Rooda Axmed: Beentu waa calaamadaha munaafaqa, oo hoygiisu yahay Naar (WQ: Farduus Cabdiraxmaan)

Salaan ka ib, waxaan aad ula yaabay muuqaal gabadh la yidhaahdo Rooda Axmed Yaasiin (sheegata xil aanay ummadda iyo xisbiga UCID u hayn) iyo dhallinyaro aan ismagacaabin oo isku dayayey in ay bulsho inteeda badan ka caqli iyo cilmi badan kaga dhaadhiciyaan eedo iyo been-abuurad ay doonayeen in ay ku dhaleeceeyaan masuul xil qaran oo culus u haya shacabka Somaliland, waa Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuna sheegayeen inay hayaan caddeymo tilmaamaya musuqmaasuq ay samaysay.

Illaahay waxuu Qurโ€™aanka inoogu sheegay aayad macnaheedu ahaa:

“Haddii faasiq war idiinla imaado, iska hubiya, intaadaan ka duldhicin dad aan waxba la socon.”

Macno balaadhan iyo digniin ayaa Illaahay ummadda Islaamka ugu bayaaminayaan aayadan, u baahan in qof walba si dhab ah isku dultaago, kuna camalfalo, erey kastoo ka soo gaadha qeyrkii, kuwa ku sifoobay beenta ama beenaalayaasha loo yaqaanana dhegba u dhigin hadalkooda.

Waxaan habeen dhoweyd daawaday muuqaal cinwaan looga dhigay, “warbixin laga diyaariyey oo caddeyn leh musuqmaasuq” laakiin, bilowgiiba ii muuqday in aanu islahayn caddeymaha ay sheegayeen in ay hayaan iyo muuqaalada ay soo bandhigayaan, haddanu ereyada anshaxa ka madhan ee hadaladooda aanay u haysan caddeymo iyagu, keliya waxa muuqda muuqaal aqal meel ku yaala, oo weliba xitaa aanu muuqaalkooda xaqiijinayn farsamo xumada loo duubayย  awgeed dhab ahaan siduu yahay, ama tafaasiil dheeraad ah. muuqaalka oo muddo dhowr iyo toban daqiiqadood socda ayaan wax ka duwan muuqaalkaa lagu arkayn, halka gebagebada gabadhan lagu magacaabo Rooda Axmed intay albaab meel ku yaala hor istaagtay, ku celinaysa hadaladii hore ugu jiray muuqaalkan malo-awaalka ah, kuna hanjabayso in ay hayaan caddeymo, soona bandhigi doonaan.

La yaab, ninbaa laga hayey nacasnimada, cimri-dheeraantu kaga darnaa, haatan waxaan leeyahay, aqoon darada, ku dhiiranaanta beenta ayey kaga dartay, haddaba, markuu sidaa noqday waxay la shir yimaadeen ayaan is-weydiiyey, tollow, ma jirto waxan ay sheegayeene, maxuu noqon karaa hadafkoodu? waxa maskaxdayda ku soo dhacday dhacdooyin hore oo gabadhani ka gashay shacabka Somaliland, balse aan si weyn loogula xisaabtamin? waxa ii soo baxday in Illaahay ummadda dib u xusuusinayey xumaanta ay hore u gashay Rooda, si loogula xisaabtamo.

Muddo aan wakhti badan ka soo wareegin waxa bulshada Somaliland guddo iyo dibedba la yaab ku noqotay maqalka hadal nin ka tirsan xildhibaanada Somaliland oo Siciid Cilmi Rooble la yidhaahdo, una muuqday in uu hormood ka ahaa shaqsiyaad ay u soo adeegsadeen cadow ka soo horjeeday hirgelinta heshiiskii balaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, burburintiisa kula hadlayey dad uu ku sheegay, “Beel-weynta Ciise-Muuse”, oo baraha bulshada ee lagu xidhiidho oo aqoon badan aanu u lahayn kaga hadlayey, fadeexadii ka raacdayna loo wada joogay, ayaa isagoo qiraya sheegay in uu uga mahadcelinayo walaal Rooda, in ay u fududeysay siduu hadaladiisii uu xumaanta iyo cadaawad ku kala dhex-dhigayey bulshada Somaliland in uu ka jeediyo, dhacdada dadku inta badan waxay ku dhaleeceeyeen Siciid Cilmi, balse dembiilaha koowaad ee mudnaa in uu ciqaabteeda maro waxay ahayd gabadhan sheegata xil aanay ummadda u hayn oo ah Guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Saaxil, oo sifo sharci ah Guddomiyaha xisbigu Eng Faysal Cali Waraabe kaga qaaday, kadib markii ay ka baydhay anshaxii iyo xeerarkii xisbiga.

Waxaan leeyahay, Roodaay,ย haddii xaqiiqada la doonayo Beenaal iyo tuug xaday hantidii shacabka Somaliland waa adiga, hadaanad u haysan ka been sheegida xil ummaddeed in uu dembi yahay, waa caqligaaga kooban.

Waxaan kaga baxayaa, Diinteenu waa u nasteexo cid walba, waxaan ku odhan lahaa Walaashayda Muslimada Illaahay uga tooban celi dunuubta aad shaqsiyaadka ummaddu u igmatay xilkooda ka geleyso, sidoo kale dadkaad ka been-abuuratay cafis weydiiso iyo guud ahaan Bulshada Somaliland, ilayn shaqsiyaadka aad aflagaadaynayso ummadda xilka u igmatee, hadii Illaahay ku garansiinayo, ilayn sidii macnaha xadiiskii Nebigeena Maxamed CSW ahaa:

โ€œCalaamadaha qofka munaafaqa oo hoygiisu yahay salka naarta Jahanama, waxa ka mid ah beenteee. Illaahay ha innaga badbaadiyee.โ€

Farduus Cabdiraxmaan- Magaalada Jiddah, ee Sacuudiga