Qofku marka uu dhinto (maydku) wax ma arki karaa? Se’ wax ma maqli karaa?W/Q:(Ahmed Yasto)

Maydku si fiican ayuu u maqlaa oohinta, sawaxanka, ducooyinka iyo sabootinta ka dul baxaysa, si fiicanna wuu arkayaa muuqaallada hareerihiisa iyo dadka dushiisa tuman.

2019kii wixii ka horreeyay, aad ayay u adkayd in uu caqligeennu si dhakhso ah u qaato arrinta tan, sannadkii 2019kii ayay saynisyahanno ka hawlgala jaamacadda Stony Brook ee fadhigeedu yahay magaalada New York ee carriga maraykanka ayaa daraasad aad u cajiiba ku caddeeyay in uu qofku wax maqli karo oo wax arki karo daqiiqado ka dib geeridiisa.

Saynisyahannadan oo ku takhasusay cilmiga loo yaqaan Thenatology oo ah raadraaca iyo dabagalka hannaanka dhimashada ayaa waxa ay daraasadeeyeen isbedellada ku dhaca habdhiska dareen wadka (nervous system) isla daqiiqadaha xiga dhimashada qofka.

Sida ay horeba u tilmaameen saynisyahannada cilmiga neerfuhu, maskaxwaynta (cerebrum) oo maamusha dhammaan dhaqdhaqaaqyada rabitaanka ahi (voluntary movements) gabi ahaanba way istaagtaa marka ay naftu ka baxdo jidhka.

Laakiin daraasaddan ay samaysay jaamacadda Stony Brook waxa lagu caddeeyay in 90% ay itaagto shaqada maskaxwaynta ee ay ka midka yihiin neefsashada, dheefshiidka, garaaca wadnaha iyo dhammaan murqaha qalfoofka. Laakiin se’ daraasadani waxa ay sugtay in xafiisyada maskaxwaynta ee laga maamulo dareennada aragga iyo maqalku ay sii wadi karaan baahinta iyo qaybinta farriimaha aragga iyo maqalkaba ah muddo lagu qiyaaso ilaa lix sacadood dhimashada ka dib.

Maydku si toos ah ayuu u arkayaa ilayska hareerihiisa, si toos ahna wuu u maqlayaa jabaqda hareerihiisa, hase ahaato e’ ma awoodi karo in uu ka fal celiyo carisyadan ka dhacaya agagaarkiisa mana awoodo in uu dhaqaaq sameeyo. Cajiib!

Bal xasuuso! Maalintii dagaalkii Beder, khudbaddii uu Nebigu (scw) ka dul jeediyay maydadkii gaaladii waawaynayd ee reer quraysh ee lagu laayay dagaalka.

Isaga oo xusaya magacyadooda iyo magacyada aabayaashood ayaa waxa uu lahaa “hebel iyo hebel iyo hebeloow Ilaahay iyo rasuulkiisa in aad adeecdaan ayay ahayd, xaqiiqo e’ annagu waanu helnay guushii Ilaahay noo ballan qaadaye idinna ma hesheen wixii uu Ilaahay idiin ballan qaaday oo dhab ah” Cumar (rc) ayaa yidhi “rasuulkii Ilaahayoow ma waxa aad la hadlaysaa jidhadh aan ruux lahay?” dabeedna rasuulku (scw) waxa uu Cumar ugu jawaabay “waxa aan ku dhaartay Allaha naftaydu gacantiisa ku jirto e’ kama maqal fiicnidin idinku waxa aan ku idhi iyaga” yacnii sidaad ii maqlaysaan ayay ii maqlayaan.

“يا فلان بن فلان ويا فلان بن فلان، ويا فلان بن فلان، أيسركم أنكم أطعتم الله ورسوله؟ فإنا قد وجدنا ما وعدنا ربنا حقاً فهل وجدتم ما وعد ربكم حقاً؟” قال: فقال عمر: يا رسول الله ما تكلم من أجساد لا أرواح لها؟ فقال رسول الله -صلى الله عليه وسلم-: “والذي نفس محمد بيده ما أنتم بأسمع لما أقول منهم”

Dr. Jimo Borjigin oo gabadh cilmibaadhe ah oo ka shaqaysa jaamacadda Mishigaan (Michigan) ee carriga Maraykanku waxa daraasad heersare ah ka samaysay isbedellada ku yimaada fiisiyoolajiyadda maskaxda daqiiqadaha ka horreeya geerida qofka.

