Raadka ay Mooganaanta Saalixiintu ku Leedahay Fahanka Xaaladaha Taagan (WQ: Sh. Maxamed Kaariye)

Mar walba oo khidaabka islaamigi ka madhnaado wacyi siyaasiya iyo garasho-fikradeed hufan  oo ku wajahan dhagarta cadowga, waxay howl-galayaalka Islaamku ka gaabiyaan  fahanka xaqiiqada loolanka caalamiga ah iyo ka goboleed ee ka dhexeeya xaqa iyo baadilka.

Sidoo kale, mar walba oo ay ku xididaysato tamar darada manhajigi garaadka culimada, ducaadda iyo kuwa u heellan danta muslimiintu, cid kale ayay u daba fadhiistaan fahanka dhacdooyinka taagan, iyo  falanqaynta xaaladaha waaqica ku xeeran, waxayna waayaan awood diblomaasi ah oo ay ku hanan karaan inay loolanka u agaasimaan si waafaqsan danaha ummaddooda iyo aayatiinkeeda.

Haddaba, garashada waaqica xaaladaha taagan, iyo in loo fahmo si qoto dheer oo mug iyo miisaan  lihi, waxay lama huraan u tahay howl kasta oo ay ku kacayaan dadka doonaya inay soo celiyaan karaamada muslimiinta, iyo horumarinta ummaddooda dhaawacan iyo inay xukunka Allaah ku dhaqaan arladooda iyo bulshooyinkooda.