Ribo Ribo Ribo (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waa kuwan ku wii wadaado ahaa ina dawakhiyay eh maxay la qaylinayaan dee arrin wayn baa dhacay eh bal aan eegno.

Horta wadanka intaas oo mashaakil ah ayaa ka taagan, waxaad arkaysaa dakadii wadnaha wadanka oo laysku haysto, saldhigan malatari ee dibad iyo gudoba laga qayliyay iyo hantidii umada oo si waali ah loo boobaayo, fusuqii oo xadhkaha goostay iwm.  Waxaas oo mashaakil ah maan arag iyaga oo sidaa isku xidhka ah uga qayliyay, mid mid wuu ka hadlay, laakiin sida ay ribada inoogu dawakhiyeen ugamay hadal, hadii ay arrin walba sidaa uga hadli lahaayeen waxanba may dheceen.

Tolow waa maxay hadaba waxan ka dhawaajiyay sidii oo qiyaamihii dhacaayo.

Nin dhalinyar ah ayaa yidhi waar abwaanadii barigii hore ina kiciyay waa kuwan intii badnayd nool eh iyo culimadu maxay uga hadli waayeen arrimahan, waa suaal lays waydiiyo.

Nimanka reer galbeedka ayaa markay dawlad ridayaan dacaayad ku fura illaa ay ka takhlusayaan, marka uu yimaad cid ay ka raali yihiin ka aamusa hadii wax walba uu samaynaayo sidii oo arimihii wadankaas oo dhan hagaagay.

Nimankaa abwaaniinta isku sheegayay ee barigii dadka kiciyay waa tabtaa reer galbeedka oo ahdaaftii la lahaa ayaa lagu gaadhay, imikana looma baahna.

Wadaado isku xidhan oo danta umada usoo jeedaana hadii ay jiri lahaayeen waxaas oo mashaakil ina haystaa may dhaceen, laakiin ma jiraan, ha ku lu guin, ceelna uma qodna cidina uma maqna umadan.

Hadaba anigu waxaan umalaynayaa kuwan ribada inagu wareeriyay, in ay kuwaa mashaakil ina haysta oo dhan abuuray, inay qaar si toos ah u soo istaadheen, qaarna si dadban oo ay babqaa yihiin u dhawaaqayaan, si ay inooga jeediyaan mashaakilada ina haysta ee dadku ku soo jeestay, sida dakadaa laysku haysto iyo saldhigaa malatari, waxan oo qaylo dhacaysaa waxa weeyi Baroortu orgiga ka wayn arintu ribada  kawayn.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com