Ninka garasho dheer baan daaqsin geel u mariyaa (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Sheekadan Ninka Garasho dheer baan daaqsin Geel u mariyaa! Waa hal abuur mala-awaal ah, waxay xanbaarsan tahay muc aad u balaadhan, yeelkeede waa nin garashadiis. Waa muruqa laba suul oo ninba siduu rabo ha u arko.

Gabalkii baa sii dhacaaya, libdhadu casuus bay leedahay, waxaad moodaa in ay ka weyn tahay sidii ay barqadii, duhurkii ama casarkiiba ahayd, balse waxba kuma kordhin oo waa inteedii. Raage aad ayuu u jeedaalinaayaa weli wuxuu ka xun yahay carawga aan beenta ahayn ee ay libdhadu ku jirto, shaki kagama jiro sidii Rabi lagu yaqaanay in ay soo noqon doonto hadaan xisaabtu xidhmin oo waayuhu doorsoomin, balse oday Raage waxaanuu kalsooni buuxda ku qabin in gedgedoonka maalmuhu mar kale isaga ayaankiisa wacan ka yeeli doono, daah kama saarna in rag dhamaantiis maalmaha dhawraayo oo nin ba hiraal ama hiigsiyo u gaar ah sii yagleeshay, Raage wuxuu hoos u leeyahay xagee ayaad libdhaay ku cararaysaa (Caymanaysaa)? Maxaad la tegaysaa oo Carrada halkaan ka joogo uga baqooshay? Maxaad iila soo laaban?

Raage rag waxba iskaga tiring maayo, waayadeed waraabka geelasha isaga ayaa biyo culusta u geli jiray, ma jiro wiil oosha jooga oo uu garabkiisa ka deyayaa! Dhalinta iyo barbaartaba wuxuu ka eegaa gadaashiisa, waa aftahan aan geedka sinaba loogaga gar helin, faciisa oosha wuu u baanaa, oo wax qaybsiga iyo dirirtaba wuu iska bidaa inta kale! Intaan Soomaalidu Benderka soo gelin ee xoolo dhaqatada la ahaa aad ayaa laysu dagaali jiray, ooshooda waa’ hore ayey isku dhaceen ool kale oo ay deris wadaag lahaayeen, Raage raarta dirirta dhanka hore ayuu kaga jiray, jirteenoo ay ka sii horeeyeen qamaamuurtii ooshiisu oo isaga mededka lagu ogaa! Hase ahaatee geerida ayaa nin boos la’aa u banaysa baro uu iska yeesho oo aan ciddiba ugu soo dhigan!

Sideedaba degaanadii hore ee Soomaalidu waxay wadaagi jireen saaca iyo suugaanta, inkastoo dirirtu hoohaartay haddana geelasha la xeriyaa dadka qaybahood waa isugu jireen, isku jirka geelashu waxay ku magan heli jireen xididnimo ama qaraabe wadaag, oosha Raage in badan oo ka mid ah ayaa geelashoodu ku jireen oosha kale ee dirirtu dhextaalay. Waxaa ooshaas kale la yaalay oo xerinta geelasha wax ka jiray Rooble, ka dib markii la kala qaxay ee caradu banaanaatay inteeda badani wuxuu Rooble u tacabiray wadamada kale ee Soomaalidu degi jirtay, halkaas oo uu ugu sii kudaalay dhanka qurbaha fog ee Khawaajiyiinta, Rooble waa ka yaraa da’ ahaan Raage, dhankaa Khawaajiyiinta ayuu wax ku soo bartay, iminka Rooble laftarkiisa lama holing karo, balse Raage arintaasi uma qudhqudhsana.

Ileen fiqi tolkii kama jano tagee waa soo guryo noqday isagoo aqoon fiican leh, markan Rooble waxba iskaga tiring maayo Raage iyo cid kale toona. Rooble waa aftahanimo dhaafay, hoos ka tuurka aad ayuu u yaqaanaa, Raage se ma dhaadaayo arinkaas! Soomaalidu benderka ayey soo gashay waxay yeelatay dawlado, ilbaxnimooyin, aqoon iyo hirashada carro-edeg inteeda kale. Rooble magaalooyinka wuxuu maalmo joogoba wuxuu u sii talaabay dhankaas iyo guri-sankii ooshoodu degi jirtay, waxaa ku hor qooqan Raage, oo aan cidi ka daba hadlin, ismaba laha kuraygii yaraa ee Rooble ayaa degalka iska iman oo ku holinaaya! Raage wuxuu caydh madoow ka yahay dhinaca faqa iyo xanshashaqa, waayihii mutuxnaa ee uu u soo taagnaa aawadood dabeecadii ayaa ka xumaatay oo waa dulqaad yaraaday, mararka qaarkood ubadka ayuuba beerka ka laadaa, arintu way ku adagtahay Raage hase yeeshee isma laha kuraygii Rooble ee khawaajiinta la soo biyo cabay ayaa beretan idin dhex mari doonaa!

