Qiso.
Maalin maalmaha kamida ayaa waxa is raacay laba nin oo saaxibo ah waxay ag lugaynayeen wabbi iyagoo ag socda wabbigii ayaa waxa mar kaliya wabbiga biyihiisii isu beddeleen casaan dhiiga,iyo mayd caruur yar yar oo la soo dhawacay ka dibna la soo raacinayo wabbiga
Labadii nin ayaa argagaxay mid ka mida ayaa galay wabbigii si uu badbaadiyo ciyaalka ugana saaro wabbiga dhaawaca, kii kale ayuu dhawaaqay isaga oo doonaya inuu caawiyo.
Ninkii labaad wuu dul taagnaa. ninkii wabiga ku jiray ayaa la yaabay hadana ku mashquulay gurida maydka iyo dhaawaca ninkii saxiibkii ahaa uu arkay isagoo sii ordaya waxa uu niyada ku qabtay in maalintii kaliyah ee dad la badbaadinayo cidleeyay saxiibkii.
Isaga oo ku mashquulsan dhaawacii iyo maydkii se aanay cidi u badbaadin oo marka uu wabbiga ka saaro dhaawaca ay dhimanayaan ayaa hadana uu gurayay.
Waxa mar kaliyah is bedelay xaaladii oo ciyaalkii dhaawaca ahaa ee la soo raacinayay wabbiga ayaa joogsaday.
Ninkii ayaa soo baxay si uu saaxiibkii u baadi goobo waa ay kulmeen way is weraysteen labadii nin
Kii wabbiga ciyaalka ka gurayay ayaa dhahay maalinta kaliya ee naf la badbaadinayay ayaad oroday igu cidlaysay sidaa awgeedna aanay cidi u badbaadin.
Kii orday ayaa ku jawaabay adi waxaad doonaysay inaad badbaadiso qof la soo dhaawacay oo wabbi la soo raaciyay oo nolosha rajada uga hadhsanayd yarayd aanan marnaba badbaaadayn ani se waxaan tagay halkii ciyaalka lagu soo dhaawacayay lagaga soo tuurayay wabbiga waxan badbaadiyay qof rajadiisa noloshiisu dhan tahay oo caafimaad qaba..
FARQIGA U DHAXEEYA ILA WADAAG ..
ANA QAYBAHA DANBE AYAAN IDINKULA WADAAGI UJEEDKA IYO MURTIDA SHEEKADA