Qiso cajiib ah: Aabo iyo hooyo, masaajid ii dhisa aan ku shaqaysto! (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Ugu horayn Ilahay ayaa mahad balaadhan iska leh,sharaf iyo karaamo dhamaanteed waxa ay u sugnaatay Nabigeenii Muxamed scw,ixtiraam iyo qadarini waa saxabadii sharafta iyo karamada lahayd.

Nin dhalinyaro ah ayaa waalidkii dhalay waxa ay waxbarasho ugu direen wadan ka mida wadamada Muslimiinta si uu waxbarashi dad iyo dalba anfacda uu ugasoo korodhsado.Ninkii dhalin yarada ahaa waxa uu doorbiday in uu waxbarashadiisa ka dhigto dhinaca Diinta.kadibna waxa uu diyaariyey in uu marka hore iska dhiso dhinaca Luqada Carabiga marlabaadkana fanagii Diinta in uu culays saaro si uu aakhirka u noqdo sheekh iyo shariif ay dadku Diinta wax ka waydiiyaan.

Wakhti badan iyo samir badan ayuu galiyey,dadaal iyo maskax dheeraada ayuu la yimi si uu uga midha-dhaliyo waxbarashada dhinaca Diinta.Waxa intaasi u dheeraa in uu akhriyo oo uu fadhiga Makdabadaha badsado si uu waxbadan uga faa’idaysto kutubaha fiqiga ah ee ay Culimada Muslimiintu ku kala aragtida duwan yihiin.

Hadaba muddo ka bacdi ninkii dhalinta yaraa waxa uu u xuubsiibtay in uu ka mid noqdo kuna biiro xarakooyinkii markaasi ka jiray wadanka uu wax ka baranaayey,taasi oo ay ku qalqaaliyeen rag markaasi u arkaayey in in ninkan dhalinyarada ahi uu yahay nin caqli badan oo la jaanqaadi karo habka iyo hanaanha ay xarakadoodu wax u waddo.

Waxyar aan sheekada idinka yar boodsiiyo : Xarako macnaheedu waa baxay ? Xarako waa koox xalaal ah isla markaana fikir iyo aara ku walaaloobay ,mana aha wax Diinta lagu waxyeeleeyo ama lagu xumeeyo,balse waa weel iyo Waadaan lagu kaydiyo laguna ururiyo hadba inta isku fikirka/fiqiga/afkaarta wanaagsan ee niqaasha iyo ooda aqbasha ayaa usugu habarwacda,inkastaw jiraan Xarakooyin afkaarta qaarkeed si maqluub ah ay u gashay.

Sheekadii ayaan kusoo noqday: Ninkii dhalinta yaraa waxa uu aad uga helay oo wax walba kala waynaatay ku qanacsanaanta afkaarta kasoo burqanaysa koox-Diineedka uu sida gaarka ugu leexday,waxa uu akhriyey Kutubaha iyo Buugaagta ay wax ka qoreen culimada iyagu ku abtistada kooxdan u gacan haadisay,la dhacsanaanta iyo u dhagraaricinta qawaacidka ay Xarakada uu ku biiray ay dhigatay waxa ay Wiilkii gaadhsiisay in uu si aan caadi ahayn uu ugu qalbi-rogmado jacayl iyo xubbi dheeraadana uu u qaado.

Ilahay mahadi ha ka gaadhee wiilkii waxa uu noqday mid sidii loo baahnaa u dhamaystay waxbarashadii Jaamacada Diiniga ahayd ee uu wakhti hore bilaabay.Waxa uu noqoday wiil kaga dhabeeyey balantii uu u qaaday Walidkiisii wax soo baray.Waxa uu qaatay shahadadii Jamacada,waxa kale oo uu ka mid noqdaty ardaydii fara-kutiriska ahayd oo lagu amaanay fahamka dheerigaa ee uu u qabo nidaamka xarakada uu ku biiray.

