Anigoo wata Magac iyo Meeqaam Qalaad, magac iyo aqoonsi Dal kale ayaan markii 3 aad gaaray Itoobiya kadib duullimaad 8 saacadood ahaa sanadihii ugu danbeeyay 1970 ka, waxaa aqalkiisa nagu casuumay wasiirkii garsoorka ee Itoobiya xiligaas , dhawr daqiiqo ka dib waxaa soo galay gabar gu’gii 25 aad aan ku qiyaasay oo qori iyo qalab ciidan ku joogta , Intay na salaantay ayay qorigii aabeheed dhabta u saartay kadibna aqalkii horay u gashay .
Waxaa i galay shaki igu badnaa oo ahaa armaa lagu aqoon saday inaad Tahay Soomaali , kaaga sii darane sarkaal ka tirsan Ciidankii nabad suggidda Qarankii Soomaaliyeed oo qorshaha aan ku joogo Adis sababa dajinteeda iyo diyaarintiisa iska lahaa, waxaan hubaa haddii in yar la ituhmo qoortayda dhinac loo saarayo, waanse usoo bareeray oo baryahaas waxaa igu waynaa Qaran Soomaaliyeed qiime gaarana ii lahaa.
Intuu dhoolla cadeeyay ayuu yiri Gabadhaydan iyo qaaar kaloo asaaggeed ah waxay dalkaan u qabteen wax aysan jiilkanagu qaban waayeen waxaana lagu dhigi doonaa baalasha taariikhda , wax yar kadib ayay inantii oo doorkan muujisay dumarnimadeeda soo dhigtay cabditaan iyo haruub yadii lagu fuudi lahaa .
Hadal dheer kadib oo u badanaa haaraanka iyo hagar daamooyinka loo maleegayo Dalkaan u dhashay una dhaartay inaan u dhinto ayuu si xushmad ka muuqato uga codsaday gabadhiisii inay gaarigooda laadada ah igu qaaddo ina gayso Funduqaan daganaa iyo haddaan doonayo inaan xoogaa meermeero magaalada.
Hadal dheer oo u badnaa haasaawe iyo hadal malagii galay ayaan waydiiyay halka ay heegan ka kaga jirtay , waxay tiri Jigjiga iyo dhulka ku heeran ayaan xilkeeda difaac hor muudkeeda ku jiraa haatana fasax gaaban ayaan ku imid oo waa aniga dabkii hadda dhigay.
Anigoo qarsanaya ciilka iyo carada iga buuxda ayaan iri ‘’ma dagaal ayaad u joogtaan mise difaac kaliya’’ intay qososhay ayay tiri Xamar iyo xeebeheeda, Berbera iyo Banka Diyaaradaha Dagaalka ilaa aan taabanno waxaan ku dhaaranay inaanan qoriga dhigin haddaan dhimanana dhasheenna ayaa qaadi doonta inta laga xaqiijinayo riyada Qaranka Itoobiya. Intaan gabarka gacan gacal beeneed ka saaray ayaan ku iri ‘’soo tii Madaxdiina Afirca ku heshiiyeen xadkuu ka tagay Gumaystuhu dawlad kasta ha ku nagaato , ‘’ Inta isoo eegtay ayay tiri ‘’Dunidu waa naga ogoshahay inaan ‘’QABIILKA’’ Soomaalida ee naga falaagoobay aan xoog iyo xeelba kusoo ceshanno ’’.
Waxaan ku iri laakiin sida ay qorayaasha Taariikhdu wariyeen dadkaas Soomaalida ah waa qaar aan la loodin Karin oo dagaalkana ku daran naftuna aysan qiimo u lahayn haddii wax ay leeyihiin xoog looga qaato , waa qoom darane adiguna gabar qurxan ayaad tahay yaysan naga kaa dafine xoog isu ilaali , anigoo ku laray Dhoolla cadays been ah ayaan daaqaddii iska furay , intay soo dagtay ayay horay iisii raacday ilaa aan ka gaarnay kadinka Funduqii aan u hoyan lahaa habaynkaas.
Muddo gaaban kadib waxaa dhammaaday hawshii aan u joogay Itoobiya anigoo ku joogay Magac iyo Meeqaam Qalaad , waxaan kusoo noqday Xamar iyo Xaruntii Dalka , mooggan waxaan ahay F Xiirane oo kasoo noqday Tababar dhinaca ciidanka ah oo uu ugu maqnaa Dal aan saaxiib nahay , sidaas ayaa loo sheegay saraakiisha hoose iyo shaqaalihii dharaarahaas aan wada joognay.
Wuxuu igula balamay Taliyihii Nabad suggidda Soomaaliya ee xiligaas inaan war bixinta aan sido ku siiyo Funduq Jubba, Salaaddii maqrib markaan kusoo tukaday Masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaan soo eryay Garaasiiddo gaadiidka dawladda ahaa oo si iigu soo wareegtay , anigoo isleh waad ka daahday ayay Jidka Kolonbiya iyo Wadada Kismaayo halkay isaga darmaan iiga banjartay kadibna intaan dhinac jidka uga saaray ayaan soo lugeeyay anigoo neef tuuraya ayaan soo galay Jubba oo aad mooddo habaynkaas inay ciid la danbaabayo tahay , Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaan waydiiyay xaalka jira caawa ‘’ Hebel ayaa aroosaya caawa ‘’ Waa wiil Ina wasiir ah , dhawr wasiir oo Guduhu ka mid ahaa ayay indhahaygu qabteen, Xoogaa kadib ayuu soogalay taliyihii ciidanka nabad sugida, isagoo si u dagdagsan ayaan dhinac shaah ku fuudnay. Warkii markaan u dhiibay inta ugu cuslayd ayuu furihii gaariga ka qaatay wadihii kaligiina kaxaystay, waabarka xafiiska isugu keen keen , hagaag Jaalle Taliye .
F.Xiirane waa Sarkaal ka tirsanaa NSS 1976 – 1991
fahiira@gmail.com
FG: NSS waxaa laga soo gaabiyey “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990…
Lasaco qaybaha dambe.