Qaddiyad way-neyn Mise Qof Buun-buunin? (WQ: Maxamed C. Shaaxuur).

Marka la joogo aragtida Islaamka iyo guud ahaan ogaalka aadamiga; mabaadi’da guud iyo qaddiyadda waaweyn ee uummada ka dhexeysaa waa muqadas iyo biyo-kama-dhibcaan, aan sinna ba gor-gortan loo gelin karin.

Qofka caadiga ah se, heerkuu dooni-ba ha joogee, ma-laha wax qadaaso ah; oo isagu waxa uu la midyahay bini-aadamka kale. Wanaag iyo xumaan ba waa uu yeelan karaa, mid-ba intuu doono ha le’ekaadee.

Imaam Maalik markii uu arrinkaa ka hadlayey waxa uu yiri oraahda caanka baxday ee ah:

“Qof walba hadalkiisa waa la qaadan ama waa la tuuri; Marka laga reebo ninka qabrigaa ku jira (nabbiga NNKH).

Halkaa waxa aynu ka garan karraa, mudnaanta ay mabaadidu leedahay iyo hufnaan la’aanta shakhsiyaadka.
Ma jiro qof xalay-dhalay ah oo ceeb-ka-saliim ah, mana jiro ruux shar-wade ah oo gebigiisu ba wada xumaan ah.

17,18 iyo19-kii bishaan, waxaan ka qayb-galay Bandhig Suugaaneedka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Bandhigga waxaa kasoo qayb-galay kalmadana ka jeediyey, abwaanno, aqoonyahanno, odayaal-dhaqameed, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo haween; kuwaas oo isaga kala yimid daafaha dunida.

Raggii goobta ka hadlay waxay ammaan dhinacyo badan taabanaysa oo aan loo meel-dayan ay huwiyeen Sayidka iyo Soomaalidii kale ee kasoo hor-jeedday. Kuwaa oo ay aragti ama siyaasad ku kala tageenna waxaa la huwiyey shaar gumaysi-kalkaal, danaystayaal, gaalo-raac..iwm.

Raggii madasha ka hadlay waxay xoogga saareen dhaleecaynta buugga uu Guri-barwaaqo Sayidka ka qoray, way yaraayen dadka sida cilmiyaysan buugga u naqdiyey, taas beddelkeedna waxaa cay iyo aflaagdo loo miisay qoraaga, Sayidkana waxaa loo sawiray sidii malag xumaan oo dhan ka nastahan; oon haba yaraatee lahayn wax dhaliil ah.

Sayidka amaan shakhsi ah baa lagala dul-dhacay, se si maan-gal ah looma gorfayn sugaantiisii iyo hal-gankiisii ba.

Ragga qaar si hufan bay u hadleen, oo iyagu cidna ma ayan xag-xagan; bal’e kalmado loo riyaaqay bay soo ban-dhigeen. Raggaas waxaa ka mid ahaa:
Garaad Kulmiye, Abwaan Idaajaa, Wasiir Ashkir Nuur, aqoonyahan Maxamed Beddel iwm.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxa uu ahaa hayley qaran, halgamaa ummadeed, astaan gumaysi-diid, duqii maanso-yahannada, iyo weliba caalim diimeed.

Sayidku wuxuu hoggaanka u qabtay halgan gobanima-doon ah oo la diriray xoogag shisheeye iyo Soomaali kale ooy siyaasadda isku hayeen-ba.

Intaa ka sakow Sayidku waxa uu ahaa qof caadiya oo isagu wanaag iyo xumaan ba leh, guulo badan oo dhaxal-gal ah ayuu gaaray; gumayste ayuu la diriray, diinta ayuu ilaashey, dalka waa difaacay, dad badana wuu isu-dumay.
Sido kale, godobbo faro-badan oo maha-dhooyin ah ayuu geystey; garaaddo ayuu gowracay, maato ayuu dooxay, culimo ayuu malgay, duddooyin dhan ayuu moora-duugay oo maalkoodiina meersaday.

Waxaa la sheegaa in Sayidku uu yiri: “Car Soomaali yaan layn oo u taliya”. Haddii ay oraahdaasi sugnaato, waxay caddayn buuxda u tahay falsafadii fududaysiga daadinta dhiigga oo uu Sayidku aaminsanaa. Waad xujowday inuu ku yiraahdo oo qura ayaa kaa xigta in Daraawiish jidbaysani ay dhagta-dhiiga kuu daraan.
Inta aan soo taxay ba ma aha wax la dafiri karo oo gabayadiisii badda ahaa ayuu ku waariyey.

Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayaa madasha ka jeediyey hadal qiimo badan, isagu waxa uu taxliiliyey shakhsiyadii Sayidka, waxa uuna taxay waxyabaha looga dayan karo, wuxuu ku dheeraaday sida uu Sayidku u hodmiyey suugaanta Soomaalida, waxa uu suugaanta taray oo ah inuu curiyey erayo badan, tusaale ahaan gabayga Jiinleey oo kaliya ayuu Sayidku ku hindisay in ka-badan 35 eray sida uu Dr. Afrax sheegay. Qayb kamid ah ereyada ayuuna tilmaamay.

Sidoo kale, suugaanta qudheedu Sayidka wax bay tartay oo waxay ahayd hubkii ugu cuslaa ee uu halgankiisii u adeegsaday.

Anigu madasha waxaan ka filayey, in sidaa uu Afrax yeelay oo kale loo lafaguro suugaantii Sayidka iyo waayaha halgankiisii dheeraa. Nasiib-darro se ma dhicin, oo madashiiba waxay noqotay goob ay isku fagaareeyaan rag ciil iyo caro badan u hayay nin Sayidka buug ka qoray. Iyagu waxay ka badin waayeen in ay cay iyo af-lagaado u miisaan ninkaa; halkii si cilmiyaysan buuggiisa looga hal-celin lahaa.

Haddii qof wanaaggiisa uun la taxo, oo samihiisa oo kaliya laga bad-badiyo, iimihiisa la daboolo, xumaan oo dhanna laga nasaho; taasi waa maskax-mayr da’yarta lagu hayo iyo godob laga gelayo qawaaniinta caalamiga ah ee tebinta sooyaalka.

Gunaanadkii Bandhigga Caalamiga ahaa saddexda beri ee xiriirka ah socday, anna aan goob-joogga u ahaa, waxa uu ahaa mid Sayidka biyo-dahab ah lagu mayray, ciddii kasoo hor-jeeddeyna cay loo miisay.