Noloshii Cabdiraxmaan Dheere: Hal Sifo Oo Ka Baxsan, Fankii iyo Dhaqankii uu gardaadsheyaashiisa ka mid ahaa (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

‘Taariikhdiisa qalin kuma uu tirin; af-buuse ku tabiyey!’

 Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Ilaaha wayn ee waaxidka ahi ha u naxariisto, Fanaankii, Mulaxankii dhaqan, dhul iyo dad yaqaankii waynaa ee Cabdiraxmaan Aw-Cusmaan Maxabe (Cabdiraxmaan Dheere). Samir iyo iimaan saadaq ahna ha ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 Laba siyoodba wuu ii saameeyaa, fankii, suugaantii, noloshii iyo Sooyaalkii, Fanaankii, iyo Mulaxanii, Abwaankii iyo Dhaqanyahankii waynaa ee shalay ku geeriyooday magaaladda Boorama ee Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe oo Cabdiraxmaan Dheere caan ku ahaa;

Waa ta koowaade, waxa uu mar walba ku lamaanaa, oo heeseheeda inta u badan la qaadi jiray Caasha Cige oo ah wax dhawaaqa, qofka aan ugu jeclahay xagga codka haweenka – inkasta oo aanay heesaha ay qaadaa aanay aad u badnayn amaba aanay aad caan u ahayn. Isagana codkiisa iyo laxankiisuba ay ahaayeen qaar aan la loodin Karin.

Ta labaadna waxa ay ahayd; Sidii ay noloshiisu u ahayd mid nuxur iyo xigmad badan ku fadhida; nolol han iyo hawo miidhan ah oo haddana ay hareeer ordayso, hirdinta uu waayuhu wato. Waligay lamaan kulmin, waxaanse ka daawaday waraysiyo dhawr (todoba ilaa siddeed) qaybood ah oo uu ka qaaday saxafiga wayn ee Abiib Iimaan Xasan oo aan dhawr sano ka hor hal mar daawaday. Ilaa hadda oo aan qorayo qormadan koobanna aanan haleelin in aad dib u milicsado, balse sidii maanka ugu xardhan. Haddii aan gawdhgawdho, wax ku saabsan sida aan xogta idiin soo gaadhsiiyo ha la iigu dul qaato, warqadda oo aan ii wada qaadi Karin awgeed.

Quraanka ayay ku taallaa oo ilaahay ina faray in aan dhulka socono. Waa qawl rabbaani ah. Xigmad iyo cibrooyin badan baad kala kulmaysaa, waxa ay kuu kordhinaysaa waayo aragnimadaada, dhan walba. Maahmaahyeena, markii aynu tuulooyinka yeelanay aynu samaysanay bay ka mid tahay, in qorka aan ardaagiisa dhaafin aynu ku tilmaanno ‘Jiir haan ku waynaaday’. Waa waxa ay afka ingiriiskana ku yidhaahdaan ‘frog in the well’ ama rah-ii ceelka duleelka kor ka banaan ee uu circa ka arko uun dunnidaba u yaqaanay maalintii dibad loo soo saarayna yaab la dhintay! Waa sida ay Fanaanka noloshiisu baadiye uga bilaabatay, ee hawaddii noloshu meeliba meel ugu dhiibtay. Sawirka faxalnimda leh ee baadihii, toolodii, magaaladdii ilaa caasimaddii u waynayd uu ku arkay inoo soo gaadhsiiyay. Markaad waraysigaa daawanayso waxaad dareemeysaa in hiwaad hal abuurnimo oo qoton dheer aad ka lulatid.

Cabdiraxmaan, waxa uu ku dhashay Tuur qaylo, oo u dhaw Degmada Qun-u-jeed ee Gobolka Awdal, sanadihii kontanada horaantoodii (1952-kii) meelahaa. Halkaasuu quraanka ku bartay. Waxa, walaalkii ahaa oo ka waynaa Maxamed Dheere – oo isna noqday fanaan iyo hal abuure wayn oo caan baxay, waxaana ka yaraa Col. Xuseen oo hadda nool.

Ilaa Yaraantiisiiba waxa uu ku fiicnaa, murtida, ciyaar dhaqameedka, iyo dhadhansiga salliga, burdaha iyo nabi amaanka. Hawadiisa ayay ku jirtay uu neefsado dhamaanba hayb kasta oo ay suugaantu leedahay.

Hadaba, Aabohood Aw Cismaan Maxabe, oo ahaa wadaad diinta wax ka yaqaan, caruurtiisii wuu qaybiyay. Waxa uu u qaybshay, mid kitaabka iyo burdaha kala wareega, mid xoolaha iyo hantida reerka maamula, iyo mid uu farta galiyo. Waxaan u jeedaa uu wax barashada casriga ah ee magaalo ama dugsi uu geeyo. Cabdiraxmaan – oo ahaa ka dhexda ku jira mar walba – waxa uu nasiibsaday ayaanka dhexe… waa xoolaha oo uu reerka u jiro. Isna maxaa maankiisa ku jiray.

