Nidaamka siyaasadeed ee Soomaalilaan waa mid xidhan, si sharciyaysan u xidhxidhan, dadwaynahana ka hor jooga in ay wax u doortaan sida dantoodu ku jirto. Sababayntuna waa tan.
Iswaydiimaha.
Doorashooyin ayaa looga dareeri doonaa dhawaan Soomaalilaan, waa doorashadii labaad ee baarlamaan dadwayne doorto iyo tii saddexaad ee uu doorto golayaal deegaan. Waxa ay ka daba imanaysaa doorashadii saddexaad ee dadwayne doorto madaxwayne oo ahayd saddex sanno ka hor.
Waxa iswaydiin mudan haddiiba ay dadwayne dooranayaan madaxda, soo doorayeen labaatan sanno, oo saddexda heerba ay min dhawr jeer ku yimaadeen kuna tageen cod dadwayne, sababta ay danaha dadwaynuha uga shaqayn waayeen madaxda la doortay? Sababta dadwaynuhu u dooran waayeen dad danahooga ka shaqeeya? Iyo sababta ay dadwaynuhu ka codayn ugu ciqaabi waayeen madaxda iyo matalayaasha aan danahooga ka shaqayn? Danta ku jirta nidaamka siyaasadeed ee furan, xisbiyada leh, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadduba saw ugu danbayntii maaha in dadku doortaan madax danahooga ka shaqaysa iyo in kuwa ka shaqyan waaya in ay ku ciqaabaan?!
Fasirka diyaarka ah ee lagu sababeeyo shaacsanahan iyo shaacsane kasta oo kale oo Soomaaliyeedba waa qabyaalad! Haddii sababayn kale laguba daro, waa haddii e, waxa lagu daraa ogaal hoosaynta dadwaynaha, jahligooga iwm. Caddaymaha loo adeegsado dodahaas waan ka dharagsanahay, anigu se waxa aan qabaa in jawaabhaasi yihiin kelishiihaad, haddii ay in uu sababaynta meel ka soo galaanna xagga ugu danbaysa ayay ka soo gali, mar ay ka soo hormareen liis dheer oo kale.
Qodobada liiskaa dheer ee aan rumaysanahay in ay ka hormari doonaan kuwan la daaliyay ma wada taxi doono. Waxa aan u socdaa qayb ka mid ah, oo farsamooyin ah, si toos ahna xidhiidh ula le in dadwaynaha ay u suuragali waydo in ay doortaan madax danahooga ka shaqaysa ayaan halkan ku tixi, waana:
1) Xisbiyo Badan Baa Jira Waa Been
Markii lagu dhawaaqaayay in matalaada ergooyin ee beelaha laga guuray waxa la shaacinayay, laguna baaqayay in loo guuray nidaam xisbiyo badan. Been wayn ayay se noqotay taasi. Nidaamka xisbiyada Soomaalilaan waa nidaam loogu yeedhi karo “nidaamka xisbiyada xidhan”. Waa darajo u dhaxaysa nidaamka xisbiga qudha (tusaale; nidaamkii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed) iyo nidaamka xisbiyada badan (tusaale; nidaamkii xisabiyada badnaa ee 60-69kii).
Saddex xisbi ayaa jiri kara, urursiyaasadeedyada lama ogola in la furto ilaa la fasaxo furashadooda! Tartanka kala reebistooda oo ah geeddisocod ay xukuumaddu ba’ illaa ya’ maamusho ka dibna, ma furnaan karaan. Waxa ay keentay taasi in urur bilo gudohood la furay la tartamo kuwo da’ jira oo diyaar ah. Diyaar galaw horena lama ogola, dhisme danbe oo marlabaad lagu soo noqdana lama ogola. Caqabadaas qudha ayaa ku filan in xisbi cusub aanu soo galin saaxadda, waxa se dheer ah in aanu soo bixi karin urur cusub oo aanay xukuumaddu raali ka ahayn!
Waa ta keentay in Kulmiye iyo Ucid oo kuwii hore ah iyo Waddani oo Ucid ka farcamay ay soo baxaan 2012kii. Si kale haddaan u dhigo, intii jirtay ayaa midna cuntay, midna dhashay. Jug, jug, bartaada joog.
2) Siyaasaddu Xisbiyada Ayay u Xidhantahay
Xisbiyada xidhan waxa raaca in siyaasaddu kooto ugu xidhantahay xisabiyadaas saddexda ah. B) Lama ogola musharrax madaxbannaan, saddexda heer ee la doorto mid toona. Taasi waxa ay qasabtay in la kala doorto saddexdaas iyo cidda ay soo sharraxaan ama laga hadho geeddisocodka doorasho gabi ahaanba. T) Sharraxaadda ka sokow, dibad bax, is-urursi siyaasadeed iyo qaab kasta oo kale oo qof ama koox dadwayne ahi kaga qayb noqdaan nidaamka siyaasadeed, talo ku yeeshaan, codkooga kor ugu qaadaan, danahoogana kaga hadlaan ugun ahawlgalaan lama ogola, sinada, ficil ahaan iyo xeer ahaanba (ballanqaadyada dastuurka xeerar baa beeniya). Waa ta keentay in xisbi qof u hadla iyo beel qof u hadla mooyaan e, cid kale afka furi kari waydo. Mararka ay soo baxaan Baaq Shacab iwm ahna ta ka dhacda waynu wada aragnay.
