Ramadaan Wacan, Ilaah ha inoo dhaafo khaladkeenna dadaalkeenana ha hagaajiyo,aamiin amiin.
Qofka muโminka ahi kuma qanco halka hoose, waa mid markasta higsanaaya halka u saraysa,dhibkastoo soo gaadhaana kama leexiyo halkuu higsanaayo.
Ilaahay wuxuu yidhiโU tartama Khayraadkaโ.Ilaahay markasta wuxuu ina faraa waxa inoo danta ah,markaas in loo tartamo khayrka sharkana laga joogsadaa waa amar ilaahay,qofkastaana haantuu toshu ayuu Ilaahay wax ugu ridi.Ilaahayna wuu jecelyahay in uu addoomihiisa ku arko boosaska sare mana jecla in uu boosaska liita ku arko .
Asxaabtu aad iyo aad ayey khayrka ugu tartami jireen,waynu wada garanaynaa tartankii weynaa ee ka dhexeeyey Cumar iyo Abiibakar, siday u tartamayeen waakii markii danbe Cumar ku yidhiโMardanbe kula tartamimaayoโ,waayo dhawr jeer ayuu tartankii kaga guulaystay Cumar.
Waxaan xasuustaa oday ka mid ahaa dadka ku tukada masjidka Cali mataan ayaa aad u dhuuxay fadliga uu leeyahay habeenka laylatul qadrigu,markaas ayuu yidhiโHorta sow lama hubo inuu ku jiro tobanka danbeโ? misaa lagu yidhi haa markaas ayuu yidhiโhaddaan tobankaba safka hore camirto halkuu iga dhaafayaa habeenkaasiโ?.
Xasanulbasrina wuxuu yidhiโHaddii qof kugula tartamo diintaada kula tartan,hadduuc se adduun kugula tartamo uga hadhโ.
Wahiib Buni Wardina wuxuu yidhiโHaddaad awoodo in aan cidna dhanka Ilaahay kaaga dheerayn Sameeโ.
Bishan Ramadaan waa la ordayaa yar iyo weyn iyadoo masaajidadii buuxan khayrkana loo heelanyahay,haddana waxaa jira dad aan la soconba halka layslamaraayo,dadkaasi waa dad laga dheereyey.
Tartan dheer ayaa lagu jiraaye yaan lagaa dheerayn,dadka badankiisu waxay naf iyo maalba ag dhigaan manaasibta iyo adduunka,waxaa haboon in tan aakhirona lagu tartamo oo aan lagaaga dheerayn dhanka waxbixinta,quraan akhriska iyo cibaadooyinka kaleba.
Bishan khayrka fure u noqo sharkana quful u noqo,Nebigu SCW wuxuu yidhiโDadka waxaa ka mid qaar khayrka fure u ah iyo qaar sharka fure u ah,Janno ha u sugnaato addoomaha alle ka yeelay inay fure u noqdaan khayrka,hoog ha usugnaado ku laga yeelay in ay sharka fure u noqdaanโ.
Xadiiskan markaynu dhuuxno waxaa inoo soo baxayaa in dadku laba yahay adduunkan,mid markasta dadka albaabka khayrka u fura iyo mid markasta albaabka sharka dadka u fura,walaal adigu keebaad rabtaa inaad noqoto?Haddaad jaanis haystaaye walaal ka feker oo dhanka khayrka iyo wanaagga ku soo biir.
Khaalid Binu Macdaan wuxuu yidhiโHaddii midkiin albaabka khayrka loo furo ha u degdego,lama kasaaayo goorta la xidhaayeeโ.
Siday Dadkii wanaagsanaa khayrka ugu tartami jireen.
- Nebi Muuse CS,
Nebi Muuse CS Ilaahay goortuu la balamay wuxuu ka soo hormaray dadkii kale,markaas ayuu ilaahay SWT ku yidhiโTolkaa maxaa kaa soo dedejiye Muusow? wuxuu yidhiโTolkay waa igu daba jiraan,anna waxaan uga soo hormay Ilaahow si aad iiga raali noqotoโ.
