Noloshu waa khibrad la ururiyay (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Bari sii horaysay, ayaa aniga iyo ninkale ayaa meel taagnayn, oday nagaranayay ayaa na soo ag maray oo nin wayn ah, in badana umadan wanaageeda ka taliyay, inta uu nasalaamay ayuu kalmad aan fahmi waayay nagu yidhi, wuxu nagu yidhi waar dadka wax u sheega.  Barigaa maan fahamsanayn odayga waxa uu u jeeday, laakiin maanta ayaan fahmay.

Horta noloshu gabigeeduba waa khibrad la ururiyay, bal ka waran hadii qof walba la dhinto khibradaa oo aanu jiilasha dambe u gudbin, hadii aan la gudbin jiil walba wuxu ka bilaabi lahaa uun sifir.

Nin baa shirkad ka ahaa agaasimeh, shirkadu wadano badan ayay ka shaqaynaysay, markaa wadan ayuu uga ah agaasimeh, ninkaas nin aad u hawl kar ah ayuu ahaa, shirkadana horumar badan ayuu gaadhsiiyay, dhacdo yar ayuu la kulmay shaqada dhexdeedii, markiiba wuu xaliyay, mudo ka bacdi ayaa waxa ogaaday dhacdadaa kii ka sareeyay, ninkii agaasimah ah ayaa markiiba shaqadii uu ka  eryay, waxa la yidhi waar ninka wax qabadkiisu caynkaa yahay, maxaad u eriday, wuxu ugu jawaabay, khibradii uu dhacdadaa ku xaliyay, ayuu qaybihii kale ee shirkada la qaybsan waayay, macnaheedu waxa weeyi khibradii ayuu gudbinwaayay.

Niman meel wada leh, ayaa qaar ka mid ihi had iyo goor yidhaahdaan, waxaynu u baahnahay, new blood, macnaheedu shaaqale cusub, inaguna banaanka aynu u baxno.  Nimanka fikradaa u ololeeya mid ka mid ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah goobtii shaqada yimid, shaqadaa, markaasuu ku arkay geedo qaaqle miidhan, cid uu kala sheekaysto ayuu waayay, markaasuu arkay nin ka mid ah ragii ka soo horjeeday fikradiisa, markaasuu yidhi oo mr x miyaanay cidi meesha joogin, mr x ayaa yidhi cidi ma joogto, markaasuu kadinka ka booday.  Mr x ayaa la yaabay ciddan uu raadinayo, sowkii ragii la lahaa banaank wada dhigay.

Goobtan shaqo,  waa goob la yaab badan, waa meesha ninku ka faano, meeshii uu intaas oo sano ku soo tabcaayay, oo uu meelkale u shaqo tago, waliba uu raganimo iyo fariidnimo u arko inuu meel kale u shaqo tagay.

Oo adeerow kol hadii aad shaqo tagtahay, maxaad meeshaada ug shaqayn wayday. Cajiib.

Noloshu gabigeeduba waa khibrad la ururiyay, qoloba qolada ay ka ururinwanaagsantahay ee ay jiilasha dambe u gudbiso ayay ka horumarsantahay.

Inaga soomali ahaan waa loogu tala galay, inaan khibrada laysu gudbin, waxa sidaa loo yeelayaa si aynaan wax badan u ogaan, oo aynu tiihaa ugu jirno kolba aynu sifir ka bilawno.

Taas waxaa tusaale kuugu filan Soomali wayn cidii samaysay ayaa SNM samaysay Somalilandna samaysay, arinkaas muxuu ku tusayaa, hadii aad in yar oo caqli ama garasho aad leedahay.

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/aan-kursiga-mar-uun-ku-fadhiisto-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/allayleh-reer-bari-rag-dheh-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waa-maxay-quruxdu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

http://bandhige.com/sidee-dhaqanka-dadka-loo-badali-karaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/wasiirka-imraadka-qarqaash-oo-markale-hadlay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sidee-madaxnimo-ama-kursi-lagu-helaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com