Qadarka eebe iyo khiyaarka la sheegay in dadka la siiyay (WQ: Mohamed Raygal)

QADARKA EEBBE iyo KHIYAARKA LA SHEEGAY IN DADKA LA SIIYAY:

Runtii masaladan uma diyaar ahayn inaan wax ka idhaahdo waayo waa masalo culus oo adduunka oo dhan ku wareeray markaa culimada waaweyn uun baa ka jawaabi karta laakiin waxan arkay qof Facebook-ga ku qoray hadalkan hoose:

“Nin dhan oo sheekh la bidaayo oo ku leh Gaalka ilaahayba gaal u qoray muslimkana muslim u qoray laa xowla.”

Markaas baan ugu jawaabay qoraalka hoose oo ah “Comment” yar oo aan anigoon ka fiirsan si degdeg ah u qoray. Weliba waxan ku qoray Af-Soomaali caadi ah ama xataa suuqi ah oo aan ahayn laqbadii habboonayd ee culimadu diinta innnagu bareen.

Dabeedna markaan click-gareeyay baan waxan is idhi ninyahow ma laga yaabaa in hadalkaas yar uu cid kale oo qofkaas la mid anfaco. Sidaas baan halkan ugu soo koobbigareeyay Comment-kii aan qofkaas u qoray si ay uga faa’iidaysteen dad kale oo laga yaabo in beryahan danbe waswaas la geliyay.

Markaa fadlan iga raalli ahaada haddaan wax qaldan qoray Ilaahayna denbi ii weydiiya. Waana kan comment-kii aan ugu jawaabay qofkaas:

“Dee waa runtiis wadaadkaas hadduu sidaas yidhi. Qof walba Ilaahay baa u qoray wuxuu ku danbayn doono. Sidaas baan rumaysan nahay (belief) oo muslimiinta oo dhanna aamminsan yihiin.

Markaa sxb haddaan Af Soomaali caadi ah kuugu sheego ama arrinta oogta ka caddeeyo: “Ma jiro wax khiyaar ah oo cid Ilaahay ka soo hadhay leedahay. khiyaarka aan leenahay waa xaddidan yahay ama waxan odhan karaa waa iska magac uun, ee tan Ilaahay uun baa soconaysa oo qof walba ku fulaysa aakhirka”.!

Waan ogahay inay kugu adag tahay laakiin markaad cilmiga diinta iyo cilmiga caqligaba sii baarto waad ku qanci doontaa insha Allah. Markaa sxb sii baadh cilmiga diinta iyo caqligaba gaar ahaan mawduucyada khuseeya Towxiidka, Qadarka, iyo saddaxda qolo ee kala ah:

1) MALAA’iGTA oo aan lahayn wax khiyaar ah haba yaraatee. Waxa loo sameeyay inay KHEYR uun sameeyaan sharna weligood samayn karin ama xataa ka fekeri karin.

2) SHAYDAANKA oo isaguna wax khiyaar ah lahayn haba yaraabee. Waxa loo sameeyay inuu SHAR uun sameeyo khayrna aanu samayn karin ama xataa ka fekeri karin.

3) Bani-Aadamka oo isagu labadaas u dhexeeya oo mid walba wax kala mid ah: wuu samayn karaa khayr iyo sharba wuuna ka fekeri karaa LAAKIIN marka si dhab ah loo sii baadhay cilmigaas waxa la ogaaday in khiyaarka Bani-Aadamka laftiisu aanu ahayn khiyaar dhamaystiran ee iska yahay FORMALITY, iwm.

Markaa haddaad su’aal ka qabto sababta sidaas looga dhigay saddexdaas qolo waxan kuu sheegayaa in aanay jirin cid Bani-Aadam ah oo kaa qancin kartaa. ILAAHAY keliya uun baa kaa qancin kara ee isaga weydii inuu kaa qanciyo. Ogow kumana khasbana inuu kaa qanciyo waayo waxad tahay alaabtii uu sameeyay ee siduu doono ka yeelayo, hadduu rabo muslim buu kaa dhigayaa (si hadhow janno u gasho, Ilaahay ha inna geliyee) hadduu rabona gaal buu kaa dhigayaa (si hadhow naar u gasho, Ilaahay nama geliyee)

Markaa haddaad aragto adiga ama qofka oo sidaas lagu qanciyay ogow Ilaahay baa ku qanciyay (ee Bani-Aadam kuma qancin kareen haddaan Ilaahay u sii qorin). Qancintaasina waa waxa loo yaqaanno HANUUNKA ama waddada toosan. Ilaahay ha ina waafajiyo hanuunka. Aamiin.”

Intaas waa Comment-kii aan u qoray qofkaas aan kor ku sheegay laakiin aan in yar sii faahfaahiyo.

Innagu muslim baan nahay caqiidadeennu waxay sheegaysaa in naf walba wixii ay kasbatay kheyr iyo shar lagu abaalmarinayo. Taas khilaaf kama taagna LAAKIIN ogow marka hore ayaa naf walba lagu ilhaamiyay dhammaan waxay fali doonto (programmed):

فالهما فجورها و تقواها (سورة السمش)

Markaa ilhaamintaas baa dhowr heer kala ah oo tusaale ahaan Malaa’igta iyo Shaydaanka waa 100% oo wax khiyaar ah ma leh haba yaraatee halka Bani Aadamka aad mooddo inay khiyaar buuxa leeyihiin marka dusha laga eego LAAKIIN marka hoos loo dhaadhaco xaaladdu waa “ku sawir uun” iwm.

Waa sababta Nebigu (SCW) u yidhi ma jiro qof camalkiisa jannada ku gelayaa fadliga Ilaahay mooyee markaas baa la yidhi “xataa adiga?” markaas buu yidhi “haa xataa aniga”. Markaa wuxuu u jeedaa camalka wanaagsan ee aan sameeyay marka hore yaa i siiyay oo nebi iga dhigay iwm! Saw fadliga Ilaahay ma ahayn!!!

Qofka Ahlul-Kheyrka yaa ka dhigay sidaas! malaa’igta yaa malaa’ig ka dhigay!

Dhanka kale, qofka sharka ka shaqeeya (sida Fircoon, Abu Jahal, iwm) yaa sidaas ka dhigay. Shaydaanka yaa Shaydaan ka dhigay!!! Yaa dadka qaar geeyay koonayaasha dunida barafka leh ee diintu weli gaarin ama weligeed gaari doonin!!!

Arrimahaas siday isu waafaqayaan?

Markaad si u eegto isma waafaqayaan laakiin culimadu, markay ku wareereen, waxay kusoo koobeen: in qof walba loo fududaynayo (oo lagu sawirayo) wixii loo abuuray
الكل ميسر لما خلق له

Ilaahay ha innaga yeelo kuwa jannada loo abuuray. Aamiin.

Runtii arrimahaas way isu waafaqayaan ciddii Ilaahay HANUUNKA waafajiyo waayo waxay ku qancayaan in dunida cid keliya leedahay oo siday doonto ka yeelayso. Qofkii intaas la waafajiyo wuu is dhiibayaa.

Ilaahayoow adigaan isu kaa dhiibay ee Naarta iga weeci oo Jannada i geli. Aniga iyo Muslimiinta oo dhan. Aamiin. Aamiin… Aamiin.

Ilaahay baa mahad leh innaga dhigay Muslimiin.

Raygal.