Raysal-wasaaraha Itoobiya wuxu booqasho aan la saadaalin ku tagay waddanka Eratariya (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Farmaajo ma ku dhiirran karaa tallaabadas oo kale oo ma iman karaa Hargeisa isagoo Reer Somaliland u ogolaanaya Aaaya ka tashigooda mise wuxuu ku dheganaan doonaa taydu ha socoto keliya oo aan cilmi ku dhisnayn iyo caqli midna.

Waxa telefishanka qaranka ee Eritrea laga daawaday Diyaaradda Ethiopia Airline oo ka degaysa dhabaha garoonka Diyaradaha ee Asmara arrintan oo yaabkeeda leh marka loo eego colaadda guunka ah ee dhaxaysay labada waddan.

Muddo 20 sanadood ah ayay colaad iyo dagaallo lagu hoobtay u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritrea kuwaas oo galaaftay nafaha in ka badan 70,000 oo qofood dagaal ku dhexmaray Ciidamada labada dal 1998 -2000  iyadoo uu muranku ka taagnaa Aaga loo yaqaan sadexagalka (Baadhame).

Haddaba waxa saaka lagu arkayay waddooyinka Magaalada caasimadda Asmara oo la lulayo Calanka Ethiopia qosol iyo farxadna lagu soo dhaweynayay Raisal wasaraha Ethiopia (Abiye Ahmed) oo baaburtu ayar la socdaan waliba waxa kaloo la arkayay boodhadh iyo banner ay ku xardhanyihiin (Tigrinya,Amhara,Oromiya and Eritrea)

Waxa jirtay muddo 30 sanadood ah ooh ore ay halgan u soo wada galeen Hogaamiyayaasha labadan dal sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen Hogaamihii Shuuciga ahaa ee (Mingistu Hile Mariam) hase ahaattee gooni isu taaggii Eritrea ka goosatay Ethiopia ayaa la isku seegay oo colaaddu ka bilabantay.

Raisalwasaraha dib u habeeyaha ah(Reformist) ayaa Qufulkaa kala tuuray oo la yimid siyaasad fur furan dhamaan Geeska Africa Gobolka geeska Africa oo caan ku ahaa dagaalada loo yaqaan (proxy war) ama dagaalada dowlado shisheeye ku dhex dagaalamaan ayaa hadda u muuqda inuu ka soo rayn doono haddii Siyaasadda Fur-furan sii socoto oo hogaamiyayaal kale ku daydaan.

Hore geeska Africa waxa caan u ahayd in la isku muquuniyo Cudud military ama dagaallo daba dheeraada oo aan maaro loo helin waayo waxa ceeb ka ah Afrika iyo geeska afrikaba in tanaasul la isu sameeyo (Compromise) ama nabad la raadiyo muranka Geeska Afrika ka taagani wuxuu u badan yahay Xuduudaha(Borders).

Haddii la rabo in Geeska Afrika nabad lagu caweeyo waa in hogaamiyaal badan ku daydaan Imka waxay Howli u taallaa Hogaamiyaha Maxamed C/laahi farmajo oo ka soo gega Airportka Hargeisa isagoo reer Somaliland u ogolaada aaya ka tashigooda arrintaas oo deganaanshaha Somalia iyo gobolkaba wax wayn ka tari lahayd.

Waxa kaloo soo if baxaya calaamado muujinaya in Dimoqraadiyad ka hirgelayso Geeska Africa ka dib markii dhowaan jeelasha laga sii daayay dad badan oo maxaabiis ah oo Siyaasad u xidhnaa waddanka Ethiopia waxana saamaxad u fidiyay Raiisal wasaraha Ethiopia.

Waxa kale oo loo ogolaan doonaa dho waan in xorriyadda hadalka wax laga beddelo oo badh ahaan la fasaxo.

Haddaba iyadoo hore u jirtay booqasho uu Somalia ku tagay Abiye Ahmed oo uu wax kaga beddelay Xidhiidhkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia muddo dheer oo Qarniyo ah ayaa waxa la eegi doonaa gobolka Geeska Africa siduu siyaasaddan cusub ula jaanqaado maaddaama Ethiopia ay tahay waddan wayn oo Saamayn ku leh dhamaan waddamada Geeska Africa.

Allaa mahad leh

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com