Nuur X. Xiiray Ma Garan (WQ: Cabdiraxmaan Hayaan)

Maqaalkaygii ku saabsanaa is badalka nolosha qoyska ee marka reerku carruur yeesho sida uu u ekaado iyo sida ninku u fikiro, ee Ciwaankiisu ahaa ( MAXAAN UGA TAGAY XAASKAYGII?), waxa uu ka cadhaysiiyay dad badan, dad badanna waa uu ka yaabiyay. Qaar baa ila soo gaadhay Islaantii goormaad kala tagteen?!!!!

Dadkaa badan oo qaarkoodna toos afka iiga weyddiiyeen qaarka E-mail ii soo direen waxa cunaha u dhaafi waayay qoraalkii maldahnaa ee maqaalku ku dhignaa. Waxaan dareemay in dad badan oo wax akhriyaa aanay u fiirsan qoraalka ay akhriyayaan, hasayeeshee ay ka soo qaataan uun inta ay ka fahmaan.

Haddaan gaar u dul istaago Nuur X. xiiray oo qoraal iigu soo jawaabay, nasiib darro waxa uu ka mid noqday dadkaa ku guul darraystay inay fahmaan dulucdii maqaalka. Balse isagu waxa uu ku darsaday af lagaaddo iyo shakhsi weerar, taasina waxay ku tusaysaa inuu yahay nin dhago xidhan, oodan, oo gooni socod ah, oo aan siyaabo kala duwan wax u eegi Karin.

Nuur X. Xiiray qoraalkiisan kooban ee uu ku soo qoray degelka BANDHIGE, waxa muuqata inuu isagu yahay maan gaab gadh xidhan, waayo waxa uu dhuuxi kari waayay qoraal aan laba bog ka badnayn oo ka warramaya xaalad ka mid ah xaaladaha ay marto nolosha qoysku. Ninkaa weyni haddii uu xataa ka falcelinayo maqaalka waa wax caadi ah oo maalin walba dhacda in qoraal qof qoray wax laga sheego balse shakhsi weerarka uu sameeyay waxa uu tilmaan u yahay nin aragti gaaban oo carruurta dugsiyada hoose ku jirta la caqli ah.

Waxa qoray: Cabdiraxmaan Hayaan
Cbdrxmngeni@gmail.com