Muslimiintu marxaldee ayay marayaan? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Nin Muslim ah oo caraba ayaa ka hadlay goorta ay muslimiintu guulaysanayso, wuxuu u hadlay sidii oo cadaalada oo dhan dhulkan korkiis ka dhacayso, markaas ayaan xusuusto maqaalkan oo aan maalin hore qoray.

Nin oday ah ayaa yidhi waxaan ka qayb galay shir reerku leeyahay, hadii aad aragto dadka ay doonayaan inay soo sharxaan amakaag ayaa ku dilaaya, waa dad aan waxba lagu aamini karin.

Hadaba maxay u dhacday marwalba inay ina hogaamiyaan dadka kuwii ugu liitay, hadaba si aynu arintaa u fahamno waxa wanaagsan inaynu ogaano marxalada aynu ku jirno, waayo Rasuulkeenu SCW sida uu inoo sheegay axaadiis badan muslimiintu maraaxil ayay maridoonaan ayuu yidhi, marxalada nabinimada, marxalada khillaafada, marxalada boqortooyinka, marxalada kali taliska, marxalada dajjaal, marxalada yajuuj iyo majuuj, maraxalada mahdiga, marxalada nabi ciise, sidaa aan u qoray maaha sida ay isugu xigaan, laakiin maraaxilta ay muslimku marayaan ayuun baan qayb ahaan sheegayay.

Bal ka waran nin beerwale ah oo doonaya inuu wax beerto, laakiin aan xiliyada kala garayn, waqti roobaadka ayaa wax la beertaa, bal ka waran hadii uu jiilaalka wax beerto, dadku sidee ayay u arkayaan, waxay odhan uun wuu waalanyahy, ama waa qof garaad gaaban.

Waa mida labaad eh waxa ku dhacaya ninkii beerwalaha ahaa tacab khasaar.

Waa mida sadexaad eh si dhibyar ayaa loo khiyaamayn karaa waayo waa qof moogan ama qaflad ku jira, mar hadii aanu garanayn xiliyada lagu jiro.

Hadaba illaa aynu garano xilliga aynu ku jirno ka bixi mayno xaaladan tiiha ah, tusaale mar uu Rasuulku SCW ka hadlay Dajjaal wuxu yidhi hadii uu idinku soo baxo anoo jooga anaa idiin doodaya hadiise uu soo baxo dabayday qof walba isaga ayaa naftiisii u doodaya ama waa sida uu yidhi eh.

Imika, https://www.youtube.com/user/SheikhImranHosein (sheikhaa YouTube ka ayaad maxaadaraadkiisa ka dhagaysan kartaa) iyo ardaydiisu waxay aaminsanyihiin in Dajjaal iyo yajuuj iyo ma-juuj la soo daayay aanay talinayaan, yihiina kuwan ina jaahwareeriyay, nasli wal oo baniaadamkana ka soo dhex bexeen inagana dhahoo, waa kuwa laynagu dhexbeeray eh.. ( dadka qaar baa u haysta marka la soo qaado yajuuj iyo ma juju, dad nooc kale ah, waar waa reer baniaadam oo adiga oo kale ah, hal sifo ayay leeyihiin waa mufsidiin, fasahadinaya diin iyo dadba, kuwa laynagu dhex beeray, miyaanay wadaad iyo waranleba fasahaadin, maxaad sugaysaa ).

markaa dadka caynkaa aaminsan iyo kuwa kale, nolosha ma isku si ayay u arkayaan, waa maya.

Hadaba waxa la gudboon muslimiinta in la garto marxalada aynu marayno, hadii aan la garan marxalda aynu marayno marwalba waa layna dagayaa, hadii aynu garano marxalada aynu marayno way fududahay inaynu ka gaashaamano, hadii kale se waa layna dagyaa, waa sida aynu imikaba u daganahay eh.

Ayaad quraan ah ayuu macnaheedu ahaa, hoogeenee illayn qaflad ayaynu ku jirnay, imika weeyaan qaflad ayaynu ku jirnaa, waanaynu daganahay.  Somalidu waxay tidhaa wan wayn illaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan, markaad marxaldaa gaadhana waa mar ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen, oo aanad waxba ka qaban karin.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com