Roobka’ Mayeedhaanka aan la cabno! Q.2aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

 

…Halkay waxkastaa ka xumaadeena, waa guryaheena,  oo saara sariflayaal hoos u dhigay, hidii iyo hoygii diimeed, ee aynu kusoo caana maalnay.

Taana waxa kasiidaran waayeel badan oo u dhaqma qaab aan haboonayn, dhibaato  kawayna  soo gaadhsiiyay dhawrsanaantii, iyo dhaqankii waayeelku ku suntanaa, kaalmo nolosha   saamayn  ku leh  sawir xun ka muujiyay,  uguna horayso qabyaalad, iyo qaybin qomiyada walaalo ah, iyo arrimo khuseeya xilgudasho la’aan maamul iyo mid dhaqaale, lana wadagaan, qayb ganacsatada kamida, oo noloshii ka dhigay in awooda wax iibsigu hawlgab noqoto sababo badan awgeed, waa in olole dib u curasho oo kacaan wanaajin umadeeda la qaadaa,

Kacaan kaasi oo ku waajahan isbadal qaab dhaqan, waana arrin fudud, haddii loo hagar baxo, dadkuna rabaan wanaaga, haddii umadu hesho mutadawiciin iskood isku xilqaama, dantoodana ka hor mariya ta umada, nidaamkana si hufan oo hawlkarnimo ah uga soo baxa,  iyagoo adeegsanaya  sharciga iyo nidaamka dawladnimo ee dadku ku midaysan yahay,  kana dheeraanaya feedho jeex siyaasadeed, kuna kooban hagaajin arrimo bulsho, taasina dawlada uun baa xaq u leh.

Miyiga ama tuulooyinka

Dhinaca miyiga sheekhbaa laga hayay sida “Abaarta waxaa kasoo horeeyay abaar diimeed”,  runtii hadaad marto miyiga,  cibraa kuu kordhysa, mar aan miyigeena meelo badan maray ilaa todobaadna u hoyday, aadna ugu dhawaaday, waxaa iisoo baxay, yaxyax nololeed, iyo doqoniimo tii ugu hoosaysay, waayo subaxdii 9:30 maqaaxiyuhu waxay u camiran yihiin sida xiliga qayilaada magaalooyinka loo camiro, hadda waa galin hore iyo barqo cusub oo deeq Rabbiya Swt, iyo wakhti shaqo.

takle salaada subax waxyar kadib, waxaad ku toosaysay baabuur guuxii, markaan eegayba, waaba laba xaajiyadood, oo Qaad ku raran, tuuladana cidi may toosinba, wuuna dhaafay si uu tuulooyinka kale u gaadhsiiyo, kadib markii baag laga soo tuuray, usoo kalahaadii baa  bilaabmatahay, in loo soo wada gaadho qaadkaasi, dhinaca cibaadada aadbay u liitaan, dadkaasina  waa dadkeenii oo badbaado diineed iyo gurmad u baahan, Rabbina ina fara gurmadkaasi” Waar dadkiina Naar uga diga”.

bulshadeenaa miyiga, baahidooda ugu waynina waa mid diineed. Iyagana waxaa la gudboon, in ay u naxaan naftooda,iyo qoyskooda, iyo degaankooda, dhibta wayn ka daayaan. Iyadoo ay jiraan dad miyiga ugu nool sida tujaarta dunida, oo beer roobaada ka dhigay goob yar oo cagaaran saxarena ku dhextaal, cagaarka iyo waxsoo saarkana gaadhsiiya magaalooyinka, markii ay gacmahooda miciinsadeen, waana in dadkeena tusnaa awooda,  Rabbi dhex dhigay nafahooda, balse dhamaanteen silsiladaan  isku jabinay,  qalbigana quful layidhaah haayad baan ku jabiyay, wax wadda qabsigii waxa kaliya ka  hadhay in la is aaso, u fiirso sida marka xabaalaha la qodayo xooga loo mideeyo, wax kayar 5 saacadoodna lagu qodo Xabaal barked leeg,

haddii maalinba nin la yidhaah, barkad aan u qodno, maalinta dambana beerta la beerno maalinba qof, guul intee leeg baa la gaadhi lahaa .

Culimadeena

Culimadu maanta waxay ku qormeen baal dahaba,  oo aad uqiimo badan, sida ay ugua soo baxeen hawshii samatabixinta bulshadeena, abaaruhu saameeyeen, taasi oo ahayd waajib saarnaa oo ay sidiisii u guteen, culimadu waa in ay xooga saaraan, dadkana baraan,  Aayada Quraankeena ku jirta “haddii dadka tuuladu  dagan, rumeyaan, baqdaana waxaan ufuraynaa barakooyinka samada iyo dhulka “

Labadan Arrimood hadii la helo.

  • Rumeeyaan Rabbi,Swt.
  • Kana Cabsadaan Rabbigood,Swt.

Labadaas marka la inaga helo, waxa xiga, in maraqa laga furo ,Barakooyinka samada iyo dhulka, Aa’yadaas oo sidaas macneheedu u dhawaa.

Balse  la ina barin , qaabka kale ee bulshooyinka dunidu ula tacaasho abaaraha, oo ah in aduun la uririyo lagaga,  baxo  dhibaatada,  taasi oo aynu tijaabinay in aynaan barkad biyo ah buuxin karin, balse la ina baro , qaabka rabbi naxariistiisa lagu soo jilaabo,  iyo  qaabka caadka ama gibilka dunuubta ah,  ee aan ku xidhay samada, oo u diiday in dhibic roobi dhulka soo gaadho looga qaado, si roobku usoo da’o, taasi ah toobad keen.

Indheer garadka

Waa in dadka hormoodk, Ganacsatada,Aqoonyahanka,Salaadiinta,Haldoorka Siyaasiinta, la yimaadaan hogaamin san,  hormood samaaneed, iyo asluub wacan leh oo lagu hirto, si bulshada inteeda kale ugu dayato, una hiigsato , waayo waa cida bulsahada qaybaheeda, a’bab’ka ahi, kuhamiyaa in mar uun noqdaan, qof mudan oo meqaam sare leh, meelna u buuxiya dadkiisa, oo aan qaabka hadda Muuq baahiyayaasha laga dheehdo ahayn, dhinaca kale arrimahan aan haboonayn waa in warbaahintu baahiteeda ka lahaadaan siyaasad cad in aan la baahin anshax xumo masuul. Waayo noloshu waa isku dayasho, taa xun bay barbaartu moodayaan qaab anshax oo lagu dhaqmi karo.

Waxa soo socota qaybtii 3aad.

Halkan hoose ka akhriso qormadii koowaad:

Roobka’ Mayeedhaanka aan la cabno! Q.1aad