Gabadhani waxa ay daraasaddeeda ku caddaysay in jiraan dhaqdhaqaaqyo aan noocooda hore loo aragi oo aan la garanayni ay ka socdaan xafiiska aragga ee maskaxwaynta qofka sakaaradaya. Koox kale oo cilmibaadheyaal ah ayaa u qalab qaatay in ay xaqiijiyaan saxnimada natiijada ka soo baxday daraasadda Dr. Jimo Borjigin iyaga oo adeegsanaya hannaan cilmibaadhiseed (methodology) oo ka duwan ka ay iyadu adeegsatay. Waxa ay adeegsadeen aaladda loo yaqaan EEG (Electroencephalography) oo lagula socdo qulqulka maayadaha koronto (electrical impulses) ee maskaxda. Aaladan ayay maskaxda kaga xidheen tobaneeyo bukaan oo ku jira daqiiqadihii u danbeeyay noloshooda (sakaraadaya), waxa ay xaqiijiyeen in jiraan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ka socda xarunta aragga ee maskaxwaynta.

Daraasadahani waxa ay caddayn u yihiin in qofka marka ay naftu ka baxayso uu arkayo muuqaallo qariib ah oo yaab galiya. Maxay yihiin muuqaaladan uu qofku arkayo xilliga sakaraadkiisa? Su’aashan jawaabteeda waxa isku hawlay oo damcay in ay si cilmiya uga jawaabaan saynisyahannada jaamacadda Mishiigaan (Michigan), waxa ay intii hore ku dareen iyaguna in xarunta aragga ee qofkan sii dhimanaya ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo xooggan oo aad mooddo in uu daawanayo qashaafad wayn oo iftiin badan leh. Gunaanadka warbixintooda waxa ay yidhaahdeen “xaaladda qofkan sii dhimanayaa waxa ay u eegtahay in uu daawanayo shaashad aad wayn oo aad u iftiimaysa”

Waxa aan filaayaa in halkaas ugu joogto aqoonta basharku ay ka ogyihiin dhacdooyinka dhaca daqiiqadaha sakaraadka iyo daqiiqadaha ka danbeeya geerida, laakin se’ saynisku wali kamuu caajisin in uu raadiyo xaqiiqooyin hor leh, waa haddii uu Eebbe ogolaado e’.

Sida aynu ka warqabno, kitaabka Qur’aanka ah iyo sunnada Nebiguba (scw) waa mucjisooyin cilmi ah oo xujjo ku ah caqligeenna iyo aqoonteenna ilaa inta uu qiyaamuhu dhacayo. Qaybta hore ee qormadan waxa aynu ku xusnay in 2019kii dhawaa uu saynisku caddeeyay xaqiiqo cilmi ah oo Nebigu (scw) innaaga warramay in kabadan 1400 oo sano ka hor.

Bal immakana u yara fiirso macnaha aayadahan soo socda ee uu Rabigeen (sw) kaga warramo geerida iyo marka ay wafti malaa’ig ahi ku soo xaadirto qofka sakaaraadaya.

Alle (sw) isaga oo innooga warramaya marka ay sakaraadayaan daalimintu waxa uu yidhi

{ وَلَوۡ تَرَىٰۤ إِذِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِی غَمَرَ ٰ⁠تِ ٱلۡمَوۡتِ وَٱلۡمَلَـٰۤىِٕكَةُ بَاسِطُوۤا۟ أَیۡدِیهِمۡ أَخۡرِجُوۤا۟ أَنفُسَكُمُۖ ٱلۡیَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ عَذَابَ ٱلۡهُونِ بِمَا كُنتُمۡ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ غَیۡرَ ٱلۡحَقِّ وَكُنتُمۡ عَنۡ ءَایَـٰتِهِۦ تَسۡتَكۡبِرُونَ }

[سُورَةُ الأَنۡعَامِ: ٩٣]

Kuwa wanaagsanna isaga ka hadlaya waxa uu yidhi

{الَّذِينَ تَتَوَفَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ طَيِّبِينَ ۙ يَقُولُونَ سَلَامٌ عَلَيْكُمُ ادْخُلُوا الْجَنَّةَ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ}

Labadan aayadoodba waxa ay muujinayaan munaajaad iyo wada sheekaysi ay Malaa’igtu la samaynayo qofka Aadamaha ah ee mawtku ku soo xaadiray.

Arrimahan oo aad u faahfaahsan waxa aad ka akhrisan kartaa buugga yar ee la yidhaa اسرار الموت ee uu qoray Dr. Mohamed Tabib Shar’i