR KU XUSANI INAY KALA DUWAN YIHIIN WAXAAD NOO SHEEGTA WAXAAD U TAQAANO RIBADA?
Maxamuud Faarax-  Aqoon yahan Dhaqaale