=” Beri hore waxa ay ahaayeen kuwa dadka xabsiga dhiga marka ay khalad ku dhacaan si loo marsiiyo ciqaab ku habboon dembiga ay geysteen laakiin maanta waxa dadkii xabsiga loogu ridayaa maxaad runta u sheegteen si mujtamaca loo aamusiiyo”. Maxim Gorky.
=” Ma jirto cid kugu dhufan karta jug ka culus midda nolosha kaa soo gaadha. Jugta ay sababto noloshu way ka xannuun badan tahay tan dadka xaggiisa kaaga timaada. Marka aad deris la noqoto labadan xaaladood muhiim maaha sida adag ee aad durbadiiba uga jawaab celiso ee waa hadba adkaysiga joogtada ah ee aad arrintan ku wajahdo si aad hore ugu dhaqaaqdo, taasina waxa ay kaa caawin kartaa in aad si fudud ku guulaysato”. Sylvester Stallone.
=” Marka uu qofku weynaado, caqligiisa uu kaamil noqdo, xorriyadna uu dareemo, wuxuu u baahan yahay saddex waxyaabood si uu farxad ugu noolaado adduunka: ruux wehel u ah qalbigiisa, shaqo uu maalintaa qabto iyo hammi rajo ku dhisan si uu mustaqbalkiisu u iftiimo.” Thomas Edward Bodett.
=” Farxad ayaa la su’aalay: waa goorma wakhtiga aad ku xasisho qalbiga qofka? Waxa ay ku jawaabtay: – Marka aanad ka murugoon wixii la soo dhaafay. – Marka aanad ka quusan waxa iman doona. – Marka aad ku qanacdo wixii uu Alle ku siiyo.” Lama yaqaan cidda tidhi.
=” Birtu way miridhaa haddii aan la isticmaalin, biyuhu way fadhiistaan haddii aan la dhaqaaqin, caqliguna wuu diciifaa haddii aanu fikirin”. Leonardo da Vinci.
=” Dadka taajiriinta ahi waxa ay goor dambe iibsadaan waxyaabaha raaxada, halka kuwa saboolka ahi ay ku taamaan iibsiga waxyaabaha raaxada marka ugu horraysa ee lacag ay jeebkooda soo gasho, taasina waa farqiga ay nolosha ugu kala sarreeyaan.” Robert Kiyosaki.
=” Insaanka caqliga leh wuxuu bartaa shay kasta oo uu naftiisa anfacayo waxaanu ka bartaa qof kasta oo hal eray ku kordhin kara aqoontiisa balse doqonku waa kan ugu yeedha naftiisa inuu wax kasta yaqaanno iskuna arka inuu yahay kan asxaabtiisa ugu aqoonta badan”. Socrates.
=” Waxaad u baahan tahay in aad akhrido falsafadda, gabyada iyo sheekooyinka adiga oo muraadkaagu yahay in aad caqligaaga u furto bari iyo galbeed wax badanna aad ka ogaato taariikhda iyo xaddaaradda uu adduunku soo maray. Mar walba oo wakhtigaaga aad ku bixiso wax akhriska waxa kuu fududaata in aad barato naftaada oo bilow u ah in aad cagta saarto waddada guusha adiga oo garanaya halka ay kaa xigto jihada loo dhaqaaqayo.” Dr Mustafe Mahmoud.
=” Adigu wax badan ayaad fahmaysaa taasina waa sababta aad mar kasta la xanuunsayso, oo haddii aad dameer ahaan lahayd waxaad noqon lahayd mid farxsan.” Nikos Kazantzakis.
=” Cudurradu kuma dhacaan jirdhka oo keliya, qaarkood waxa ay asiibaan akhlaaqada qofka. Haddii aad aragto ruux akhlaaqadiisu xun tahay u ducee inuu caafimaad helo, adiguna ku xamdi Allaha awoodda badan ee ee aan kugu ridin cudurrada halista ah ee dadka kale lagu ibtileeyey.” Dr Ibraahim Elfiky.
= “ Jacaylku haddii hal eray lagu qeexo waa isku habboonaasho. Taasi waxaan uga jeedaa laba qof oo isu qalanta xagga ruuxda iyo dabeecadda ka hor inta aan la soo hadal qaadin quruxda jidhka, da’da iyo fikirka.” Dr Mustafe Mahmoud.
=” Noloshu way iga wareertay marar badan. Waxaan arkay waxyaabo aan necbaa in aan arko. Waxaan ku noolaa xaalad adag oo isugu jirta murugo iyo fashil laakiin shayga keliya ee aan hubay wuxuu ahaa in aan kor u soo kici doono”. Nelson Mandela.
=” Kuwa dadka cafiya waxa ay leeyihiin qalbiyada ugu wanaagsan uguna farxadda badan. Waxa ay barteen qiimaha adduunyada, taasi ayaana ka dhigtay inay cafiyaan khalad kasta oo loo geysto naftooda iyaga oo aan wax shardi ah ku xidhin”. Plato
= “ Ma kala sooci kartid nabad iyo xorriyad. Waa laba shay oo aan kala maarmin hadduu midkood maqan yahay, maxaa yeelay qofku nabad kuma noolaan karo ilaa ay naftiis xorriyad dareeto”. Malcom X.
=” Marka laga eego dhanka ixtiraamka si wanaagsan u dhegayso hadallada dadka. Laakiin marka laga eego dhinaca taxaddirka, ha rumeysan waxa uu qof kastaa kuu sheego.” Will Smith.
=” Adduunka aynu maanta ku nool nahay haddii aanad taxadir badan muujin warbaahintu waxa ay ku nacsiin doontaa dadka dulman ee dhibaatada loo geysto waxayna kaa dhigi doontaa mid jecel dadka dulmiga sameynaya”. Malcom X.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
La soco…………………………