Mustaqbalka Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaddib Muxuu Noqon Karaa? Haddiise Canfartu Maamulka Qabato Jabbuuti Halkay Afka Saaraysaa? (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

Jabbuuti waxa huursan maal xun oo ay u badan tahay inay dillaaci doonto maalin aan durugsanayn. Madaxweyne Geelle marka laga yimaaddo inuu yahay nin oday ah oo ilbax ah Isla markaana matali karaya waxa uu rabo inuu matalo, haddana waxa muuqata inuu yahay Kaligii jire kaligii taliye ah. Ka soo qaad inuuinuu geeriyoodo, ama la dilo, amaba uu ku asaasaqo sidii ragga qaar xaajadu siday noqon kartaa?
Dadka Ciisuhu waliba dhalinyarada danbe waxay aaminsanyihiin in ISAAQ boobo hantidooda iyagoo ka faa’idaysanaya gogosha Khadra Maxamuud Xayd. Waxa inta badan dadyowgaasi ku doodaan in la xaalufiyey oo waliba xadhig iyo bahdil loogu daro.
Haddii markaas awood kale Jabbuuti ka soo baxdo oo sida Aboo Axmed ay wax kasta qalabaa-gaddiyaan maxaynu ka filan karnaa Jabbuuti iyo kooxaha cadhaysan ee xukunkaas qabsan kara?. Miyeynu macawisaha iska gurannaa mise caqli baynu ku darnaa nimanyahaw? Canfarta oo maamulka qabata ka warran? Haddii Canfartu maamulka qabato Jabbuuti waxay noqon doontaa meel la isweydiiyo jiritaanka isirka Soomaaliga.
Jigjiga waxa ka soo socda waxaan la arki karin. Gaas baa laga helay deegaanka walina xal nabadgalyo mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo lugo adag ku taaggani kama jirto deegaanka. 2020ka doorasho ayaa ka dhacaysa ina Cagjar waxay u badan tahay inaanu soo laabanayn oo Laftagareenka oo kale la geysan doono. ONLF waxay u badan tahay inay isa soo sharraxdo waxaase laga yaabaa in sidii Roobow xabsi lagu guro siiba ragga qaar. Mushkiladduna waa ONLF oo rabta goonni goosad iyo Itoobiya oo aan rabin goonni goosad. Shacabka in afti laga qaado ayey ONLF rabtaa laakiin Itoobiya kama suurtawdo arrinkaasi. Maxaa dhici kara? Dagaal. Waxaase iswediin leh yeynu raacaynaa maxaase inooga qorshe ah?
Cabdiwali Gaas waxay u badan u tahay inuu soo laabanayo, waxaanay u badan tahay inuu ku xigeen ka dhiganayo nin Maxamuud Garaad ah. Hadduu nin Maxamuud Garaad ah ku xigeen ka dhigto xaaladda Gobolka Sool wey sii cakirmaysaa. Mase laga yaabaa in reer Buuhoodle ka xidhiidh furtaan Garoowe? Layskuma hallayn karo.
Doorashada danbe ee Madaxtooyada jeegaantu waxay iila eeg tahay inaanay gaadhayn hadday gaadhana Jeegaan itaal daran oo laga dukaamaysan karayo inay noqon doonto waana sida u wanaagsan Soomaalilaan. Dhibtuse waxa weeye jeegaanta ma Giraan cadhaysan ayeynu ku baddalnaa mise afkaar iyo mabaadii waaweyn ayeynu la imannaa oo ummadnnimo leh. Mise…
Muuse Biixi illaa iyo hadda uma muuqdo Hoggaamiye aragti leh wuxuuse iila muuqdaa Maamule waliba aan xirfad badnayn oo hadduu 4-sanno oo danbe oohin, waa la ina xasuuqay,  inanka yar ee Farmaajo, wada hadalkii waan ka baxnay, haddana wada hadalkii uu noo socdaa, doorashadii dibbay u dhacday, haddana way dhacaysaa, wax sidaaa u eeg ayuu hore ugu sii socon doonaa.