Qaad iyo Qabyaalad (WQ: Maxamed-taqwiim Badel Cali)

 

Tan iyo goortii Eebe wayne sarree oo korreeye uumay aabaheen Aadan, waxaa si xawli ah u kordhaya tirada ilma Aadan oo haatan ku dhaw 8 Bilyan. Korodhkaasi wuxuu sababay in ubadkaasi ay ukala hayaamaan dhulka eebe fidiyay si ay u maareeyaan noloshooda. Hayaankaas, waxaa ka dhashay in lala kulmo hab-nololeedyo kala gadisan oo ay qasab tahay in lala jaanqaado.

Hab-nololeedyadaa badan ee la wajahay iyo tiradii ubadka Aadan ee sii batay waa tan keentay in lagu kala hadlo afaf kala duwan, lana yeesho dhaqamo kala jaada iyo hab muuqaaleed kala nooca. Intaa kadib, cid walba oo wadaagta Af, dhaqan, Deegaan ama diin waxay noqotay umad magac gaara leh. Inta badan umaddaha maanta jira waxay wadaagaan dal, dawlad iyo/ama diin. Hase yeeshee, waxa jira kuwo af iyo dhalasho qudha wadaaga, balse aan wadaagin dal iyo diintoona.

Umadda Soomaaliduna  kuwaas ayay kamid tahay, waxayna wadaagaan, Diin, Dhaqan, Dhiig iyo Deegaan oo waxay ku noolyihiin Geeska Bari ee Africa. Hadaba, dadyoowgaa badan ee adduunkan ku nool maanta waxay ku kala duwan yihiin wax badan, waxaana ugu muhiimsan dhaqamada, caadooyinka bulsheed iyo deegaanka ay ku noolyihiin. Waana kuwaas waxa bud dhiga u ah guushooda iyo guulldaradooda, gunnimadooda iyo gobanimadooda iyo dhamaan xaaladdooda nololleed.

Hadaba, waa  lagama maarmaan ah in aynu eegno umadda Soomaaliyeed dhaqamadeeda wanaagsan iyo kuwa liita si aynu u dhayno boogaheena xalna ugu helo dhibaatooyinka bulsho ee ina haystee qayrkeen innaga reebay, ina baday silaca iyo saxariirka adduun ee aynu ka gudbi la’nahay.

Bal dhaqamada wanaagsani ha ii dambeeyaane, Maqaalkeenan kooban aan toosh yar ku ifiyo labo arrimood oo aan aaminsanahay inay ay yihiin dhaqamo liita oo hooyo iyo aabo u ah dullinimada inagu dhacday oo dhan. Labadaasi waa Qaad iyo Qabiil.

Mid kastana waxaad moodaa in uu kakale ka daranyahay, balse anni aragtidayda ma kaladhacaan ee waa Kud iyo Qanje uun. Kaaga sii daranne, midna Eebe looguma dhawaanayo, balse way uun kaa fogayn.

Aan bal dhowr qodob kasoo qaadano dhibaatada aan lasoo koobi karin ee mid walbaa innagu hayo innagoo Qaadka ku horayanayna. Bal ufiirso oo iskadaa hadaad qaadka ruugto qofyohow!!!

Qaadku dullinamada uu umadda u keenay iyo dhibka uu shaqsiga ruuga u gaysto waxaa kamida:-

Xanuuno jidhka iyo maskaxda ah

Hawlgab shaqo iyo burbur dhaqaale

Been iyo wax isdaba marin

Masuuliyad xumo iyo dayac

Naxariis darro iyo wahsi joogto ah

Eddeb darri  iyo anshi xumo  iyo baliyo baas oodhan ooynaan halkan kusoo koobi karin.

Qabyaaladduna hoog iyo halaageeda iyo waxay inna dhaxal siisay waxaa ugu waaweyn:-

Dagaal iyo colaad joogta ah

Dawlad la’aan

Caddaalad darro iyo eex

Musuq iyo wax isdaba marin baahsan

Maamul xumo iyo kala danbayn la’aan

Kala qoqobnaan bulsheed

Aqoon la dirir iyo aragti dhowi

Horumar la’aan iyo dhaqaale yari

Caydhinimo maskaxeed waliba jaahilnimo

Intaasoo balaayo ah iyo in kalooynaan soo koobi karin bay innagu hayaan Qaad iyo qabyaaladu.

Isku soo duuduuboo waxaa innagaga filan dhibaatadooda meerisyadii ay Allaha u naxariistee Abwaanadii Soomaaliyeed ka dheheen labadan balaayo ee la inagu aafeeyay.

Dugsi maleh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane” Cabdullaahi Suldaan Timacade iyo

Tixdii Abshir Bacadle ee lahayd

Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh

Guntii iyo gabagabadii, wallee inaynaan qayrkeen gaadhaynin inta aynu Qaadna ruugayno, Qabyaaladdana quudanayno!

Hadiise aynu labadaas dayno, in laga soo kaban hoogga, halaagga iyo hagaasnimada ay ina badeen waa hubaal.

Doorashaduna waa innaga!!!

Allaa Mahad Leh

W/Q: Maxamed-taqwiim Badel Cali

Email: taqwiim99@gmail.com