Cabdiraxmaan, isna waxa uu rabaa in uu balad qabto oo nolol baadiye aanu ku sii habsaamin. Waa halkii xaalkan oo kale uu lahaa Abwaankii waynaa Axmed Siciid Diiriye oly Af-Gudhiye uu iskaga reebay, xoolaha inoo jirtii reerkoodu u soo jeediyay;

Waxarihiiba bilistay naceen, daba buslayn mayo

Sidii oday xunoo baylah badan, buuri dhaban mayo

Fartaan baran, dhulkaan badi ariye, badaw ahaan maayo!

Barabiyo taasuu ka dhabeeyey!

Dagaal badan ka dib qoyskii waa ka ogolaaday in uu wax barto. Waxa la keenay Qun-u-jeed oo dugsi wax barasho oo heese laga qoray. Markaa tuulo ayay ahayd. Haddana waxa ay isaga u noqotay sidii nin meere kale tagay. Magaalo, suuq wax la kala iibsanayo iyo dukaamo leh wax wayn bay la noqotay. Waa halkii ugu horaysay ee uu ku arkay askari dirays xidhan. Waa qiyaastii xiligii calansaarka uun ee dawladnimada la helay. Dabadeed, Qun-u-jeedna way ku yaraatay!

Dhawr sano markii uu joogay ee uu qaan noqday, hawadiisana ay ku jirto sidii uu askarigaa garbaha cas mar uu u noqon lahaa ayaa, waxa idaacad uu ka maqlay in askar la qorayo. Waa halkii iyo Boorama. Waakan isku sii daayay. Markkii uu Boorama ku baxay magaalo wadooyin leh, baabuuri marayso, daaro leh oo dhisan, yaabka yaabkiisii bay ku noqotay. Halkii buu ciidankii ka galay. Isaga iyo walaalkiiba halkii baa lagu qaatay.

Subax hore, ayaa la soo tubay askarta intii ka gudubtay shuruudihii looga baahnaa. Hargeysa ayaa afka loo saaray. Isaga sawirka khiyaaka maskaxdiisa, waxa uu xayndaabkeedu ku eg yahay markaa Qun-u-Jeed iyo Boorama. Waxa uu xili fiid ah ku baxay Hargeysa, oo iyada lafteedu markaa kooban balse nalka ka baxaya uu ku indho daraandaray. “Wax aan arko intaan waligay, wixii iigu yaabka waynaa ee aan hal mar indhahaygu qabtaan bay ahayd… waxaan is idhi, waar goormay xidigihii cirka jiray dhulka u soo daateen?” ayuu yidhi.

Xamar intii aanu u sii gudbin, waxaa lagu xereeyey xero ku taalay Cadaadley. Waxa halkaas ku laylyey Captain Haybe Laambad oo ahaa Cabdi Haybe Laambad Aabihii. Waxa halkaas lagu sii kala reebey ciiddankii layskaga keenay goboladii woqooyi galbeed oo dhan. Waxaa ciidanka la reebey ka mid ahaa Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” loo yaqaan. Waxa sheegey in uu gabay jaajaale ciidanka la kaftama oo aan hal abuur wayn ahayn markaa, balse hibadiisa curineed ay aad u yaab badnayd.

Halkii baa baabuur kale lagu shubay oo ilaa Xamar afka loo saaray. Isagu wali waxa uu daba socdaa hawadiisii ahayd in uu mar uun garbihiisa oo cas cas daawado. Derejo iyo ciidanka oo xiligaa qab iyo karaamo gooni ah lahaa! Hargeysa ayay ugu joogtaye, Xamar markii uu indhaha ka qaaday, “Iftiinkii Hargeysa haddii uu ilmihii ahaa, waxa aanu ku baxnay kii dhalay!”  ayuu si maad miidhan ah Abiib ugu sheekaynayaa. Waa qiyaastii uun bilo ka dib, markii ay xilka qabteen Cabdirashiid iyo Cigaal.

Laba sanno oo carbis ah buu galay oo ciidanimo ah. Yiddidiilo hor leh in uu hiwaayadiisa ka midho dhaliyona maanka ay ugu jirto. Waxa uu ku taamayay in mar uu garbihiisa oo cas uu daawado. Maxaase biiyay?

