Mujtamac kasta oo meel ku dhaqan wuxuu leeyahay saddex tiir oo muhiim ah oo sabab u ah horumar ama dib u dhac. Tiirarkaas waxa ay kala yihiin:
1. Dhul inay haystaan,
2. Bulsho inay leeyihiin,
3. Waqti inay haystaan.
Dhul waxaynu uga jeednaa wadan leh xuduudo la wada ixtiraamo oo jira, bulshana waxa aan uga jeednaa dadka muwaadiniinta ah ee dhulkaa degen, waqtina waxa aan uga jeednaa xilliga taariikheed ee dadkaasi ay nool yihiin, haddaba saddexdan arrimood waa kuwo ay ka siman yihiin dhammaan bulshooyinka adduunku, kuwa horumaray iyo kuwa dib u dhacayba. Si kastaba ha ahaatee, waxa lagu kala duwan yahay oo keli ah sida loo adeegsado.
Waxa muhiim ah inay bulshada ku jiraan dad ka mid ah oo leh fikrado toosan oo weliba ay fikradahaasi riixayaan si ay u midho dhalaan oo loo hagaajiyo mustaqbalka, Dadkaasi waa kuwa aaminsan in horumarinta bulshada mudan tahay naf hur in loo sameeyo, sida difaaca waddanka ama ilaalinta diinta iwm.
Waxaynu ognahay in bulsho kasta ay jiraan eedeymo kala duwan:
• Qaar baa eedeeya dad kale oo ka fog oo aaanay degaan wadaagin, iyaga oo ku andacoonaya in faragelin lagu hayo.
• Qaar kale waxay eedeeyaan dad ay wada deggan yihiin oo wadaagaan saddexda tiir ee hore loo soo sheegay.
• Waxaa kaloo jira kuwo sugaya in kuwa jooga ee wax maamula ay tagaan amma la bedelo si kuwa beddelaya ay wax uga wanaajiyaan.
isbedeladdii u dambeeyey ee Somaliland ka dhacay anigu waxa aan ka bartay inay jiraan, dad iyagu oggol in la maamulo oo aan marnaba isku dayin inay wax ku darsadaan isbeddelada socda, kuwaas oo ah tiir ka mid ah tiirarka ay bulshadeennu ka kooban. Qaybahaas waxa ka mid ah wadaadada. Wadaadadu doorkoodii muhiimka ahaa ee bulshadu waxa ay kaga soo ururiyeen khudbadda Jimcaha iyo xaalado kooban oo ka mid ah arrimaha bulshada, iyaga oo badanaa u muuqda kuwo oggol in la maamulo. Isbedel kasta oo socda waxa ay aragtidooda guud ka door bideen inay hoosta kala socdaan cidda u dhaw ee taageersan yihiin laakiin ay qarsanayaan, taas oo dadka qaarna ay shakiba geliyaan inay aaminsan yihiin wadankan yar ee barakaysan iyo in kale……
Qore:Cabdillaahi Beershiya
Bandhige@gmail.com