Halkii daqiiqo ee kasta( every 1 minute ) shan qof ayaa u naf waaya qalad ka yimi daweeyaha ama dhakhtarka marka la fiiriyo adduunka oodhan . Waddamada soo kobcaya waxa dhimasho dhakhaatiirtu sabab u yihiin uga dhinta laba dhibic -lix malyan oo qof ( 2.6 Milyan oo qof ) sannad walba.
Kuwa horumaray haddaynu eegno , in ka badan laba boqol iyo konton kun oo qof (250,000 oo qof ) ayaa u dhinta sannad walba qalad ay dhakhaatiirtu galeen ama dhimasho la xakamayn karo Markaykanka oo keliya.Sidoo kale qaladka dhakhaatiirta ayaa ah sababta saddexaad ee dadka ugu tirada badani u dhintaan Maraykanka. Tobankii qof ee kasta ee adeeg caafimaad oo aas-aasiya qaadanaya afar (4) ka mid ahi waxay mutaan dhaawac ka soo gaadhay daaweynta . Qaladdaadkan kuwa ugu weyni waa saddexdan :-
1. Baadhis khaldan ;waa marka qofka xanuun aan haynin dhakhtarku ku sheego dawo’na ugu qoro isla xanuun aan haynin ,isaga ama iyada oo moodeysa in uu hayo ka dib markii uu ku qancay warbixinta baadhuhu soo gudbiyay ,waayo waxa dhici karta marrarka qaar warbixinta baadhuhu soo gudbiyay in aanay ahayn middii dhabta ahayn ee qofka, waxaana dhici karta in shaybaadhuhu uu isku khalday dheecaannada ama dhiigagga laga qaaday dad kala duwan ,tani waxay horseedaysaa in daaweynta oo dhami khaldanto isla markaana xitaa dhimasho timaaddo.
2. Dawo-qorista khaldan ; waxaan filayaa innaga ka Soomaalilaan ahaan aad bay u yaryihiin dhakhaatiirta warqad ay Kombiyuutar ku daabaceen oo dawada oo higgaadinteedu sax tahay ku qoran tahay isticmaalaa. Laakiin waxa iska caadi noqotay in dhakhtarku hababka madnuuca ah ee loo yaqaan wax-naga-iibso ama jiitin iyo xariiq (dash and slash) ay ku qoraan iyagoo isticmaalaya qalin iyo warqad. Waxay leedahay khatarteeda waayo mararka qaar macmiilku warqaddan wuxuu u la tegi karaa qof aan si fiican u fahmayn dawada ku qoran wuxuuna siinaya ta ugu dhow ,halkaasna waxa ka dhalan karta daawayn khaldan oo sababi karta dhimasho, wayna inagu badan tahay .
3. Dawayn khaldan ; waa marka uu qofku yaallo waadhadhka cusbitaallada gudahooda ,waxa dhici karta in laba bukaan isku khaldamaan oo mid dawo loo waday kan kale la siiyo . Tiiyoo khaladkaasi inta badan ka yimaaddo kalkaaliyeyaasha . Wuxuuna khaladkani sida kuwa kale oo kale u sababi karaa dhimasho .Waxa intaa dheer ,khaladkan dhakhaatiirta qaliinka ku jira qudhoodu way galaan isaga oo bukaanku gacantooda ku dhiman kara, marka ay hab khaldan raacaan ama mindiyaha qaliinku meel aan loogu tallo gelin ama ku haboonayn ka gaadhaan.
Guud ahaan, dhimashada la xakamyn karo ama tallaal iyo ka hor tag ha lagu xakameeyo ama daawayn iyo taxadir ha lagu xakameeyee waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 20 illaa 40 ka mid ah dhimashada adduunka ka dhacda. Sidoo kale ,gudaha Somaalilaan waxa ka dhaca dhimasho ay sababeen dhakhaatiirtu taas oo aan ahayn mid
xisaabsan ama lagu hayo tiro ahaan, waxaanan aaminsanahay in Covid-19 inta uu Talyaaniga sannadkan ka dilay in leg ama ka badani ay 10 kii sanno ee la soo dhafay uga dhimatay Somalalilaan qalad ay dhakhaatiirtu galeen nooca uu doonaba ha ahaadee . Si ka duwan sidaas, aad bay u yar yihiin dadka da’ ama gabow u dhinta gudaha Soomaalilaan, laakiin dadkii iyagoo aan wakhtigoodii qaadan ayay sababo aan la garanayn u dhimanayaan.
Sidee lagu yarayn karaa ama xalku muxuu noqonayaa?
1.In la hirgeliyo hannaan loogu tallo galay in lagu diwaan geliyo qof kasta oo dhinta sababta uu u dhintay ,si loo ogaado sababaha ugu badan ee ay dadkani u dhimanayaan si xal loogu raadiyo loona xakameeyo wixii suurta gal ah dhimshada la xakamay karo.
2. In tallaalka xanuunnada dilaaga ah laga dhigo waajib bulashadana lagu wacyi geliyo muuhiimadda tallaalka.
3. In la helo adeeg caafimaad oo tayo sarre leh isla markaana uu qof kastaaba awoodo mid taajir aha iyo mid fiqiir ahba.
4. In wax ka beddel lagu sameeyo siyaasadda caafimaadka Soomaalilaan sidoo kale la adkeeyo shuruudaha ku xidhan ka ganacsiga caafimaadka.
W/Q : Khaalid Curaagte