Habeen uunbaa saq dhexe la toosiyay oo isaga iyo askartii ay xerada ku wada jireen heeganka loo tubay. Waa shaq badh dambe. Isaga iyo dhawr kale ayuu captain bistoolad ku jeeni qaarani waday. Waxa uu geeyey guri. Waa habeenkii u horeysey ee uu noloshiisa albaab kor u furmaya uu furo. Albaabkii baa la jabiyey. Biyaano dhawr jaranjaro ah bay kor u fuuleen. Aqalkii baa la jabshay. Waxa loo galay qol laba qof oo (nin iyo xaaskii) oo sariir ku wada jiifa. Maxaa xigay?

Oday xoog ah oo laf leh ayaa kaga soo booday, bustihii. “Digtoonow, digtoonow…” telefoonkii buu haabtay. Mise kabtankii waxa uu hal mar is raaciyey, maqas uu ku jaray xadhigii laynka telefoonku guriga ku soo galayay bistooladdii oo madaxa kaga qabtay. Jeebo ayaa lagu dhuftay sidii baana lagu waday.

Waa Muuse Boqor… waxa afar cisho sii mootan Madaxweynihiil. Waxa uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Dheere, askarta kuwa ugu bilic milatari qurxoon ee meelaha fagaaraha indhuhu qabanayaan mar walba loo xusho. Labaatannba wali ma gaadhin. Waxa uu ahaa afartii qof ee Madaxwaynahu markii uu dhintay ka soo galbiyey. Ninkan uu Meesha ka kiciyaynam, Waa ninka u xaydxaytay in uu kursiga haabto. Sidii baa isagii loogu daray wadar kale oo Raiisal Wasaarihii ku jiro, oo Aadan Isaaq oo Xukuumadda ka tirsanaa oo ay qaraabo ahaayeena uu ku jiro labaatan jirow loo wado. Sidii baa habeenkii 20 bishu ahayd ee 21-na soo galayey ciidanku dalka ula wareegeen.

Labadaa habeen iskugu mid ma ay ahayn riyadii, Cabdiraxmaan dheere. Nolol ciidan ku noolaado tii ugu wacnayd ayuu ku jiray. Waxa uu heleyey adeeg walba, oo noloshiisa lagama maarmaan u ahayd; hoy fiican, cunto fiican, daryeel caafimaad oo wanaagsan, iyo fursadao wax barasho uu kuu ku fanan karo jaran jarada derejooyinka ciidanka. Dad laga shaqeeyey bay ahaayeen. Habeenkaa kow iyo labaatanaad wuxuu ku sheegay; “Habeenkaasuu noo bilaabmay, huudhi yar oo aanu saf dheer u galnaa cuntada!”.

Halkaasaad ka arki karaysay, rajadii, hiyigii iyo moralkii dalku in uu ka dhintay, askartii la lahaa wax baa u kordhay. Askartii uu Timacadde habeenkaa ugu deexday;

“Raggii dhiiranaan jiray, hubkii galabta loo dhiib”.

Sida uu isagu sheegay, halkaasuu ku hakaday yididiiladii iyo moralkii uu u hayay askarinimo. Inkasta oo aanay waddaniyaddiisu marna wiiqmin, ciidankiina ilaa ay ciiraysay uu qayb ka ahaa af iyo addinba hadana waxa uu halkaa ku badashay marshadii uu gaadhiga ka soo galiyay Tuur-Qaylo.

Isaga ku jira, xaaladdaa ayaa habeen habeenada ka mid ah si niyaddooda loo koriyo loo waday tiyaatarkii. Cabdiraxmaan safka u horeeya ayuu fadhiistay. Maxaa dhal dhalaal ah, maxaa haybad ah, maxaa suugaan ah, maxaa wax isku duba dhacaya. Mid magaalo haddii ay tahay, iyo maadaama uu nin dhaqan ahaa, oo af uu garanaayay layskugu geeraarayo, mid dhaqan iyo suugaameed ah. Fanku sida uu maanta yahay ma ahayn. Waxa heesaya, Maxamed Axmed Kuluc, Xaliimo Khaliif Cumar Magoo, Maxamed Jaamac Joog, iyo Maryan Mursal Ciise, saddexda horeba Alle ha u naxariisto’e. Idaacadaha ayuunbuu ka maqli jiray. Waxay waliba qaadayaan heeso markaa caan baxay oo ay ka mid yihiin, “Dadnimada Aqoonso” iyo “Beri Hore Waxa jiray” oo xilligaa laga dhaba dhacay.

Markii ruwaayaddii dhamaatay uunbaa la yidhi, waxaa ruwaayadda sameeyey Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg”. Yaaaaah!… Waa saaxiibkiisii ay ku kala abraareen Cadaadley. Waa ninkii shuruuddii askarinimo ee uu ka bixi waayay ay boqonta qabatay. Waa saaxiibkiisii markii uu ka soo baxaayay uu u Alle baryay in uu meel ka khayr badan geeyo.  Waa ninkiiyoo, dharka uu wato kaalay arag, saacadda uu wato aanay cidi goynayn, rikoodhka qoorta ugu qoolan aad yaabto… Halkaasay fanka iskaga soo dhacayaan iyo Cabdiraxmaan Dheere.

