Qiimeynta saldhiga ciidan militari ee Berbera (WQ: Yuusuf Goodir Maxamed)

 

Sida uu qiray safiirka inoo jooga Imaaraadku ma jirto lacag cadaan ah oo lagu heshiiyay. Mucaaradkuna waxay ku xoog-xoogsadeen in aan layna aqoonsan, dabadeedna waxay soo geliyeen in heshiiskan Soomaaliya ku jirto. Laba su’aalood baa inoo muuqda: Saldhiga ciidan ee aynu Berbera ka bixinaa muxuu inoogu qiimaysnaan kara? Iyo haddii aynu heshiis la galo qaramo kale ma kor baynu u kacnaynaa mise waynu duloobaynaa?

Jawaabta hore waxay ku xidhan tahay baahida ay qabto dawladda imaaraadku; mudnaanta juquraafiyadda Berbera; iyo baahideena. Sidee baynuse u qiimayn karaa?  Aynu fahamno laba eray oo loo adeegsaddo dhaqaalaha iyo ganacsiga mid waa wax isdhaafsi (transaction), iyo xog helid (events). Haddii wax is dhaafsi yimaado waa in ay leedahay cabiraad. Sabaanaddii hore wax isdhaafsigu wuxuu ahaa mid toos ah (barter). Xiligan waxa bedeshay lacagta oo noqotay min qiyaaska shay kasta oo la iibinayo (unit of account), sidaas daraadeed, waa in lacag lagu sheegaa bixinta saldhiga Berbera.

Baahida ay qabto dawladda Imaaraadku waa mide waa nabad gelyo darro ku aadan Iiraan, iyo talabaad oo ah mid dhaqaale. Imaaraadku shanta sano ee soo socota waxay isbedel wayn ku samaynayaan wadankooda. Waxay fidinayaan suuqooda, iyagoo ku soo hungoobay Jabuuti iyo Muqdisho. Berbera waa la yaqaan in ay tahay xudun cudoon, hadday Ingiriiskii, Ruushkii iyo Maraykanba noqoto mid waliba wuu kusoo itaalay. Baahideenu, waa mid dhaqaale iyo aqoonsi raadin. Dhinac kalena saldhigu wuxuu soo kordhinayaa cadaawad laynaga qaato, taas oo ah mid aynu magdhawgeeda ka sugayno Imaaraadka.

Aynu lacag ku qiimayno waxa aynu iibinayno. Bal ka soo qaad in cid inoo timaado oo tidhaahdo Sanadkasta waxaanu idinla garabtaaganahay in aanu wax idin kala qabano abaaraha, ilaalinta in aan lacagtiinu hoos u dhicin, iyo rasaas haddii dagaal idin qabsaddo, waxaad iska bixinaysaan 20 malyan oo doolar ( $ 20,000,000). Waa sidii caymis. Ma inaga go’daa intaasi iyadoo misaaniyad sanadeedkeena 2017ka ay tahay $362,517,393? Aynu ka soo qaadno in ay aad maangal u tahay oo aynu ku dhiiran karo. Waxaan uga socdaa intaasi maxay ka noqonaysaa misaaniyad sanadeedka sanadkan ee imaaraadka oo dhan $ 13.26 bilyan?

Aynu hello isu dhiganka (ratio) teena waa 1:18.13. macnaheedu waa in $ 18 ee miisaaniyadeena ahba aynu ka bixino hal doolar. Markaynu qiyaastaa ku eegno  $13.26 bilyan waxay noqonaysaa $731,554,200 sanadkasta.  Wasiirka arimaha debeddu wuxuu yidhi, “saxeexi maayo wax aan danta Somaliland ku jirin.” Safiirkuna wuxuu timaamay in wax qabad laynoo samaynayo, lacagse aan la sheegin, weliba wuxuu ku nuux-nuux saday in aan dan gaar ahi ugu jirin. Wasiirka waxaan idhi waxaad ka mid tahay dadka kalsoonida lagu qabo, laakiin, odhaahda aad tidhi waa aragti qofeed (subjective), haddii heshiiska laynagu dhaco, danteenu kuma jirto. Safiirkana waxan idhi, oday baa jiray xiligii Ingiriiska ay islaantiisii ku tidhi, “hadaad far I saarto, waan ku soo ashkataynayaa.” Hadalkii markuu hadhi waayay ayuu Burco u soo baqoolay, maxkamadihii buu dhegaystay, warkii buu la baxay. Maalintii danbe markay hadalkeedii ku celisay, wuxuu yidhi, “waxaan markhaati lahayni hadhan!” Waxaan uga socdaa, meel ay ka maqan tahay lacagi, waxba lama kala iibsan. Saldhigu wuxuu inoogu joogaa xisaabta kor ku qoran, weliba Imaaraadka cindigooda kama bixin kaalintii ay ku lahaayeen xasuuqa. Haddii kale aqoonsi ka keena, hanyaraanta laynaguma ogayn!

Mucaaradkana mid baan idhi, waxa la yidhi wadaad baa la waydiiyay in findhicilku xalaal yahay iyo inkale, wuxuu ku jawaabay, “xuskiisaaba xun.” Reer Soomaaliya xuskoodu kama duwana findhicilkaa marka la eego taariikhdii ay soo mareen intii aynu la soo noqonaynay madax banaanideena. Waynu arkaynay doorashaddii ka dhacday, quwado shisheeye ayaa hirgeliyay, Ilaahay ka sokow, weli waxay ku jiraan god hoose. Markaa haynagu masaynina. Inagoon layna aqoonsan haddaynu dawladdo heshiisyo la galo ma korbaynu u kacnay, mise waynu dulownay! Taasi ma su’aal bay geli kartaa! Madaxda Soomaaliya hore iyo danbaysaba waxay sheegeen in ay ka xun yihiin heshiiska laynala galay. Haddii aqoonsi la’aantu inala waynaatay miyaanay hore u dhicin in madaxwayneheenu la kulmay boqorka Imaaraadka, raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska, madaxdii kala danbaysay ee Itoobiya, madaxwaynaha Jabuuti iyo qaar kaleba.

Qore: Yuusuf Goodir Maxamed

Email; ygoodir2016@hotmail.com