Qiimahay ku kacdo, dawladi waa wax aan, marnaba maskaxdaada gali karin, dalka afganistaan, waxay ku kacday, ku dhawaad, 111,000. Dhimasho iyo dhaawacba ruux, iyo 2.4 trillion dollar.
17 dawladood, muruqoodii, iyo maalkoodii. oo lacagtaasi in afsomaali lagu sheegaa, adagtahay, kana badan tahay, dhaqaalaha waddamo dhan. Halka dhaqaalaha, dawlada xooga wayn, ee koonfur Africa, ahaa 4.4 trillion. Sanadkii 18 ahaa.
Dadkii, reer shaam ee sharafta, iyo xaddaarada lahaa, maanta waxaa ka dhargay waraabaha. Ciraaq, barafo’sooradu, qaar baa, dariiqyaday ka dawarsada, iyagoo waalan. Halka waddamo ka jira, koonfurta qaadarada Ameerika, ay kala badh ka taliyaan waddanka, qawlaysato iyo maafiyo, ka ganacsadda, dadka, iyo daroogadu. Dad kuna, naf la caari, ku nool yihiin.
In ruwaanda, dawlad macno leh, loo dhisaa, waxay ku kacday, kasoo kabashada, geerida ku dhawaad, Siddeed boqol oo kun, oo ku naf waayay, muddo, labba bilood gudahood. Wali Ciraaq, oo batrool, dhex jiifo, waddakooda, wali waa la dawlad macno leh dhawrayaa, iyo liibiya, halka wali lubnaan la dhutinayso, kooxaysi hubaysan. Oo, dawlada ka xoog badan.
Ma soo, koobi karno, qiimaha dawlad wanaagsan, ama nimdaam, sifiican u shayqaynayaa, dunida ugu kaco. halka ay ka fududahay, in nidaam dawladnimo, oo gun dheer, muddo yar, lagu furfura, iyadoo, badal fiican la raadinayo, balse noqoto kud ka guur oo ganjo u guur.
Haddaba deeqaha, Rabbi Swt. Bixiyo, Iimaan, baa u mudan, waxaana ku xiga in, dawllad nabdoon, iyo waddan xasiloon, taasi oo cibaadadu, jirayn haddii nabad, iyo nolol la waayo, waayo Rasuukeenii, Naxariis iyo ammaanu korkiisa ha ahaatee, amaanka ayuu iimaanka ka horaysiiyay.
Raasamaalka ugu wayn, ee ummad, ka dhexeeya, iyo hantida, kaliya ee la wadda leeyahay, waa dawladnimada, taasi oo, si xasiloon oo xikmaddaysan, loogu dhaqo, danaha, iyo arrimaha bulshadd.
Dawladnimadu, waa sharcig lagu dhaqo, laguna ilaaliyo, habsami u socodka nolosha bulsho, muddo dheerna soo jiray, hindisaha, ugu Ilbaxsan ee aadame, ikhtiraacay, intuu noollaa waa dawladnimo.
Dadka, dunida soo maray, qaar baa xusay erayo ku saabsan dawladnimada, (in farxada, dadku ku noolaadaan, iyo daryeel, dawlad uun baa qaban karta.) William.
Abwaanada soomaalilandna in badan bay ka gabyeen, Aan maalno hasheena Maandeeq, iyo abwaan Saxardiid jabiye AHN, iyo qaar kaloo badan, iyo sidda loogu hanwyanaa, dawladnimada, sida abwaan,Timacadde yidhi.
Sareeyow ma nusqaanow, aan siduu yahay eegno, kana siib kana saar. Dadkoo dhana, u wadda, riyaaq’sanaayeen, yar iyo waynba, dawladnimada lana, soo koobi, karin. Eryaddii abwaanada.
Haddaba doodaha, dhexdeena, marmar bay luntaa, yuhuunta dawladnimo, iyo yoolka wayn, iyo jiritaankeena, oo wax walba ka wayn. Taasi oo keenta in janjeedh. dhinaca afkaarta ahi dhasho, iyo Milan, bilaa duxa, iyo isriix bilaa goabanimo ah, oo ku dhisan, dan shakhsi dhargin ah, oo jiritaankeena dhaawacaysa.
Haddaba haddaan, beedka ka boodo, oon digaagada ka bilaabno, miiskana saarno, dawladnimada, aynu haysano, inagoo ka, dul boodayna dhacdooyinka, maalinlaha ah, ku milankooda, xadka dhaafsiisan, doodeenunu u badan tahay.
Haddaba dawladnimada, inoo dhisan, nuxurkeeda, dhabta ah, iyo heerkeeda, jiritaan, iyo inta, baac ay, qodontahay, magaca iyo ixtiraamka, iyo maamuuska ku duugan dawladnimada. Waxa xiga qaybta 2aad haddii rabbi idmo.
Qalinkii : Axmed Cali Kaahin ahmedcakhin@gmail.com