Masaajidkan mar ahaa Kaniisadda ugu weyn adduunka oo ku yaallaa xeelliga marinbiyoodka muhiimka ah ee Bosphorus (Bosforas), waxaa ku duugan sheekooyin taariikheed oo kallifay in aanay muddo ka qoob qaadin xeeldheereyaasha baadha cilmiga aataarta ee Turkiga iyo reer galbeedka oo daraasado tiro badan ka sameeyey.
Waxa kale oo ku duugan sheekobaraley taariikheed oo ay qaybo ka mid ah xeeldheereyaashu fasiraad maangal ah u helaan, qaybo kale oo ka mid ahina ay leeyihiin dhadhan maadays u eeg, balse ku aroorta aaminsanaan diineed. Waxaa ka mid ah barako lagu sheego tiir ku yaalla dhismaha gudihiisa oo lagu magacaabo โTiirka dhididka ama tiirka rajaysigaโ. Dadka aaminsan Orthodox ka iyo kuwo badan oo ku qaldamayba waxa ay aamineen in god ku yaalla oo farta la geliyaa uu leeyahay karaamo caafimaad iyo waxsan helid ah.
Tiirkan waxa uu ka mid yahay 107 tiir oo kale oo masaajidku leeyahy. Waxa aanu ku yaalla dhinaca weoqooyi-galbeed ee gudaha dhismaha masaajidka. Dadka Kiristaanka ahi waxa ay aaminsan yihiin in uu wato barakada baaderigii Belagiyoos kii labaad (Pope Pelagius II) oo kaniisadda Katoligga ugu sarreeyey muddadii u dhexeysay 579 illaa 590 kii miilaadiga.
Daloolka tiirkan ku yaalla oo hareerihiisa laga dhigay bir ka samaysan macdanta koberka waxaa mar kasta laga dareemaa sayax (Qoyaan yar) ama dhibco biyo ah oo ku taagan xilliyada sannadka oo dhan sidaas awgeed marka gacanta la geliyo waxa laga dareemaa qoyaan yar.
Godkaas ayaa la geliyaa suulka, iyada oo gacanta inta kale ee baabacada iyo faraha ahna godka hareerihiisa lagu fidinayi. Qofka ku guulaysta in suulkiisa oo godkaas ku jira uu gacanta oo baabacada iyo faraha ah wareejiyo 360 digrii, waxaa la aaminaa in uu helay barakadii tiirkan ku labbahnayd iyo in caafimaad uu helayo. Laakiin dadka badankooda waa ay ku adagtahay in ay ay gacanta oo suulku godkan ku jiro si buuxda u soo wareejiyaan, sidaas awgeed waa ay adagtahay in la helo cid barkaadaas soo raadsatay oo shardigaas ka soo baxdaa.
SABABAHA QOYAANKA
Sababta keentay qoyaanka tiirkan ee dadka qaar barakada moodeen ayaa siyaabo kala duwan loo sharraxaa, iyada oo ku xidhan hadba aaminsanaanta lagu qeexayo. Dadka Kiristaanka ah ee khuraafaadkan aaminsan badankoodu waxa ay sheegaan in qoyaankani uu yahay ilmo ka hoortay Maryam Al-Cadraa oo nebi Ciise (CS) hooyadii ah. Oohinta Maryam ayaa ay ku andacoodaan in sababteedu ay tahay damqashada ay ka xanuunsatay sidii darnayd ee loo ciqaabay wiilkeedii Ciise (CS) markii la dilayey. (Digniin: Sida saxda ah ee aynu muslim ahaan aaminsannahay ayaa ah in aan Nebi Ciise (CS) la dilin, balse uu Alle kor yeelay oo samada hoy uga yeelay, qiyaamaha hortiina soo dejin doono mar kale).
Waxaa jira muslimiin badan oo iyaga qudhooduna qisadan khuraafaadka ah ee barakada tiirkan aaminay, tiirkanna barako ka fisha. Waxa ay sheegaan sababta ay la tahay in uu tiirkani barakada ku yeeshay iyo waxa keenay in godkan biyo laga dareemo.
Sheekabaraleyda ay sheegaanna waxaa ka mid ah in waqtiyo hore oo intii ay Aaya Soofiya masaajidka ahayd ah, uu dhacay dhul gariir aad u weyn oo dildillaac ku keenay qudbiga masaajidka. Kaddibna uu Alle (Sarree oo Ceeb laโaa) u soo diray gurmad Malaaโig ah oo dillaacaas kaba. Waxa ay sheegaan in biyaha tiirkan lagu dhisay ay ahaayeen biyaha Samsamka oo ay malaaโigtu ka keentay magaalada Barakaysan ee Makah.
Qiso kale ayaa iyaduna jirta oo ay isla kooxaha muslimka ah ee ku dagmay barakada tiirkani sheegaan, marka la weydiiyo sababta qoyaanka keentay. Inta hore waxa ay kala mid yihiin qoladaas sheegtay in tiirkan uu dhaawac dildillaac ahi ka soo gaadhay dhul gariir aad u weynaa oo magaalada Istanbuul waayo hore ka dhacay. Waxa se ay sheegaan in dhismihiisa uu amray Khadir (sida la ogyahay Khadir waa uu ka horreeyey Nebi Muxamed SCW), waxa ay sheegaan in dib u dhiskii tiirkan loo isticmaalay biyo iyo qaybo ka mid ah dhareerkii Rasuulkii Alle ee Muxamed (SCW). Taasina ay tahay sababta keentay qoyaanka iyo in tiirkani barako yeesho. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in khuraafaadka barakada tiirkani uu mideeyey muslimiin iyo kiristaan labadaba.
CILMIGA
Ma jirto sabab cilmiya oo si cad uga hadashay halka uu ka imanayo qoyaanka tiirkan ee dad badani ku dagmeen. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira aragti aan si dhammaystiran loo daraasayn, oo sheegaysa in ciidda uu tiirkani ku dhidban yahay ay leedahay duleelo tiftifeed dhulka ka soo qaadaya qoyaan ay bannaanka tiirka u soo saarayaan. Laakiin xeeldheereyaal dhaliilay aragtidan ayaa keenay suโaalo ay ka mid tahay haddii qoyaan uu dhulka hoose jiro, sababta keentay in tiirkan ay xaaladdani ku keli ahaato iyada oo aan tiirarka kale lagu arag.