Saaxiib (WQ: Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”)

Ma ogi inaad saaxiib leedahay iyo in kale. Haddii aad leedahayna ma garanayo xaggaaga halkuu ka taagan yahay, haddii aanad lahayna ma qiyaasi karo baahida aad u qabtaa inta ay leegtahay.

Saaxiibkay meel kumaanaan wada korin, abtirsiimo nama mataanayn, isku mihnad ma nihin, haddana waxan ka midaysanahay ayaa ka mug weyn waxa aan ku kala duwanahay. Waa ruux ku sidkan ruuxdayda, waana raad ka muuqda noloshayda.

Ma garanayo goortaan ku heshiinay in aanu saaxiibo noqono. Sidoo kale, qummaati uma sixi karo halka aan ku qoranay qodobada qawaaniinta u ah xidhiidhkayaga, haddana maalinba maalinta ka dambaysa dabarka isu kaaya hayaa waa sii xoogaysanayaa. Waan is xeerinaa waanan is xaal ognahay. Isma xaasidno ismana xamano. Wuu ila damqadaa waanu ii damqadaa.

Marka dhibaato igu dhacdo waa qofka ugu horreeya ee ii yimaadda, marka aan dheef helana waa qofka ugu horreeya ee aan ula tago. Dhalliishayda iima qariyo aniguna kuma dhibsado, waayo waa muraayadda aan ka dhex arko ceebaalkayga.

Waxa ugu badan ee uu igala hadlaa waa noloshayda. Duruuftaydu waa tiisa dantiisuna waa tayda. Weligay sir aan ku aaminay suuqa kama maqlin, meel aan ku sigtayna iguma sii deyn. Marka aan saxanahay wuu ila socdaa markaan qaldanahayna waa seetada i qabata. Ma nihin laba qof oo wada socda haddana kala socda.

WQ: Abwaan Weedhsame