Safarkaygii u horreeyey ee Landhan ,Qaybtii 1aad…(Axmed-kayse Cali Roobl)

Waxay ahayd wakhti dayr ah oo lagu sii dhawaanayo gu´ga. Cimilada Ingiriisku waa mid ka duwan dalalka Yurubta waqooyi. Jawigu wuxu ahaa mid dabaylo iyo roob isugu jira, qabowgu´se ma badnayn marka loo eego dalkii aan ka imi.

Subax arbaco ah ayaan ka soo degey gagida dayaaradaha ee Hitrow oo dhacda galbeedka magaalada. Si quman ayey diyaaradii ugu xidhatay halkii loogu talogalay, si tartiib ah ayaan uga soo dhaadhacnay. Waxaan saf u galnay bartii baasaboorada lagu hubinayey. Dadka qaar waxay marayaan barta ciidanka socdaalku fadhiyaan, anigu´se waxaan maray barta mishiinka oo runtii ka dhakhso badan barta kale.

Muddo kaddib, waxaan qaatay shandadaydii, waxaanan ka baxay irridda. Goobta laga raaco tagaasida iyo basaska ayaan istaagay. Waxaan qaatay tagsiga ay Landhan caanka ku tahay ee loo yaqaan Tagsiga Madow.

Jidadka Landhan oo inta badan ah kuwo saxmad badan, waxay igu qaadatay wakhti in aan gaadho huteelkaygii. Ugu dambeyn, waxaan gaadhay huteelkii aan degeyey oo ku yaala badhtamaha magaalada.

Kaddib markii la hubiyey balantaydii, waxa la i siiyey furihii qolkayga oo ku yaala dabaqa lixaad. Waxaan qaatay wiishka, waxaanan galay qolkaygii.

Muddo kaddib, waxaan u soo baxay qaybta lagu qaxweeyo ee huteelka oo dad badan oo kala duwan ay fadhiyaan. Kafee ayaan dalbaday, waxaanan la hadlay Jakob oo aan u sheegay in aan nabad imi oo aan hadda joogo huteelka. Ujeedka safarkan ayaa ahaa mid shaqo, waxaan balan la lahaa madaxdka shirkadda XoB oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn qaaradda Yurub.

 

Jakob wuxu ii soo diray ciwaanka xafiiskooda, wuxuuna ii sheegay in aan halkaa isugu nimaadno. Dabcan, xarrunta shirkaddu kama dheera halka uu huteelkaygu ku yaalo. Waxaan la soo baxay maabka si aan ugu lugeeyo oo aan mijo-baxsi ugu dhigto intaa, maadaama oo aan wakhti diyaarad soo saarnaa. Wuxu maabku ii sheegay in wakhti laba iyo toban daqiiqo ah aan u lugeyn karo goobta, waxaan´se arkay aniga oo socda muddo shan iyo labaatan daqiiqo ah, walina aan goobtii gaadhin! Sidee wax noqdeen?

 

La soco qaybta labaad

 

Qore :Axmed-kayse Cali Rooble

Bandhige@gmail.com