Qabiil ma yaqaano dookhu!!!( WQ: Bashir Maxamed Bashir)

 

-Gorfaynta iyo naqdintu waa farsamooyin wanwanaagsan oo hal-abuurka fan-suugaaneed lagu qurxiyo, waa innagu dhif iyo naadir fac ahaan iyo bulsho ahaanba tabtani. Waxa aan u qalin-qortay in aan dhaxal dhitaysma oo maanka dhaya, sooyaalka gala, lagu soo indho-kuusho aan qoro maalmahan taariikh faneed ee is-qoraya. Ujeedada duluceed ee gorfayntu waa in bulshada loo bandhigo waxa ay heestu ka hadlayso, fikrada ay xambaarsan tahay, xogta ay sido, sarbeebta faneed ee ku dhex duugan iyo fariinta guud ahaan ee ay heestu hal-gudbinayso.
-Asal ahaan sideedaba, marka la gorfaynayo hees waxa quman in laga eego dhawr jiho oo kala dhinac ah; dhismaha erayada, dhandhanka codka, hanaanka laxanka, habdhaca muusiga iyo dhambaalka heesta. Fan-dhaadhiga ku xeel dheer fanku waxa ay heesaha ku sheegaan inay yihiin; fan isku lamaaneeya midho dux leh, naaxiyad, cod libidhsan iyo muusig dananaya oo helay dhego la jaanqaada quruxda hal-abuurka fanka. Heestani cusubi ma heshay tiirarkaas saldhiga u ah fan-suugaaneedka???

-Eesh Qiyaasak, dabcan fan suugaaneedku waa awood yaab leh oo aragta wax aan caadi loo arki karin, tilmaamtana wax aan si kale loo tilmaami karin, ka jawaabta wax aan si sahala looga jawaabi karim. Waa weyneysada lagu arko iyo ilayska lagu arko wax jira oo aan si kale loo arki karin.

Ilayn ma qarsoomo caashaq
Qabiil ma yaqaano dookhu
Qosolka guudkey kartaaye
Qalbiga hanti kuuma goyso
Qaloocu wanaag ma keeno

-Heestani “Qabiil Ma Yaqaano Dookhu” waxa ay isku darsatay luuqda Hodan Cabdiraxmaan Dheere oo aan laga xiiso goynayn, midho si farshaxana loo soohay oo hal-muceed Xamse Xadaari curiyay oo dareenka jacaylka la falgalaysa, laxanka quluubta beerqaadaya ee Ciro ku kabay iyo muusiga ruuxda xaradhaaminaya ee Axmed Weli Furinle ku farayaraystay. Intsaaba waa sawraca quruxeed ee heestu judha horeba u gaarka ah.

Ilayn ma qadaayo daacad
Xishood baa qurux abuura
Qadarin laga maarmi maayo
Kalsoonidu waa quluubtee
Dulqaadku qilaaf ma keeno

-Heestani waxa ay ka kooban tahay Afar koorso iyo dhextaal, koorso kastaa waa mid ashqaraarkeeda hal-tabineed, hal-abuureed iyo fariimeed wadata. Heestu waa hees fuuqsanaysa heesihii sida darandoorida u dhacayay, waa hees wakhtigeedii lala eegtay, waa hees jawaab ah Khadra Silimoo iyo intui la safka ahayd. Hodan waxa ay ku tiiqtiiqsanaysaa si cod halaasi ah calfashada Mursal Muuse iyo waxa ka dambeeya iyo sida kalsoonida leh ee ag ugu faraxsan tahay Sida Qaadir ugu qoray Sayigan Caanka Ah. Heestani waa hees jawaab tusmayn iyo tilmaam fikir-foof ku ridaysa dhegayste kasta waxa ayna mar ay ka hadlayso qiimaha caashaqa ku tibaaxaysaa

Quluub iska eegta koonka
Qadarku isku diidi maayo
Qudhana labadii wadaagtaa
Haday kala qaran dagaana
Qoraalka Alle mideeya

Eesh Qiyaasak Hodan Cabdiraxmaan Dheere oo ah dhal fanaana ayaa heestani codkeeda libidhsan ee riiq la’aanta tiraabta ah cod baxsan oo judha horeba ku ruxaya ku luuqaynaysa si cajiib ah. Hodan waa buuniga fanka wakhtigan waana fanaanad shacbiyad badan haysata. Heesta Hodan iyada oo dhirbaaxo kulul gosha u galinaysa Khadra Silimoo waxa ay ku tiraabaysaa

Qofkaad Kalgacayl u qaado
Inaad qancisaa muhiime
Waxaad ku qortaa xiskaaga
Jacayl qasab kuma hagaago.

…… Baydanki u dambeeya Hodan waxa ay ku gunaanadaysaa kuna soo gabagabaynaysaa in ay qorshay in ay cafiso

Qiyaas li’i maan i dhawta
Dartii samir baan u qaatay
Hadat gobanimo qaldoonto
Inaan Cafiyaan qorshaystay

WQ: Bashir Maxamed Bashir
Borama, Awdal