Muu Hadhin Muran Dambe oo Doorasho W/Q:( Cumar Maxamed faarax )

Muddo dheer oo doorashooyinkeennu muddo dhaafeen iyo muran madhalays ah oo laba Sannadood qaatay, Haatan waxaynu joognaa xiligii aynu dalcada aynu fananayno xawaare iyo wadajir ugaga bixi lahayn.

Komishanka Doorashooyinku, hawl adag kadib waxay soo saareen jidwalka doorashooyinka oo labada doorashaba sanka isku hayaan.

Doorashada Ururrada Siyaasadda oo dabcan ah halka laga ambo-qaadayo geddi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland ee karaar jabi gaadhay, waxay u asteeyeen inay ku qabsoonto muddo aan ka badnayn lix bilood gudahood oo ah 28ka December 2023. Halka doorashada madaxtooyadanna ay u cayimeen inay dalka ka dhacdo December 2024ka.

Dhawaaqa Komishanku waa xal iyo dedaal wada socda oo ummadda reer Somaliland fursad loogu siinayo inay ciyaaraan waakibkooda
siyaasiga ah. In marxaladan la soo gaadhaana waa mid loo jeellana muddo dheer.

Sidaas darteed, dhinacna muu guulaysan, cid laga guulaystay oo daneeyeyaasha doorashada ka mid ahina ma jirto, waxa se loo baahan yahay in saddexda xisbi ee hore WADDANI, UCID,KULMIYE iyo 10ka Urur siyaasadeedba ay Guddida doorashooyinka kala shaqeeyaan sidii qodaxda looga hor guri lahaa wakhtigaas la qabtay oo UCID iyo WADDANI ay laabta u sii daayaan, una diyaar garoobaan sidii ay u adkaysan lahaayeen kalsoonida ummadda oo ah waxa mar walba la isku dhaafi jiray, maantana lagu kala badin doono.

Mana jirto sabab ay uga kayr-kayraan ururrada cusub ee ay saaxadda kaga guunsan yihiin.

Waxa horyaalla daneeyaha dhabta ah ee doorashooyinka Somaliland inuu qalqaale xoog leh iyo abaabul u galo doorashada wakhtiga yari innaga xigto.

Sida Dalalka beesha caalamka ee daneeya doorashooyinka Somaliland ay ku sheegeen warmurtiyeedkoodii shalay maaha in wakhti dambe innaga khasaaro, waxayna soo dhaweeyeen jidwalka loo asteeyay doorashooyinka Ururrada siyaasadda iyo ta madaxtooyada.

Sidoo kale, waxay ku baaqeen in wadajir loogu guntado sidii loo hirgelin lahaa caqabadaha sharci, dhaqaale iyo farsamo ee soo wajihi kara taabogelinta doorashooyinka.

Waxa kaloo daruuri ah in la xoojiyo qalbisamaanta Komishamka dhexdiisa, isla markaana la dhammeeyo farqiga aragtiyeed ee ka soo dhex baxay go’aankii u dambeeyay ee ay soo saareen. Waana inay yeeshaan dhaqan ah inay mar walba ayidaan aqlabiyadda; inkastoo ay lagama maarmaan u tahay inay is wataan oo ay ku dedaalaan wax kasta oo ay kaga baaqsan karaan inay sida dhacday u kala hadlaan.

Ugu dambayn, waxa muhiim ah in la cayimay doorashooyinkii sii jiitankooda iyo murankoodu uu dhabaha u xaadhayo dib u dhac kale oo aan dan u ahayn axsaabta doorasho doonka ah iyo dadweynahaba. Waana inaynu tixgelinaa xilliga aynu ku jirno iyo duruufaha taagan oo wadajirkeena ka dhigaya mid khasab ah oo aan laga fursanayn.

 

Qore : Cumar Maxamed faarax

Bandhige@gmail.com