3) Xisbiyadu Waa Meherado
Xisbiyadaas xidhan, siyaasadduna u xidhantahay ayaa iyagna guddomiyeyaasha u handaraaban. Dhantii waa mulkiilayaal ee guddoomiyeyaal maaha. Nidaamkan siyaasadeed ee aan ka warramaynaa waa ka suuragaliyay in Ucid wax la yidhaa intaas sanno jiro! Xaqiiqadaas ayaaba wax walba in ay innoo sharraxdo ay tahay. Qolfoofka xeer ee nidaamkani waa ka keenay in sharciyadda xisbigu noqoto cidda madaxda ka ah, dadwaynaha codka gashada ee dadka uu sharraxo doortana ka diiday in xisbigu iyaga noqdo/matalo. Macnaha xisbi golayaashiisa dhexe, fulineed iyo gobal/degmoba ayna doorasho ku iman, hogaankiisuna u baahnayn xubnaha si booska u yimaaddo/joogo, qaadhaan la’aanna aan u caddilamayn ama aan ku qsabanayn in uu qaadhaanka xubnaha ku shaqeeyo muxuu ku fali dadwayne matalaaddood?!
4) Dalxiiska Xisbi iyo Muddo-dhaafka
Ku dar intaas oo dhan in nidaamku u ogolyahay dadka la doortay in ay u kala gooshaan xisbiyada iyaga oo ku soo baxay liis xisbi oo xidhan. Waa isla nidaamka qasbaya in qofku xisbi mooyi e si kale aanu tartami karin. Taas oo lagu daray caadada muddo korodhsiga oo gaadha in wakhti marxaladdii wax lagu doortayba laga gudbay, jiilal dhawr ahina is badaleen xagga codbixiyayaasha la isla gaadho. Labadaasi waxa ay macno tirayaan ciqaabta xisbiga, macnaha ka codayn oo ah qaabka xisbiyada lagu edbiyo. Tusaale, Udubtii heshay codka koobaad ee doorashooyinkii baarlamaanka 2005 ma jirto, xildhibaannadii waxa ka noolna xisbiyo kale ayay tobannaan jeer u kala goosheen, doorashadiina 16 sanno ayaa ka soo wareegay.
5) Matalaaddu Way Baahsantahay
Laba garoon ayaa laga duulaa marka matalaadda la qaabaynayo. In la matalo dad cayiman oo shacabka ka mid ah (ku xaddidan juquraafi/tiro/hayb) iyo in la matalo Shacabka. Maba’a hore waa ka loo badan yahay. Waxa laga bilaabaa in la go’aamiyo inta qof ee halka xildhibaan matali karo, 10,000 oo qof tusaale ahaan. Meel kasta oo 10,000 oo qof daganyihiin kursi ayay leedahay, dalka oo dhanna deegaan doorasho tiradaas ku cayiman ayaa loo qaybiyaa, la xadidaa juquraafi ahaan iyo dad ahaanba cidda uu matalo kursigaasi. Qaabkan xildhibaanku dadka uu matalo, matali karo, codkoogana u baahanyahay waa in kooban oo qof qof u cayiman, hadda iyo hadhawna uu ku qasbanyahay in uu raaligaliyo.
Qaabka kale waa in dalka hal deegaan doorasho laga dhigo, xisbiyana loo codeeyo, nidaamkuna yahay midka xisbiyada badan (aan xaddidnayn). Nidaamkan xildhibaan kastaa wuxu matalaa dalka oo dhan, codka iyo kursigana xisbi ayaa leh. Cid kasta oo shuruudda xisbi buuxin kartaa (laguma xidho in uu dalka oo dhan xarumo/taageero ku leeyahay) way tartami kartaa, boqolkiiba inta ay cod heshana dhigeega oo kuraas ah baarlamaanka way ka heshaa, 1% na ahaato e.
Kan Soomaalilaan labadaas midna maaha, mid walba qayb ayuu ka soo qaatay oo waa qobtol. Cid kasta xisbi ma furan karto oo matalaaddeeda ma heli karto 1% ha ahaato e. Degaan-doorashaduna uma xaddina si cayimaysa qofafka kursiga leh (10,000 ee qof ee sakad hebla illaa sakad hebla dagan). 13 xildhibaan oo Awdal laga soo doorto ayaa iwada matala, midna iima matalo gooni tusaale ahaan. Gobol, sida Awdal ama magaalo, sida Hargaysa ayuu xildhibaanku matalaa. Tiro cayiman, oo meel cayiman dagan oo uu matalo, ku xidhnaantooda iyo iska iibintoodana ku qasbanyahay ma jirto. Xataa ma laha faa’iidada kuraasta beelaha u cayiman, hayb matalaadda ah ee Federaalka Soomaaliya.