Si kastaba ha ahaatee; waa tii Soomaalida Abaar badan oo midba magac la baxday ay soo wajaheen, waxaa jirtay Siigo-case, Daba-dheer oo dadka Somaliland loo daad gureeyey dhinacaas iyo Soomaaliya (Tablaale iwm), dadkii la guray wax bay soo barteen oo iyagaaba bulshada maanta afafka qalaad u fasila, una iba fura arimaha guracan ee hanaanka hogaamineed ee dawladnimadu la timiday. Rooble dad badan ayuu soo bartay oo qaarkood soo gurya noqdeen, maanta dhooban yihiin geyiga iyo geeska Afrika, kooxahaasi Rooble ayey maraga u furayaan, isma-se laha Raage oo waa tuu dharaar cad ka tirsaday iyagaba!

Timiro waa guudadley joogta beledka, timaheedu waa tidcan yihiin waxay dhawrtaaba waa halyeeygii barbaarta ka soo dhex boodi lahaa ee bilcami lahaa baar dheertan Timiro, Raage, Timiro hunguri wayn ayaa kaga jira, ismana laha cid baaba kugula tartamaysa oo waaba isa siiyey iyadoon lays gaadhinba, wuxuu ku baanaa Timiro waan u geed fadhiisan doonaa, wuxuu barbaarta faciisa ah waydiiyaa ma jiraa halyey iga yeelan karaa oo cidla madoow i diri doonaa? Rooble haba yimaadee wuxuu keenay inuu judhadiiba u fadhiisto Timiro! Timiro laftigeedu way u jeelan tahay in ay hesho halyeey, kaba sii fiicanoo Rooble oo Qurbaawi ah ayaaba geedka soo fadhiistay! Odayada ooshu waxay intooda badani isku raacday in Timiro la siiyo Rooble, hase ahaatee waxaa isna doodiisa dhiibtay oo masalahaas ka hadlay ruug cadaagii Raage, way cakirantay, duqaydii qaarkood ayaa dhanka Raage u janjeedhsaday oo leh Timiro ha la siiyo haldoorka barbaarta, iyagoo ku xoojinaaya doodooda in Raage yahay ninka maalintay daran tahay oosha wax ka dhicin doona! Balse iminka difaacida iyo sahamintu maaha sidii hore loo yaqaanay, oo waxay u baahan tahay xamxam iyo nuxnux hoose iyo afaf kale oo badan, kuwaas ayaana ka ciidan badan tii la yaqaaney ee ahayd in seefta galka laga saaro.

Waa lays mari waayey, yeelkeede waxaa arintaas lagu soo gunaanaday in labada barbaar waa Rooble iyo Raagee ay golaha ka wada doodaan mid kastaana gartiisa aqristo, lana dhegaysto. Waxaa laysku raacay sidaas waxaana la furay doodii iyadoo lagu bilaabay halyeeygii la yaqaaneey ee farda fuulka ku daraa! Wax badan soo tiri hadba geed iyo goob uu arbe ka aha aka sheekeey, maahmaaho iyo murti badan ku xooji doodiisa; Raage waa ka soo wareegtay oo waa kalkii Rooble, lagama filanayn Rooble waxan oo aftahanimo ah iyo inuu ka war iyo wacaal tiring karo wixii beesha ku dhacay intuu maqnaa, iska dhaaf taase wuxuu ba ka waramay wixii sadex awoowe hortood dhacay iyo siday wax ahaayeen, barbaartii aad bay ugu riyaaqday ninkaa Rooble lagu magcaabo, bilista iyo Timiro-na mushxarad ayey ku hinqiyeen golihii. Raage ma garawsan waa lagaa aftahansanaaday oo wax badan oo aanaad gaadhin ayaa laga sheekeeyey, ee wuxuu yidhi hadaad Bilantaa Timiro ii hoyn weydaan yaa maalintaydii ciidamin doona? Rooble ayaa ku warceliyey maalintaad sheegtay sidan kale ayaa loo rogay!.

Raage ciil daraadii ayuu is duuduubay geed sogsog ah hoostiisa, Rooble ayaa ugu yimiday bartii oo tixdan ku yidhi:

Gunti xume ducaalow hadii geedka laga dooday

Hadaan geela soo godloo duqayda gaadhsiiyey

Guushu waa carawdee faaraxow gartaa qaado

Anna gabantu ii hoyatee gabdhaa hore u sii eego

Raage tixdan yar ayaa dab ku sii shiday, mar is yidhi ma dagaalantaa oo gacantaad taqaanaye maba dhacdaa Timiro, hadana isugu tiraab oo ooshaada iyo barbaartaad haldhaaga u ahayd miyaad kala soocaysaa? Hadaadba wax wayday adigu maxaa kaa galay, kala soocnaantooda? Ma kolbay adiga Timiro kuu soo celin? Waa taasoo Timiro xataa habeen lagaa ciyiyi maayo oo nin kalaa hortaada ku maali doona? Ninkii Raage tallo waa ku cadaatay! Si uu yeelo garan maayo, wuxuu dood ku keenay in Rooble dharaaro iyo habeeno badan la noolaa khawaajiyiinta aynu cadawga nahay, sidaas awgeed gabadheena Timiro ma waxaad u garateen ninkaa cadawga la soo caano dhamay? Gobanimo hadaad sidaas moodeen anigu qaataye, idinku tashada! Doodaas ka dib Raage wuu tacabiray laftarkiisu oo wuxuu miciin biday Afrikada carabta ah.

Sheekadan mala-awaalka ahi halkaas ha inoogu lingaxnaato!

Maxamed Cumar Dhagax