Wadamadda qaaradda Africa kuma taagna qoton dhaqaale oo adag, waxa ayna wajahaan dhaqaale burbur markasta oo xaalad cakiran oo dhaqaale dunida ka dhacdo. Wadamadda adduunka waxaa ka dhexeeya oo isku xidha dhaqaalahooda ganacsi wadhoofinta iyo soodejinta, adeega macaamiisha, maalgashiga, socodka lacagta, dadka iyo macluumaadka. Sanadkan 2020 Afrika waxa ay wajahaysaa hoos u dhac dhaqaale Covid 19 dartiis.
Warbixin sanadle ah oo Bangiga Hormarinta Afrika daabaco sanad walba ayaa koboca dhaqaalaha Afrika 2020 lagu sheegay in uu kor u kici doono 3.9%, halka 2019 uu ahaa 3.4% iyada oo sanadka 2021 la rajaynayo +4.1%. Koboca dhaqaalaha 2020 waxa saacidaya ayaa lagu yidhi beeraha, waxsoosaarka warshadaha, iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha (tamarta, biyaha, jidadka,isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada internet-ka).
2019 halbeega waxsoosaarka GDP-ga iyo celceliska koboca dhaqaalaha โaverage economic growthโ wadamadda Afrika waxa ugu fiicnaa Nigeria $397.4B, South Africa $ 376.8B, Masar $294.4B, Algeria $188.9B, iyo Morocco $118.1B, waana shanta waddan ee uu xooga u saameeyay qaaradda COVID 19. Shantaa waddan wadarta guud ee waxsoosaarka qaaradda waa 60% of GDP.
Midowga Afrika AU ayaa soosaaray warbixin uu ciwaan uga dhigay Saamaynta Covid 19 Dhaqaalaha Afrika โImpact of the corona virus on the African economyโ.ย Ilaha saamaynta dhibato dhaqaale ee warbixinta lagu xusay waxa ka mida dalxiiska โtourismโ, waxdhoofinta โexportsโ, dakhliga maaliyada โfiscal revenueโ, wareega lacagta โcurrency circulationโ, maalgalinta tooska ah ee dibada โFDIโ, saamiyadda maalgalinta โportfolio investmentโ, qiimaha badeecadaha โcommodity priceโ, xawaaladaha โremitanceโ, duulimaadyada โaviationโ, saliida qaydhiin โcrude oilโ, shaqada iyo adeega.
Dalxiisku waa waax muhiim u ah dhaqaalaha Afrika warbixinta sida lagu dhex sheegay iyada oo haโayadaha WTTC iyo IATA laga soo xiganayo warbixinihii ay daabaceen, qaaradda Afrika dalxiisayaasha u soo safray ayaa 2019 dhanaa 70 milyan oo qof, dalxiisayaasha oo GDP-ga ka noqonaya 8.5% oo u dhiganta in laga helay dakhli dhan $194 Billion. Afrika waa qaarada labaad ee dunida ugu korodhka badan dalxiisayaasha ilaa 5.6% 2018, marka la barbar dhigo xadiga celceliska guud 3.9%. Guud ahaan dhaqaalaha dalxiiska dunida ayaa hoos u dhacay $300 ilaa $450 Billion marka la barbar dhigo 2019-kii oo ay soo xorootay $1.5 Trillion (Global Tourism GDP). Meelaha ugu horeeya dalxiisak Afrika waa Morroca 2019 ilaa 11 Million oo dalxiisayaala โtouristโ ayaa yimid, Masar 11.35 million oo ruux, South Africa 10.05 million, Tunisia 8.3 million, iyo Zimbabwe 2.5 million. Korodhka dalxiisayaasha โtourism growth โAfrika ee sanadka waxa lagu qiyaasay 3% ilaa 5%.
05, March, 2020 haโayadda IATA waxa ay sheegtay in Covid 19 carqaladayn doono shirkadaha duulimaadyadda. Diyaaradaha ayaa soo saaray dhaqaale dhan $830 Billion sanadkii 2019-ka iyadoo la filayay in uu $872 Billion sanadkan, warbixintu waxa ay tilmaamaysaa in la waayi doono aduun $113 Billion, maadaama waddamo badan joojiyeen duulimaadyadii caalamiga ahaa โinternational flightsโ, duulimaadyadii gudaha qaarada โintra-Africa flightsโ iyo kuwii maxaliga dalalka ahaaย tusaale Shirkada duulimaadyada Ethiapian Airline waxa la tilmaamayaa khasaare $190 Million ah inay wajihi doonto 2020.
Hoos u dhaca dhoofinta saliida qaydhiin โexports crude oilโ iyo yaraynta dalabka alaabta dhismaha โreduction demand constructionโ ayaa culays dhaqaale oo toosa ku keenaya waddamada qaaradda ee dhoofiya saliida qaydhin. Sicirka saliida qaydhiin ayaa hoos u dhacay 30% ilaa uu gaadhay $31 dollar halkii foosto โbarrelโ. Hayโadda ย ย ย ย ย ย ย Caalamiga ah ee Tamarta ayaa rajaysay in baahida saliida ay gaadhi doonto 99.9 milyan foosto maalintii sanadkan 2020, taas oo hoos u dhigaysa dhimista ku dhawaad 1.5 million oo foosto maalintii.ย Labada waddan ee Angola iyo Nigeria oo ah labada ugu balaadhan soosaarayaasha saliida โlargest producers of oilโ waxa ay wajahayaan hoos u dhac dhan $65 billion. Koonfur Afrika macdanta ay u dhoofiso suuqyadda caalamka gaar ahaa Shiinaha 2019 waxa ay ka heshay aduun dhan $405 Million.
Ganacsiga aduunka waxa qaada 35% diyaaradaha, 47% maraakiibta, 17% gawaadhida xamuulka. Sida haโayada UNTACD daabacday 2015-2020 wadarta celcelis ganacsi โcontinent average tradeโ qaarada ayaa ahayd $760 Billion sanadkiiba oo u taagan 29% of GDP. Ganacsiga qaaradda iskaga kala dhex gudba โintra-african tradeโ ayaa lagu sheegay boqolkiiba 17% kaliyaata inuu ka yahay ganacsiga guud โglobal tradeโ. Warshadaha Africa waxa ay ku tiirsan yihiin Shiinaha iyo wadamadda kale ee dibada. Afrika meelaha ay wax u dhoofiso waxaa ka mid ah; Shiinaha 34%, India 14%, Yurub 14% Maraykanka 9% iyo qaarada dhexdeeda
Marka u dhaco hoos u dhac dhaqaale โeconomic recessionโ waxa u fure u yahay hoos u dhac ganacsi โdecline tradeโ hoos u dhac ganacsi hadii uu yimaadana waxaa bata xadiga shaqoโaanta โincreas of rate unemploymentโ. Intaniba iyadda oo hadda aduunyada iyo qaaradda ka aloosan tahay ayuu Covid 19 camal tiri doonaa 25 Million oo ruux/qof, 76.6% waa waddamada saxaraha ka hooseeya โSSAโ.
Xawaaladuhu waa ilaha dhaqaale ee ugu muhimsan qaaradda, gaar ahaan Masar 2018 dakhliga ay ka heshay waxa uu gaadhay $25.5 Billion, marka la barbar dhigo 2017 oo ahaa raasamaal dhan $24.7 Billion. Nigeria xawaalahada 2018 waxa ay ka heshay dakhli $25.08 Billion.
Tixraac
Halkan guji oo ka akhriso macuumaadka saamaynta dhaqaale ee covid 19 ay Midowga Africa daabacday
WQ: Bashir Maxamed Bashir