Raadcayn indho-indhayneed (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

 

Xalay oo taariikhdu ahayd 21. 4.2016. Waxa raacdayn-idha-indhayneed uu dalka ku sameeyay nagu la wadaagay, Mustafe Rayale Boodhle. U-qaabilsanaha arrimaha Tacliinta ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Addis-Ababa Ethiopia. Ahna aqoon-yahan laba shahaado oo heerka labaad ah ku kala sameeyay; Cilmiga Beesha โ€œSociologyโ€ iyo Maamulka Shaqaalaha iyo hoggaanka โ€Human resource and leadershipโ€.

Madashan waxa ka soo qayb galay, ganacsato, siyaasiyiin, aqoon-yahanno iyo shakhsiyaad arrimaha bulshada ka shaqeeya. Waxa aan ka xusi karaa:

1. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex,
2. Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha,
3. Agaasimaha Dalladda Sonyo,
4. Guddoomiye-xigeenka SBIC,
5. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA,
6. Agaasimaha Wargeyska Foore,
7. Agaasimaha xarunta dhitaynta dhaqanka iyo xiddigiska ee ODAY-KA-SHEEKEE!
8. Guddoomiyaha Xarunta akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge.
9. Agaasimaha Cisbitaalka Ciidanka Qaran.
10. Garsoore ka Tirsan Maxkamadda Sare.

Mustafe Riyaale siddeed sanno oo uu waxbarasho ku maqnaa dalka wixii is-beddello uga muuqday ayay kor-ka-xaadiyay. Waxa arrimaha doorka ah ee uu taataabtay ka mid ahaa:- Qabyaaladda oo intii hore ka xoogaysatay.

– Qabyaaladda oo intii hore ka xoogaysatay.
– Shaqaalenimada Dawladda oo dadku soo jeclaanayaan.
– Furasha goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacaha oo lagu tartamay oo Tacliintii mid aan tayo lahayn ka dhigay.
– Tabashada Beelaha Darafyada oo sii siyaadday.
– Qiime-barrar maare loo waayay.
– Aqoonsi laโ€™aan jirta iyo samirka dadka oo aad u yar.
– Dawladda oo shacabka aan jahayn.
– Jahada rasmiga ah ee Somaliland u socoto oo aan caddayn.
– Sirta Qaranka saxaafaddu soo saarto.
– Saxaafadda oo dhinaca bidix arrimaha oo dhan iska taagta.
– Daawooyin iyo cuntooyin dhacay oo shacabka laga gadayo.
– Ganacsatada oo aan ummadda u tudhayn.

Qodobbadii ugu mugga weyn ee uu sharraxa kooban ka bixiyay ayay ka mid ahaayeen kuwaa aan kor ku xusnay, Mustafe Riyaale wuxu soo jeediyay talooyin muhiim ah. Waxaana ka mid ahaa:

– Waxa dalku baahi weyn u qabaa xarumo cilmi-baadhiseed, waxa aanay xal u heli karaan dhibaatooyin badan oo bulshada haysta, sida shaqo laโ€™aanta.
– Waxa ay ummaddu u baahan tahay hoggaamiye higsi iyo yool leh oo ummadda hoggaanka u qabta. Isla markaa aragti dheer oo odorasi kara timaadda dheer.
– Saxaafadda in dhaqaale loo helo si waxa ay qoraysaa uu tayo u yeesho.
intaa kaddibna waxa bilaabmatay dood iyo talo-wadaag. Xubnihii meesha ka hadlayna waxa ay ka talo bixiyeen arrimo badan oo kala jaad jaad ah.

B. Tayo xumada saxaafadda waxa keentay dhawr arrimood oo is-biirsaday, waa ugu horreeya suxufiyiinta oo badankoodu aad u daโ€™ yar yihiin, una badan yihiin 1995 wixii ka dambeeyay kuwa dhashay. Warbaahinta oo ay mulkiileyaal ka yihiin rag aan aqoon saxaafadeed lahayn oo qurbe-joog u badan, kuwaas oo aan fahmayn baahiyihii suxufiga iyo mihnaddu waxa ay u baahan tahay toona iyo Suxufiyiinta oo aan wax mushahar ah oo joogto ah ba ku shaqayn.
T. Suxufiyiintu waxa ay ku dhex dhintaan inta badan Mulkiileyaasha iyo Dawladda. Mulkiileyaashu meesha ay rabaan in ruxruxdaan ayay suxufiyiinta u diraan, marka ay barnaamijyo ka soo sameeyaanna, waxa ay la heshiiyaan goobtii bar-tilmaameedka ahayd; heshiiskaa ma oga suxufigu, haddana amar xagga ayuu mulkiiluhu xagga sare kaga keenaa in aanu barnaamij dambe ka samayn, isagoo shalay ku amrayay. Dheeftana waxba kama soo gaadhaan.
Caafimaadka
B. Daawooyinka iyo contooyinka shin-dhaafay waxa dhibaatadooda ummadda looga badbaadin karaa haddii laba meelood dad Rabbi ka baqanaya, ummadda u tudhaya oo aqoon leh la geeyo. Labadaa meelood oo kala ah; Wasaaradda Caafimaadka iyo Haโ€™adda dhowridda tayada. Waxa inta badan dhacday in raashin dhacay iyo daawo dhacay lacag ay ka qaataan labadan laamood. Kaddiibna ganacsadaha waxa loo fududaynayaa in uu raashin ama cunto dhacday ummadda ka iibiyo, taas oo halis aan la qiyaasi Karin keenta.

Qiima-bararka
B. Ganacsigii xoolaha nool ee istaagay oo ahaa isha ugu weyn ee lacag adag innaga soo gali jirtay oo meesha ka baxay inuu ka mid yahay arrimaha is-biirsaday ee keenay Qiime-beelka Shilinka.

T. Bangiga dhexe oo aan shaqadii loo igmaday aan Qaranka u hayn.
J. Lacag adag oo Doolar ah oo Jaadku habeen kasta ka saaro dalka.
X. Lacagtii Qurbaha ka iman jirtay ee dadka debedda ku maqani ehelkooda u soo diri jireen oo is-dhintay arrin is-beddelka jiilasha la hal-maasha awgeed.
Kh. Lacagtii abaaraha luugu gurmaday oo ahayd lacag doolar ah oo adag markii ay suuqa doolar ahaan ku gashay, waxa ay qiimo-tirtay shinkii Somaliland. Waxa aanay ku habboonayd in Lacagtaa bangiga la dhigo oo kaashkana bangiga laga soo saaro, si kaas wax luugu iibiyo dadka abaaruhu hayaan. Taas oo keeni lahayd in doolarku jabo oo Shilinka Somaliland qiimo wanaagsan jaro.

Shaqo-la’aanta
B. Shaqo laโ€™aanta waxa lagu yarayn karaa, ganacsiga oo la dhiiri-geliyo. Haddii ganacsiyo badan la sameeyo waxa sare u kacaya heerka shaqaalaynta sidoo kale waxa xarriiqaa la kacay cashuurta dawladda.

Gunaanadkii doodda iyo falanqaynta, waxa laga ballamay in kulanno kale oo arrimahan oo kale lagu lafo-gurayo la sameeyo.

Waxa warbixintan diyaariyey:ย Cabdinaasir Axmed Abraham

Dhinaca saxaafadda