Bal u fiirsada sida Nebi Muuse CS la kulanka ilaahay ugu soo degdegay ee dadkii la socday uga soo dheereyey,markasta aan isku dayno inayno noqono hormada hore.
- Rasuulkeennii Sharafta Badnaa SCW,
wuxuu ahaa mid aan ka daalin khayrka, markastana wuxuu aha hormoodka dhankasta,Nebigu SCW wuxuu ahaa mid qiyaamu laylka ooga ilaa ay ka dildilaaceen cidhbihiisii,Caaโisha ayaa ku tidhiโMaxaad sidan u samayn iyadoo danbigaagii hore iyo kii danbeba laguu dhaafayโ?,wuxuu yidhi Nebigu SCWโMiyaanan jeclayn in aan noqdo addoonย Alle u mahadnaqaโ.
- Abiibakar Ilaahay haka raali noqdee,
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nebigu SCW asxaabtii ku yidhiโYaa waa bariistay isagoo sooman? Abiibakar ayaa yidhi aniga,Nebigu SCW haddana wuxuu yidhiโMaanta yaa aas raacay? Abiibakar ayaa yidhi aniga,Nebigu SCW wuxuu yidhiโYaa maanta miskiin quudiyey? Abiibakar ayaa yidhi aniga,
ugu danbaytii Nebiga SCW wuxuu yidhiโyaa maanta bukaan soo booqday?Abiibakar ayaa yidhi aniga,markaas ayuu Nebigu SCW yidhiโQofna kuma kulmaan intaasi ilaa Jannada ayuu galaโ.
- Cumar Ibnul khaddaab Ilaah haka raali noqdee,
Cumar wuxuu yidhiโMaalin ayuu Nebigu SCW na faray waxbixinta,markaasaan farxay oo idhi allaylehe maanta Abiibakar ka dheere waayo xoolo Ayaan guriga ku ogaa,Waxaan keenay kala badh xoolahaygii,badhna waan ka imid,markaas ayuu Nebigu SCW igu yidhiโmaxaad reerkii uga timid? Markaasaan ku idhi kala badhkii kale,Abiibakarna sow wixiiba waa soo qaaday markaas ayuu Nebigu SCW ku yidhiโMaxaad reerkii uga timid?wuxuu yidhi Abiibakar Ilaah haka raali ahaadeeโIlaahay ayaan reerkii uga imidโ.markaas ayuu Cumar yidhiโWax danbe kugula tartamimaayo Waligayโ.Cumar walaalkii wuxuu u qiray in uu khayrka uga dheereeyey,yaan lagaa dheerayn walaal adduunyadu waa ayaamo ee.
- Caamir Ibnu Cabdilaahi Ibnu Subayr,
Caamir wuxuu ka mid ahaa Taabiciintii waa waynaa,markuu xanuunsaday ayuu maqlay eedaankii markaasu ku yidhi dadkii ka agdhowaaโ waar ii qaada Masaajidkaโ,waxaa lagu yidhi ma adoo sidan u liita ayaad Masaajidka tegi karaysaa,Wuxuu ugu jawaabayโMa anoo maqlaayaa yeedhmada ilaahay ayaanan ajiibaynโ? Waa la geeyey masjidkii waxaa la soo wariyaa inuu ku dhintay masaajidkii ragcadii koobaadba.Maxaa ka fiican in Ilaah adduunkan gaaban inoogu khatimo innagoo Salaad ku jirna.
Ugu danbaytii aynu walaalayaal dadaalno oo yaan khayrka laynooga dheerayn,markastana aynu noqono hoggaamiyayaasha khayrka,Ilaahayna wuxuu yidhiโWaar u degdega danbi dhaafka Ilaahay iyo Janno balaadhkeedu leegyahay dhulaka iyo samadda,waxaana loo diyaariyey Jannada dadka Ilaahay ka cabsadaโ.