Sababta dhabta ah ee ka danbaysa isku dayga xayiraada hawada ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda Farmaajo (WQ: Mustafe M. Qodax)

Sababta dhabta ah ee ka danbaysa isku dayga xayiraada hawada ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda Farmaajo

WQ: Mustafe M. Qodax

* ma lexejeclo ay dadka soomaliyeed u qabtaa?

Jawaabta su’aashani waxay kusoo ururaysaa; hadday soomaaliya tahay Jasiirad kaliya dhinaca cirka laga soo gali karo, N&N qiilbaan u hayaa ay ku marmarsoon karaan ujeedada ay doonaan haka lahaadaane.

 

Hadday xukuumada federaalka ee soomaaliya xukunto dhammaan xuduudka bad iyo barri ee dhulka ay ku andacoonayso iyadana qiilbaan u hayaa ay ugu dhuuman karaan cidda ay ujeeddo ka leeyihiin, indhaw garadkuna iska rumaysto.

 

Hadday dhibaatada haysata dadka ku dhaqan gobolka banaadir ay maalin qudha si daacad ah uga hadli lahaayeen una muujin lahaayeen inay ka xunyihiin xaalada ay ku noolyihiin iyo umusha ku dhiig baxda waddooyinka xidhan ee xamar kadib marka lawaayo meel custbitaal loo mariyo iyadana qiilbaan u baadhi lahaa, haba igaga hor yimaadaan dad badaniye.

Sidaa daraadeed caqligaygu wuxuu isiinayaa inaanay tallaabadani ahayn mid loogu danaynayo ummadda soomaaliyeed.

 

Arimahaa aan kor kusoo sheegay oo dhammi waxay muujinayaan inaanay dawlada federaalka ee somaliya awood u lahayn inay xakamayso soo galintaanka soomaaliya hadday tahay muwaadin iyo ajinebi midna,tusaale ahaan; diyaaradaha Ethiopian airline maalintii waxay hargeysa ku tagi jireen laba duulimaad oo lagu qiyaaso inay qaadaan Qadar ahaan ilaa 200 oo qof, halka xuduudka wajaale ay maalintii isaga gudbaan dad lagu qiyaaso 3000 ilaa 4000 kun oo qof taas oo aad uga badan inta diyaarad ku timaada hargeysa maalin walba, mana aha wajaale meesha kaliya ee laysaga gudbo ee waxan usoo qaatay tusaale.

 

Markaad isugayso dadka diyaaradaha kusoo gala maalin kasta Garoowe, Hargaysa iyo  Xamar waxa ka badan dadka kasoo gudba xuduudka barta koontarool ee wajaale oo kaliya, marka xaal sidaa yahay xukuumada Federaalka ma waxa la gudboonaa tallaabadan ay qaaday ee ay tidhi hawadaanu ku xidhnay mise, waxa la gudboonaa inay sameeyaan qiimayn ku qotonta xaqiiqada xanuunka Covid 19 iyo sida ay wax uga qaban karto oo run ah dadkuna ku qancaan waxa dawladoodu samaynaysaa haba iska yaraadee inuu yahay wixii saxda ahaa ee ay qaban  karaysay xanuunkana wax ka taraya.

Dawladaha adduunka ee xaaladan emergency ga ah la tacaalayaa waxay xidheen xadka dhulka iyo kan badda oo leh halis ka badan kan cirka.

 

Way ka dhacdaa adduunka in laysugu hoos dhuunta xaaladaha emergency ga ah sida tan maanta adduunka ka taagan oo kale, oo dawladaha colka ahi isaga faa’iidaystaan god daloolooyinka siyaasadeed iyo fursada dagaal ee midkasta ugu jirta xaalada. Waxanse hubaa inaanu Caqli wanaag iyo isu soo dhawaanshaha ummadda soomaaiyeed ka fikirayaa waxan oo kale sameeyeen.

Ujeedada xayiraada ay soomaliya ku dhawaaqday kaliya waa mid ku qotonta Cadaawad iyo dagaal ay kula jirto dadka reer Somaliland waana wax lagu yaqaanay intii farmaajo madaxweynaha noqday. Ma dawlada hargeysa korkeeda ka celisay diyaarad 3 saacadood soo socotay ayaa iga dhaadhicin karta maanta, dadkayaga ayaanu u tudhaynaayoo 2 maalmood baanu u furnay hawada, kuwa fly dubai saarnaa toloow ma hindi bay ahaayeen, ee halista la galiyey noloshooda.

Soo jeedin: anigoo marwalba quudaraynaya inaan helo wax soomaaliyi wada leedahay, hadana waxan kula talin lahaa madaxda somaliland inay meel iska dhigaan wadahadal ay la galaan dawlad Federaalka soomaliya inta Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo.

 

Wa billaahi tawfiiq