Waa Ina Cagawayne oo Hargaysa oo dhan xildhibaan u ah, kolba inta u sacabisana iska dhex jooga. Haddii uu soo noqo is yidhaahdo wuxu karaa in uu 5000 oo cod dhinac illaa dhinac $10/mijin ku iibsado. Wax badna habbee ilayn e. Kaliya boos xisbi waa in uu soo helo. Haddii uu iska tagana, sida uu yeelay hadda, xisbi u gawracan foolxumooyinkiisa ma jiro.
Gunaanad:
Nuxurka farsamooyinkani waa saddex siyaasi wax ka badan in ayna Soomaalilaan yeelan karin! Saddex xisbi ayaa isku koobay ayaa la yidhaahdaa lakiin runtii saddex qof weeyi. Seddex qof oo qudha ayuu nidaamkani u suurogalinayaa in ay adeegsandaan xuquuqda siyaasdeed ee muwaadinka, kaligood, oo aanu qof kale la wadaagin. Saddex aan dadwayne u baahnayn, wax kaga xidhan in ay ballanqaad ka dhabeeyaan aanu jirin. Maya, ballan qaad dhab ahba in ay sameeyaan wax ku qasabaya oo kaga xidhanba ma jiro!
Dadwaynaha hal maalin ayaa loo baahdaa. Maalinka codbixinta! Maya, saacadaba weeyi! Dadwayne aan saddexdaas qof meel ka baxsan siyaasad ku samaynkarin, xisbiyada wax ku xidha iyo irrid ay ka galaan aan lahayn, qayb ka ahayn geeddisocodka xisbiga, go’aaminta cidda hagaysa iyo xagga loo hogaaminayo iyo xulashada cidda la sharraxyo toona ayaa loogu yeedhaa in ay kala doortaan laba ama saddex dookh oo mishiinkaas qofku leeyahay soo saaray. Marka ay kala doortaana, irrid la xisaabtan/ciqaabid oo u furan ma jirto.
Haddii aan iswaydiiso, dadwaynuhu miyaabay iska daayaan codaynta? Waxa aad xisaabta ku darsataa in xisbiyo, mushariixiin, xukuumad, haayado, komishan, ganacato, saxaafad iyo hogaan beeleed wixii dhawaaqayay 2017kii iyo wixii xasaasiyad la kiciyay oo dhan ay ku fashilmeen in ay soo saaraan kala badh dadka codaynta xaqa u leh! Kalabadh ka badan codbixiyayaashu way diideen nidaamkan laakiin waa laga sii gaashaantay oo looma baahna aqlabiyadda codbixiyayaasha, xataa aqlabiyadda inta codaysay looma baaan, waa haldheeri codku. Waa ka sarree uun saaxiibkaa.
Waxa qudha ee ay ku qasbanyihiin saddexdaasi waa raali galinta maalgashatadooda, xukuumadda biisha ee ay go’aanada/mawqifyada iyo xeerashad ka iibiyaan mararka xaaladi cakiranto iyo danahooga qofeed/kooxeed. Waxa dheeri ku ah kaliya kuwa in ay badalaan sugaya ee kuraasta danbe u fadhiya, hoolalka sacab tunkana u soo buuxiya. Bas.
Cod baad u baahantahay 10kii sannaba mar miyaa? U yeedho odayaasha beelaha, xildoon iyo danlay. Qaybi boosaska xisbiga ee kuu xidhan, xilalka xukuumadda aad u talin doonto iyo manfaca dawladda laga helo. Iyaguna reerohooga ha dhexqaadaan, laabta ha tuntaan, “tola’ayeey ha la I dhiso, reer hebel miyaan ka liidanaa haddaydaan intaas oo xildhibaan soo saari karay iwm” ka ku ololeeyaan, illeen si dadgdag ah waa in dad lagu helaa e, ma wakhti baa loo hayaa dano iyo siyaasado wakhti qaata oo dadwaynaha kalsoonidooda lau kasbado. Shabakaddii daneed ee aad heer qaran adigu soo xidhay, heer beeleed iyagna ha xidhaan, xasaasiyad kasta oo ay xoqi karaanna ha xoqaan. Wax ma garatada, maatada, reer baadiyaha iyo reer tuuleedka aanay maamulba is gaadhin iyo inta codka iibsanaysaaba way codayn. Waxa iyadana qasab ah in cid walba cid uun meesha ku matasho hayb ahaan, saw cid walba la matali maayo kollay, xafiisyada galgalitaankoogana cid uun tolka u taaqanna oo wax ka farsamaysa miyaa laga maarmi? Bum, waaba laguu codeeyay, buugga waad laabatay, irriddana waad awdatay. Nin walba hadda ka dib ninkiisa ha noolaysto ha ka dhacdo.
Iskama dhigin sidaas nidaamku, ragbaa ka dhigay, ku haya, oo digaagaddu beed daahb ah ugu dhashaa, qiimaha ug ujabanna hawlahooga ku wata. FAATAXA.
Qalinkii: Cabdilaahi Raage ( Sayyid ka).