Siyaasadda Haa-kaha Suganimo miyey soo dhamaatay? (WQ: Saleebaan Xaashi)

Siyaasadda Haa-kaha Suganimo miyey soo dhamaatay?

Xisbiga Kulmiye oo tan iyo markii lagu dhawaaqay 2002-dii, waxa lagu tilmaamayey inuu yahay Xisbi ay ku urursan yihiin siyaasiyiinta Baad-qabka ah ee Somaliland, ayaa weli waxa ka dhex doobyeya ragga hanka leh ee doonaya in ay hoggaamiyaan Xisbigaas.

Guddoomiyaha Imika ee Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa jid iyo halgan adag u soo maray sidii uu u noqon lahaa Guddoomiyaha Xisbiga, taas oo markii dambena u fududeysay inuu murrashax ka noqdo  aakhirkiina ku gaadhay halkii uu u socday ee ahayd hoggaaminta dalka.

Mar kale, Xisbiga Kulmiye waxa ku soo fool leh loollan adag oo ka dhex qarax Xubno damac leh oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Arrimaha Guddaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Maxamed Kaahin:  Siyaasi isu arka in la joogo wakhtigiisii.

Maxamed Kaahin oo inta badan wakhtigiisii siyaasadda ku soo qaatay inuu soo dhiso oo garab istaago siyaasiyiin kala duwan oo damac lahaa 25-kii sanno ee u dambeeyey, ayaa isu arka in ay tahay markiisii la badhi taari lahaa, madaama oo uu abaal badan soo gashaday siyaasiyiin ay ugu horreeyaan Madaxweynaha imika Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo.

Maxamed Kaahin, wuxuu u arkayey 7 sanno ee uu xilka hayey Axmed Siillaanyo, in dhaqankii siyaasaddeed ee deegaanka oo ka soo jeedo uu isbeddelay, madaama oo siyaasiyiin cusub oo damacoodu dheerayo saaxaddii ku soo biireen, sida Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexaan, isla markaana siyaasaddii isku daba falka ahayd ee uu isagu ku soo jiray dhawr labaatankii sanno ee u dambeeyey meesha ay ka sii baxayso, madaama oo uu isagu siyaasadda Ixtiraamka iyo haa-kah suganimada uu muddo dheer soo waday.

Mudane Kaahin ayaa aamisan in uu hankiisa u liqsanaa sidii uu kursiga kula tuntuunsan lahaa labada Siyaasi ee Axmed Siillaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaas oo midkooda hore ku guuleystay dhisidii uu soo dhisay  muddada dheer.

Maxamed Kaahin ayaa aaminsanaantii siyaasaddeed ahayd inuu ahaa haaka sugaha ugu haboon ee deegaanka uu ka soo jeedo, waxa soo wajahaya loollan la jaanqaadaya wakhtigan waxyaabo badan isbeddeleen, isaga oo loollan kala kulmi doona Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan oo mid kasta damaciisa sidii uu u meel marin lahaa ku fikiraya.

Maxamuud Xaashi, oo ah siyaasi muddo ku soo dhex jiray Siyaasadda, ayaa ciyaaraya dhawr kaadh oo uu ku doonayo inuu hankiisa kaga midho dhaliyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Maxamed Kaahin soo qaatay wakhtigiisii iyo deegaan ahaan marka la leego in la gaadhay wakhtigii, isaga la dhisi lahaa.

 

Saleban Xaashi