Saadaal: Waa Kuma Murashaxa Guddoomiyaha Afraad ee KULMIYE Iyo Madaxweynaha Toddobaad Ee Somaliland! (WQ: Siciid Gahayr)

Saadaal: Waa Kuma Murashaxa Guddoomiyaha Afraad ee KULMIYE Iyo Madaxweynaha Toddobaad Ee Somaliland!

Maadaama oo KULMIYE yahay isbahaysi ay la beretemayaan laba xisbi oo ay hagaan siyaasiyiin isku deegaan ahi, qof kasta oo KULMIYE ka tartama waxa u muuqda inuu noqon karo Madaxweynaha Somaliland.

Xalay waxa uu siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi naadiyay in uu yahay murashaxa guddoomiyaha 3aad ee Xisbiga KULMIYE, haddii uu Eebbe xilkaas ku guuleeyo waxa suurtagal ah in uu noqdo Madaxweynaha Lixaad ee Somaliland

28kii Abril 219ka ayaan faafiyay qormo kooban oo ciwaankeedu yahay “Xil noocee ah ayuu Samaale ka hayaa KULMIYE?”. Qofba si ayuu uga warceliyay. Waxa aan leeyahay Cabdicasiis Maxamed Samaale waa masuul ku habboon Murashaxa Guddoomiyaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha Toddobaad ee Somaliland.

Mooyi in dabaysha siyaasadduna dhan kale isu rogi doonto. Adiga aragtidaada waa kuma qofka xilkaas ku habbooni?