Noloshu, yay qiimo u leedahay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Anoo gaadhigayga wata ayaa kuwan laygu saliday mid hoonka igu tumay, marwal oo aan yara hakado oo iyaga laftoodu dariiqa igu xidhaan, ama gaadhi ka joogsado ama wax kale ayay iyaga oo ukasaaya hoonka igu tumaan, si ay ii cadho galiyaan uun, markaas ayaan suaashan is waydiiyay kor ku xusan.

Horta dadka baniaadamku saddex ayuunbay u qaybsamaan, muslim, gaal iyo munaafaq.ย  Gaalka iyo Muslimka waa aynu naqaan oo arinkoodu wuu cadyahay, munaafaqu waa midwal oo ku hawlan ama mushahar ku qaata sidii uu muslimiinta u dhibilahaa, sida kuwan laygu saliday.

Nin sheekh ah ayaa wuxu yidhaa iska daa nin muslim ah inaad dhibtee marwalba waxtar ayuu kugu leeyahay, hadii aanad waxba tarayn dhibkaaga uun ka hayso taas ayaa waxtar eh.

Sheeko ayaa lay sheegay Maraykan ka dhacday qofka ay ku dhacaday, laba mid uun buu ahaa soomali ama jabuutiyaan, isaga oo gaadhi wata ayuu nin gaal ah hoonka ku tumay ninkii gaal ayaa inta uu soo dagay toogtay.

Qiso kale oo layga sheekeeyay oo Maraykan ka dhacday Ethopian Tagsiile ah ayaa mid gaala qaaday, markii uu meel maraayo ayuunbuu ku yidhi Tagsiilihii waan ku dilayaa, kii Ethpoianka ahaa ayaa baryay, waar caruur iyo dad ayaan u shaqeeyaa maxaad ii dilaysaa, markii dambe ayuu ku yidhi anaa is dilaaya eh i daawa meel kalena ha eegin.

Bal ka warama hadaba maanta taladii baniaadamku waxay gacanta u gashay gaal iyo munaafaq, kuwaas oo nolosha gabigeeduba aanay wax qiima ah la lahayn, khatar intee leeg ayaynu ku suganahay.

Hadal iyo guntii noloshu waxay qiimo u leedahy ruuxa muslimka ah, waayo wuxu garanayaa muhimada uu halkan u joogo.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com