Muddo ka bacdi ninkii dhalinyarada ahaa,isaga oo u gaashaaman sidii nin sheekh caalima isla markaana aad yaabto shacniga iyo shucuurka korkiisa ka muuqda,kana duwan shalay markii uu daalibal-cilmiga ahaa ee uu dalkiisa ka dhoofaayey ayaa waxa uu dib ugu soo noqday dalkii uu ka tagay gaar ahaan magalada Hargaysa.

Hargaysa waa magaalo u banaan-baxday usugu faantanka cilimiga Diinta.Hada laga bilaabo maaha hebel ama ina hebel, balse waxaa magaciisii lagu ladhayaa kalmada Sheekh,taasi oo ah middi uu wakhtiga badan u huray waalidkiina dhaqalaha badan ku bixiyey.

Muddo aan sidaasi u badnayn markii uu Hargaysa joogay,ayaa waxa ay waraysi gaar ah isula dhaqaaqeen waalidkii dhalay,waalidka laftiisu waxa ay wax iska waydiiyeen madamaa uu wiilkoodu sidii ay doonayeen uu wax ugu soo bartay in la ogaado talabada tan ku xogta ee la qaadi karo.

Waalidka waxaa maskaxdooda ku jirta madamaa ay Wiilkoodii sidii ugu fiicnayd ay wax usoo bareen in uu isaguna hadda uu noqdo mid dad iyo dalba anfaca.Waalidku waxa ay isleeyihii wiilkiinan aad wax soo barteen ha shaqo tago isla markaana umada ha baro oo ha ku baraarujiyo nidaamka Diinta.

Waalidkii ayaa inankoodii waxa ay waydiiyeen sida uu rabo in uu ugu shaqo tago waxbarashada uu soo bartay ee Diinta.Halkii wax kale laga eegaayey ayaa waxa uu ku yidhi waalidkii “Aaabo iyo Hooyo waxa aan doonayaa in aad Masaajid ii dhistaan aan ku shaqaysto!!!!!”.

Walidkii fikradaasi waa ay fahmi waayeen,midba mid ayuu eegay,waxaa maskaxdooda ka weatynaatay labada erya bee uu israaciyey ee kala ah “Masaajid iyo ku shaqaysi” kaaf iyo kale dheeri ayay ula eekaatay.

Hoyadii ayaa su’aal waydiisay wiilkeedii “” Hooyo maxaad tidhi ma Dukaan ii iibiya”” wiilkii maya Hooyo Masaajid ayaan rabaa in aad ii dhistraan ,ilayn Masaajida lama Iibiyee waa la dhisaaye”.Hadana Abahii ayaa waxa uu inankiisii ku yidhi “Aabo Masaajid waxa aan u aqanaa Baydka Ilahay SWT waana lagu tukadaa dadka Muslimkaana waa laga wacdiyaa,Aabo Masaajid aad adigu leedahay oo aad ku shaqaysato sidee ayay suura gal u tahay, ma dadka salaada tukanaaya ayaa calaa qof aad lacag ka qaadaysaa?””:

Walidkii iyo wiilkii ay dhaleen waxa soo kala dhexgalay isfaham waa aad u badan,waxa laysla garawsan waayey Masaajid iyo ku shaqaysi.Waalidkii waxa ay ilaa hada fahmi layihiin caqligooduna uu qaadan la’yehay fikirka iyo xeelada Masaajida loogu shaqaysto,mararka qaar waxa ay iswaydiinayaan taloow wiilkiini ma waxa uu soo arkay Masajiid dad inta ay dhistaan ay sida Dukaamada ugu shaqaystaan yaab iyo dhabana hays ayaa laysla hor kuudud saday.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu hadal kusoo gabagabeeyey,hadii aydaan ii dhisayn masaajid aan ku shaqaysto waxbarashadaydii khasaare ayay noqonaysaa,markaa waa in aan Tolkay u tago si ay iigu dhisaan masaajid Tolku leeyahay.

WQ: Khadar Ibrahim Aar

khadaraar101@gmail.com