Qadadii Hudheelka iyo Labadii Nin ee Dhulbahante W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Hudheel aan marmar ka qadeeyo ayaa waxa meel aan iga fogeyn cunto ka cunayey laba nin oo Dhulbahante ah. Ma hubo inay shaqaalaha hudheelka is-garanayeen iyo in kale, hasayeeshee mudalabkii hudheelka ayaa ku celinayey kelmadihii kaftanka ahaa ee “ GALA HUDHEELKA, GALA HILIBKA, GALA BARIISKA.” Labada nin markii hore way wada sheekaysanayeen, laakiin markii uu batay hadalka kelmadahaasi, waxba iska beddelay oo hadalkii way gaabsadeen. Iyaga oo isaga dhexjira cunto cunistoodii, ayey koox kale oo ka ag-dhawayd oo u muuqday muruq-maalka Hargaysa, ayaa iyana hadalkii ka daba-qaatay mudalabkii oo kelmadihii ku sii dhawaaqay.

= Labadii nin oo u muuqday inay go’aansadeen inay kaftanka dhinacooda ka raacaan, oo runtii qaab reer-magaalnimo ah u dhaqmaya, ayaa midi hareeraha eegay oo yidhi” GALA HILIBKA, GALA CUNTADA HUDHEELKA.” Markii ay cuntadii dhammaysteen ayey ka baxeen goobtii lagu cunteynayey, ilaa miiskii lacagta lagu bixiyey ayey ka sii wadeen kaftankii oo ay ka lahaayeen” GALA CUNTADA IYO CABBITAANKA.” Qaar ka mid ah dadkii lacagta bixiyey oo garanayey ayaa ku qoslay oo u yidhi” warkii waad dhammayseen.”