Cabdiraxmaan halkii ilaa iyo intii ay dawladdi jirtay, fankiina gacan ku qabsaday, gacantii kalena qoriga ku jeeni qaartay. Sidii buu waddanka af iyo addinba ugu halgamay. Waxyaabaha cajaa’bka leh ee xigmadda aayaddaas “Siiruu fil ardi..” ay ina barayso ee noloshaa Cabdiraxmaan ku qotanta aad tusaale uga qaadan karto waxaa ka mid ah haddii uu fadhiyi lahaa Tuur-Qaylo, waxa heeso ee aad taqaanid ee maskaxdiisa inoo soo maray, Haddii ay laxan tahay iyo haddii ay cod tahayba maynaan helneen. Waxa uu noqday fanaan wayn, oo dhawrsoon, edeb leh, fankana xushmadda iyo qaddarinta umada Soomaaliyeed, iyo ajanabiga bartaaba waxa uu ka mid ahaa raggii dhandhanka u yeelay ee ka dhigay mihnad lagu soo hirto ee aan ahayn wax nacdalan sida maanta fanku yahay.

Haddaba, waxyaabaha cajaaibka leh ee aan waraysigaa Abiib Imaan Xasan uu ka qabtay aan ka dhex arkay waxaa ka mid ahaa ee hibooyinkiisa ka baxsan fanka iyo heesta ka mid ah; aftahanimo ay nooceedu dadkaba ku yar tahay. Qof af gaaban, ay u sahlan tahay falkinta iyo isku xidhka ereyo gaagaabaan oo murti culus xambaarsan. Halka ay toban erey kaa qaadanayso, laba erey ayuu kuugu soo gudbinayaa. Waxan la yidhaa luqad jidheedda ‘body language’ nin jilaa ah oo dhacdooyinkaa aan soo koobay kuu galinaya sidii filim aad daawanaysid oo kale. Waxaa jira dad badan oo nololo ka guulo waawayn maray, balse sida uu tiisaa fudud (simple lifestyle) uu u deexdey ee deeqsinimada iyo quruxdu ku jirto aan u dareerin Karin.

Shaqsi Isku kalsoonaan, diin, edeb iyo Soomaalinimo sax ahi ka muuqato. Waxaa hadda oo aan qoraalkan idin soo gaadhsiinayo, oo mina subax ah ii baxaysa heestiisii caanka ahayd ee ‘Ballan Wuxuu Inoo Yahay’. Waraysigaasi waxa uu ahaa waraysi qof Soomaaliyeed laga qaado, wuxuu doono ha sheegto’e aan ugu jecelahay. Waxaan odhan karaa, buuggiissii qalin uunbaanu ku tirine, afbuu ku soo tabiyay. Suugaantiiisii badda ahayd, youtube iyo meel walbe way ku jirtaa mid uu qaaday iyo mid uu laxan u sameeyeyba. ‘Umad Yahay Qabiilkiiyo, Qaranimadu waa laba.’ Ayaa ka mid ahayd heesaha uu laxanka u sameeyey. ‘Waligeed adduunyada’ oo ay xaaskiisu qaaddo ayaa ahayd tii u horeysay ee wax ka sameeyey.

Shalay, oo ahayd 20-August 2021 ayaa lagu aaasay isla meeshii uu ku dhashay ee geedigiisa hal,abuurnimo iyo hiwaayaddiisa kale ee ciiddanba ka soo ambo qaaday. Ilaahay naxariistiisa waasaca ah ha siiyo. Waxaan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa, dhamaan qoyskiisii – Marwo/halgamaa Aamina Cabdilaahi Xirsi. Inantiisa Hodan Cabdiraxmaan iyo dhamaan bulshada, iyo qaranka Somaliland iyo Soomaaliyeed dhamaan ee uu ka geeriyooday.

F.G. waxa aan ka cudur daaranayaa, Wariyaha wayn ee Abiib Iimaan Xasan oo ah mulkiilaha koowaad ee xuquuqda hantida aan soo xigtay in aan talo, iyo tilmaan la’aantiisa qormadan ku daabacay. Way ii suurto gali kari wayday in aan is helno. Mahad waybn baan uga celinahaa taariikhdaa sida uu weeleeyay Abwaanka.

Wabbilaahi Tawfiiq!

Cabdirisaaq Saalax

Tel: +252634466677

abdirasaksalah@gmail.com