Nidaamka Cashuuraha Waa In Dib Loo Saxaa ee Soomaalilaan (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

 

Kastamka Gabiley wuxuu qaadaa cashuurta qaadka, qaadkuna wuxuu gaadhaa guud ahaan waddanka. Tusaale ahaan reer Berbera qaad ordaya ayaa magaalada ugu taga cashuur lagama qaado, qofka Geed qaada ama Falladh iibsanaya cashuur ma siiyo Berbera iyo Burco laakiin lacag kaasha ayaa laga soo rartaa. Dawladda Hoose ee Burcana qashinka qaadka guriddiisa waxaa kaga baxa %20 miisaaniyaddii Degmada Burco. Lacagtii waxaa qaatay dawladda dhexe kastamkeeda Gabiley, lacagtaydiina iyadoo kaash ah ayaa la iga soo rartay waliba waxaan khasaaray dawlad hoose ahaan %20 qashin gur ah.
Haddii la xisaabtamayo oo tusaale ahaan Geedka qaadka ah laga qaado $1 cashuur ah oo Gabiley lagu qaado hadda, waa in loo baddalaa halkii dollar ee hal mar la bixin jiray magaalo kasta inay cashuurato oo Gabiley qaadato 0.20 cent  magaalo kastana Falladh iyo Caqaar Caqaar u cashuurato maadaama lagu iibinayo degmadooda. Maxaa markaa soo baxaya oo horteenna imanaya degmo kasta wixii ay beerato iyo wixii ay cashuurato inay ka muuqato miisaaniyaddeeda. 0.20 cent waxaan u soo qaatay tusaale.
2-Milyan oo neef haddii Udxada Burco laga soo raro kadibna Berbera lagu cashuuro burco ma waxaa u hadhaya siigada iyo saalada xoolaha miyaanay boob ahayn in sannadkii cashuurta burco laga dhaco in ka badan saddex milyan oo dollar. Kadibna la yidhaahdo reer barigu cashuur ma bixiyo siday yidhaahdaan fadhi ku dirirku.
Kastamka Berbera macaamiisha ugu badan ee uu ka faa’idaaa waa Togdheer, Sanaag, Sool, iyo Soomaalida Itoobiya oo Burco adhiga keena raashinkana ka qaata. Haddaba haddii macaamiishaasi Boosaaso u wareegaan oo uga jaban Berbera qiimaheedu sidan ma ahaanayaa, xaqiiqdu waxay tahay inaanay xidhmayn laakiin ay iska haawan doonto.
Arday laga qaado lacag fara badan, Dawdweyne laga kireeyo kummaanan guri, iyo boqollaal qoys oo biilal ku qaata Hargeysa waxay ka yimaaddeen Gobollada bariga waxa u sii dheer, shaqaale, ganacsato waaweyn oo cid waliba u shaqayso intaasiba waxay kabaan Caasimadda quruxdeeda iyo dhaqaalaheeda ceebna maaha. Laakiin waxay ku joogaan heshiis bulsho haddii heshiiskaas cid gaar ahi tunka saarato inay guuraan oo meeshay doonaan u guuraan gar bay u leeyihiin.
Waxaynu u baahannahay inaynu dib u habayn dhaqaale oo dalka la isu miisaamayo galno. Haddii kale Balligubadlana saxare ahaan mayso Laasciidlana abeesadu dadka ku cuni mayso ee hadhkaa la isugu imanayaa.