Natiijada Dastuurka oo la furo iyo magaca Somaliland oo la beddelo!!! (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

 

Qodobbada lagu heshiiyey ee ay Somaliland iyo Khaatumo qalinka ku wada duugeen sida ay yihiin ayaan u taageerayaa shakhsiyan. Waayo waa tubtii iyo geedigii Somaliland horumarta, loo siman yahay oo la wada leeyahay.Heshiiska noocan ahi waxa uu muujinayaa in guud ahaan dadka Somaliland wada lihi ay aayihii berri iyo mustaqbalka ka taliyeen, dantooda garteen iskuna raaceen Somaliland oo sii qurux badnaata. In se aad loo ga midho dhaliyo oo aan laga seexan in qodobbadaa laga run sheego ayey danta qaranku ku jirtaa, si ay Somaliland eexdu uga yaraato, raxmadda wax wada yeelashaduna gun iyo baar isaga tallowdo.

Arrimaha masiiriga ah ee aan heshiiska hor dhaca ah ku xusneyn se laga yaabo in hoos laga ga heshiiyey ee ay ka midka yihiin beddelista magaca Somaliland iyo furista dastuurka haddii baahi weyn oo kallifaysaa jirto iyana waa ammuur miiska la keeni karo oo u furan in dood la galiyo. Marka hore in la furo dastuurku waa wax siyaasadda dalalka caalamka aan qariib ku ahayn oo baahi keentay ah. Waxa jira 8 dal oo adduunka ka mid ah oo dastuurkooda ku dhigtay saami-qaybsiga iyo sida awoodda dawladnimo loo wada yeelanayo.

Haddii sidaa la isku aaminayo waa is-af-garad waana in hore loo soconayo. Iyana ammuurta magaca Somaliland oo la beddelaa waxa ay khusaysaa siyaasad iyo taariikh. Ma aha wax qaddiyad khuseeya oo la ma taabtaan ah. Iyana waxa jira in ka badan 10 dal oo beddelay magacii qarankooda. Dalalkaasi Somaliland waa ay ka taariikh weyn yihiin dhammaantood waaney ka siyaasad durugsan yihiin. Haddana waxa ay garteen in magaca ay iska beddelaan.

Maanta Somaliland waa ay haysaa marmarsiinyo fiican oo magaca iyo LAND ta la canjilay ay isaga du’do. Sida maanta wax yihiin marka aad eegto anigu waxa aan soo jeedin lahaa in magacan lagaba guuro, waayo macno aan ahayn Ingiriis ayaa noo bixiyey ma leh. Heeryada gumaysiga waa la iska rogaa ee la ma dugsado.

Ugu danbeyn, dantu waa in dadka Somaliland wada leh, ee Alle ku wada abuuray ay dawladnimo loo dhan yahay oo heshiis lagu wada yahay ay hoos joogaan min Bari ilaa iyo Galbeed. Quruxda qarannimada ayaa sidaa ah, in si niyad ah dawladnimada loo gu heshiiyo si safarka dheer ee inna sugaya loo wada baaciyo aad baan u soo dhaweynayaa.

Qalinka: Maxamed Xaaji Maxamuud