Qoys hodan ah oo dalkooda madax ka noqday (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Qoyskii Madaxweyne John F. Kennedy oo aabahood oo la odhan jiray Joseph P. Kennedy wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa:  Joseph F. Kennedy, John F. Kennedy, Robert F. Kennedy iyo Edward F. Kennedy. Joseph P. Kennedy oo ahaa aabihii ilma Kennedy wuxuu ahaa safiirka u fadhiya Maraykanka dalka Ingiriiska. Intii uu London joogay ayaa qandaraas lagu siiyey inuu keligii maraykanka u dhoofiyo khamriga. Halkaasina wuxuu ka hely lacag farabadan oo gaadhaysa balaayiin dollar.

Tartankii Madaxweynenimada ee Reer Kennedy

Joseph P. Kennedy wuxuu mar kasta maskaxda ku hayn jiray inuu inamadiisa u sharaxo kurisga Madaxweynaha dalka Maraykanka. Markii hore wuxuu diyaariyey inankiisa curad oo ahaa oo ahaa Joseph F. Kennedy,

balse wuxuu ku dhintay dagaalkii labaad ee adduunka. Ka dib wuxuu sharaxay kii ku xigay oo ahaa John F. Kennedy oo wax ku soo bartay jaamacada Harvard. Markii dagaalkii labaad ee adduunka laga soo noqday ayuu John F. Kennedy isu sharaxay qalka sare ee maraykanka( Senate), waanu ku guulaystay.

Tartankii Madaxweynenimada ee John F. Kennedy

Sannadkii 1960-kii ayuu John F.Kennedy u tartamay jagada Madaxweynaha dalka. Waxaana la tartamayey Richar Nixon oo xilligan ahaa Madaxweyne ku xigeen. Bishii Noofember 1960-kii ayuu ku guulaystay jagadii Madaxweynaha, isagoo da’diisu ahayd 43 jir.

Wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee maraykan ah ee qarnigii labaatanaad dhasha. Waxa kale oo uu noqday Madaxweynaha keliya ee maraykan ee haysta Mad-habta Roman Catholic ee ka tirsan Diinta Kiristaanka. Iyadoo shacabka maraykanku u badan yihii mad-habta Protestan-ka ee Kiristaanka. Bishii Noofember ee Sannadkii 1963-kii ayaa Madaxweyne John F. Kennedy lagu dilay magaalada Dallas oo uu booqanayey. Dilka waxa fuliyey nin la odhan jiray Lee Harvey Oswald, oo ka soo toogtay dabaqa-sare guri uu ku jiray.

Tartankii Madaxweynenimada ee Robert F. Kennedy

Robert F. kennedy wuu ka yaraa John F. Kennedy. Jaamacada Harvard ayuu ka bartay sharciga (Law). Dawaladdii John F.Kennedy wuxuu ka ahaa xeer ilaaliyaha guud. Robert  wuxuu isu sharaxay jagada Madaxweynaha dalkiisa. Horaantii sannadkii 1968-kii ayuu u tartamay kursiga aqalka sare ee Congrees-ka waanu ku guulaystay. Isla-sannadkaasi dabayaaqadiisii ayuu u tartamay  kursiga Madaxweynimada. Isagoo ku jira ololihii doorashada oo khudbad u jeedinaya taageerayaashiisa hudheelka Ambassador ee Magaalada Los Angeles, markii uu khudbadii dhameeyey, isagoo gacan qaadaya dadkii dhegaysanayey, ayuu nin la odhan Sirxan soo dhexgalay dadkii salaamayey, markaasuu bastoolad ku toogtay. Goobtii ayuu ku geeriyooday. Ifka wuxuu kaga tegay kow iyo toban caruur ah, oo isugu jira gabdho iyo inamo.

Tartankii Madaxweynaha ee Ted F. Kennedy

Ted F. Kennedy wuxuu ahaa inanka ugu yar reer Kennedy. Wuxuu ahaa nin aqoonta ku liita. Jaamacada Harvard waa laga eryey, markii lagu ogaaday inuu arday lacag siiyey si uu imtixaanka ugu galo. Markii damb e ayey canaanteen qoyskiisi, ka dib wuu dedaalay, waxaanu ku noqday jaamacadii. Waxaanu bartay cilmiga sharciga ( Lawyar). Ted wuxuu ahaa nin aad ugu mashquulsan arrimaha haweenka. Wuxuu qabay gabadh qurux badan oo la odhan jiray Joan, balse wuxuu xidhiidh la lahaa dumar badan.

Fadeexadii ka reebtay tartankii kursiga

Sannadkii 1969-kii isaga iyo saaxiibadii oo hudheel ku tumanaya, ayuu Ted ka soo kaxaystay gabadh uu la ciyaarayey. Ka dib isagoo gaadhi ku wata, ayuu gaadhigii ku dhacay god weyn oo biyo ka buuxaan, gaadhigii ayaa dhinaca kale iska rogay. Isagu wuu ka soo baxay, balse gabadhii uu watay wuu kaga yimid gaadhigii. Halkiina way ku geeriyootay. Sababtii ay u geeriyootay ayey boolisku baadheen. Natiijadii baadhista ayaa noqotay inay u dhimatay dedaal la’aan amma gurmad la’aan ka timid Ted. Taasina waxay ku noqotay fadeexad ka reebtay tartankii doorashada Madaxweynimada. Ted wuxuu dhintay sannadkii 2009-kii. Waxa dishay buro kansar ah oo maskaxda ka soo baxday.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

Axmed Maxamed Aadan “Qaybe”………….Danjire Qaybe iyo Caalamka