Ugaas Nuur Ugaas Rooble oo ka talin jiray Gobolka Awdal, ayaa qarnagii 19th tiriyay tixdan ku fadhida diplomaasiyada oo Reer Oodwayne ku dabaqeen Col. Muuse Biixi :
‘Allahayow nin ii daran ,maxaan daafta hore seexshay,
Naftu nimaanu doonayn, maxaan hadalka deeqsiiyey,
Ma degdego e xaajada, maxaan rag u dulqaad yeeshay,
Qosol debadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda,
Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu, degelka soo saaro,
Intiiyoon dawaarka u rogaan, xeeladda u daadsho
Isagoon dareen qabin, maxaaan kaga dayaansiiyey’
Col Muuse Biixi oo socod siyaasadeed ku maraayay qaar ka mid ah Goboladda Bariga Somaliland , ayaa ka maagay inuu booqasho ku tago Gobolka Daadmadheedh , asaga oo hore uga baqay inuu booqasho ku tago Gobolka Sanaag. Waxa arrinkaas ka biyo diiday Col Mohamed Kaahin oo ku tilmaamay inay dhabar jebin ku tahay Xisbigga Kulmiye , isla markaana aanay haboonayn inuu Musharaxa Madaxaweynaha uu ka baqo gobolo ka mid ah Somaliland. Markii lala tashaday Odayaal kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco, waxa laysla gartay in booqashada Oodwayne lala kaashado Marwo Shukri Xaaji Bandare, oo qadarin iyo xushmad wayn ku leh bulshada ku dhaqan Gobolka Daadmadheed. Sida la sheegay, Marwo Shukri Xaaji Banadre waxay Oodwayne ka fulisay dhawr mashruuc markii ay madaxa ka ahayd hay’ada “ Candle Light”, siiba mashruucyo khuseeya Haweenka iyo dhalaanka . Marwo Shukri arrinkaas way gashay, waxaany magaalada Oodwayne u hoyatay laba habeen “ 2 nights “ oo shirar kula gashay bulshada siiba Haweenka . Waxa kale oo ay toos ula shirtay Gudoomiyhaha Garabka haweenka ee Xisbigga WADDANI , Marwo Caasha Dheer. Nuxurka dooda ay soo bandhigtay Marwo Shugri Xaaji Bandare , waxay ahayd :
1).In Col Muuse Biixi iyo Wasiiro u hogaaminya ay booqasho ku iman doonaan Gobolka Daadmadheedh. Sidaa awgeed inay Reer Odwayne muujiyaan Ilbaxnimo & dimuqraadiyad oo ay soo dhaween Col.Muuse Biixi , sidii ay horeba ugu soo dhaweeyeen Gudd Cirro, Gudd Faysal, iyo Madaxwayne Siilaanyo.
2).Inay iska ilaaliyaan dhaqan-xumida siyaasadeed ee kab ku-salaanka iyo calan Ey ku xidhista.
- Inaanay soo dhawaynta Col Muuse iyo Wasiirada la socda ee Beesha kasoo jeeda, aanay waxba u dhimayn taageerada xisbigga WADDANI.
Bulshada Reer Oodwayne way aqbaleen soo-jeedinta Marwo Shukri Xaaji Bandare, waxaanay Col Muuse Biixi iyo waftigiisa kusoo dhaweeyeen Roog Cas , Mashxarad iyo sacab,waxaanay Col.Muuse dareensiiyeen diplomaasiyaddi Ugaas Nuur ee gabayga aan kor ku soo sheegnay.
Drs. Hoodo Yuusuf