Muxuu Prof. Samatar ku soo kordhin karaa xisbiga Kulmiye (WQ: Cabdiwahaab Tooxyare)

Maalmahan u dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay ku biiritaanka Prof Axmed Ismaaciil Samatar ee Xisbiga Kulmiye waxaana in muddo ah aqoonyahanku qiimeyn ku sameeyay Xisbiyada Qaranka ugu dambayna wuxuu goโ€™aansaday kuna biiray Xisbiga Kulmiye iyadoo ay u dhawdahay in uu ka dhex arkay maslaxadiisa siyaasayeed.

Hadaba Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxaa uu wax weyn ku soo kordhin karaa Xisbiga Kulmiye haddii si weyn uga hawl galo, Prof. Samatar waa nin aad looga maqlo guud ahaan Somaliland gaar ahaan gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal iyo waliba aqoonyahanka waddanka, waxaana suuragala in uu taageerayaal badan uga keeni doono Xisbigaas Kulmiye, waxaa kale oo iyana qodob muhiima ah in siyaasada arrimaha dibedda uu Xisbigaasi ku hooseeyay in uu kor u soo qaadi doono.

Sidoo kale Axmed Ismaaciil Samatar waxaa uu miisaan culus ku yeelan karaa doorashooyinka soo socda ee Somaliland, balse dhan kale markaynu ka eegno maxaa maslaxad siyaaseed ugu jirta Prof. Samatar sida dadku isla dhex marayaan dadka qaar waxay leeyihiin Prof. Samatar waxaa lagu wadaa kursiga Cabdiraxmaan Saylici halka dadka kalena ay leeyihiin waxaa laga dhigayaa wasiirka wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Prof. Axmed ismaaciil Samatar laga filayaa in isbedel siyaasadeed uu ku soo biiriyo Xisiga Kulmiye. Waxaa iyaduna muhiima oo maalmahan hadal haynteedu badnayd sidee Prof. Axmed Ismcaaiil Samatar iyo Xisbiga Kulmiye ee mujaahidiintu iskula jaanqaadi karaan iyadoo Prof. Samatar dad badani u yaqaanaan in uu yahay nin tiisu u cadahay islamarkaana ay adag tahay siday iskula jaanqaadi karaan Xisbiga Kulmiye balse waynu ka warsugi doonaa halka ay ku dambayso.

Cabdiwahaab tooxyare.

Hargeysa, Somaliland.

Abdiwahaab888@gmail.com

0025659729450.