Safarkii la rumaysan waayay ee dayaxa lagu tagay Q.2aad (WQ: Rashiid Odowaa)

Qaybtii hore waxay inoogu joogtay iyadoo ay labadii nine e Neil Armstrong iyo Buzz aldrin ay dayaxa guudkiisa ku daadegeen,isla markaana ay Calanka waddankooda maraykanka ay ka dul taageen dayaxa dushiisa,waxa isagu aan dayaxa ku deign oo qayb kaloo dayaxgacmedka ka mid ah watta Michael Collin oo isaga shaqadiisu tahay markay labadan nin ay soo dhamaystaan shaqadooda inay yaxgacmeedkooda soo kaxaystaan meel dhexe ugu yimaadaan,ka dibna labada qaybood isku xidhmayaan sidaasn ay ku soo guryo noqon doonaan.

Haddaba Safarku  wuxu qaattay 83 saac iyo badh, 21 saacadood iyo 39 miridh waxay ku sugnayeen dayaxa oogadiisa 4 saacadood in ku dhow ayay dul lugaynayeen dayaxa,sida ay soo tabiyeen sadexdan cir mareen dayaxu ma laha haba yaraatee wax cimilo ah,hawo,roob dabayl duufaan,dur-dur midna ma laha lkn Kulayl iyo qabow haa. dhinaca ay cadeedu haysaa maalintiisu waa 13.5 maalmood, heerkulku wuxu gaadhaa (127 C) dhinaca cadceedu ka qarsoontahay habenkiisu waa 13.5 qabowguna wuxu hoos u dhacaa (-173 C ) halkaas waxa aad ka garan kartaa kulaylka iyo qabowguba inay aad u adagyihiin hase ahaatee waxa xusid mudan cir mareenadan waxay ku suganyihiin meesha ay iska galaan kulaylka iyo qabowgu,dharka iyo qalabka ay sittaan ayaa ah mid loogu talo galay marka loo eego xaaladda dayaxa oogadiisa ka jirta,waxay sheegeen inay tahay meel midabka caddanka ahi ku cawarayo,indhaha aan lagu hayn Karin meelo badan oo qarfo,buuro iyo laago u eg ay jiraan.mudada ay dayaxa  joogeen waxay jawaan ka soo buuxiyeen 75kg oo dhagxaan iyo ciid ah,in kastoo markii la shaybaadhay aan waxba laga helin.

Sida dad badani ay u haystaan maha,xogta ay soo gudbiyeen Cirmareenadan in Dayaxu aanu fogayn  marka loo eego meerayaahs kale,oo fogaantiisu waxay noqonaysaa  marka lagu eego physics  Fogaantu=xawaaraha X amminta (S=V x T) markaas haddii xawaraha dayax gacmedku ahaa 4600 km per hour wakhtiga ay ku qaadatay inuu dayaxa tago ay ahayd 83.5 sidaas darteed  haddii 4600kmX 83.5=384.100km keliya ayuu dhulkeenna u jiraa waa sida ay yidhahdeene,taas macneheedu wuxu noqonayaa ayay leeyihiin haddii 30 dhul oo keennan aynu ku noolnahay la isa saaro masaafada inoo dhaxaysa Dayaxa ayay buuxin karaan.

Markay sahankoodii dhamaysteen,waxay ku soo noqdeen dayaxgacmedkoodii way soo duuleen,markaas waa Neil Armstrong iyo Buzz aldrin,markay dayaxa ka soo fogaden waxay isku soo xidhmeen dayax gacmeedka qaybtiisi kale ee hogaamin lahayd (Command Module) ee uu waday Michael Collin sidas ayay labadii qaybood ee dayax gacmeedku ka koobnaa ee kolkii hore kala qaybsamay ay imika mar kale u midoobeen waxa loo soo duulay xagga dhulka,way soo socdeen atmosphere ka dhulku leeyahay markay soo galeen, waxa uu dayax gacmeedkii isu diyaariyay qaabkii uu dhulka ku gaadhi lahaa,waxa ka hadhay qayb,qayb sida aqalka u samaysan ama sadex geesle ayaa soo hadhay oo ay fuushanyihiin sadexdii Cir mareen  sidaas ayuu baarashuutkii ugu furmay waxay dul fadhiisteen xeebta badda Atlantik oo aan aad uga fogayn halkii laga diray,gurmadkii ayaa diyaar u ahaa markiiba diyaaradihii helicopterka ayaa ayaa soo caawiyay oo soo guray Waxa lagu qaabilay soo dhowayn iyo farxad ayaa lagu soo galbiyay nimankaas Cir maaxayaasha ah waxa loo aqoonsaday Geesiyaal Qaran.

Sadexdaas Cir mareen waxa dalxiis  loo soo mariyay 24 waddan oo caalamka ah,iyo 27 magaalo si loogu qanciyo loona tuso inay yihiin nimankii dayaxa safarka ku tagay ee ka soo noqday.

Markaas ka dib dayax gacmeedyo kale ayaa tagay Dayaxa  oo 5 ah marka laga bilaabo kan koowaad oo ahaa Apollo 11,12,13,14,15,16 iyo 17  lixdas oo loogu magac daray “Apollo program” dhaman waxay ku degeen Dayaxa guudkiisa,mid kastaa marka uu ku dego waxa uu ka taagayay Calanka Maraykanka, calamad laga taagay waxay isku noqonayaan (6 calan ) illaa laga soo gaadhay 1972kii,hase ahaatee Sahamintaasi way iska joogsatay halkaas ayay ku soo gabagabowday maadama ay iska yaraatay rajada ah in Dayaxa nolol laga helo ama shidaal iyo macdan ,Waxa xusid mudan inta qof ee dayaxa duhsiisa cagaha dhigtay waa 12 qof sida ay sheegeen sadex ayaa imika nool 1-david Schot 2-charlie duke iyo 3-Harrison Schmitt.

Waxa kaloo xusid mudan,waxay ku doodayaan ama ay sheegayaan in Calamadii aanay wali is bedelin ee ay ka taaganyihiin,sidaas waxa caddaynaya ayay yidhahdeen Sawirro ay dayax gacmeedyadu soo qaadeen,

Inagu muslim ahaan Faa’iidada dayaxa ilahay inoogu daray waynu haynaa oo waynu iftiinsannaa,ilahay (SWT) wuxu quraanka ku sheegay in Dayaxa inaga la inoo Sameeyay si aynu ugu tirsanno Wakhtiga bilaha iyo Sanadka,la inama odhan shidaal iyo dahab ka soo baadha,hase ahaattee in cilmiga la raacaa waa muhiim.

 

 

MAXAA LAGA SOO FAAIIDAY DAYAXA

1-In kastoo aan laga helin shidaal iyo macdan kale toona,haddana waxay ku doodayaan inay gaadheen markii ugu horraysay meel aan ibnu aadam gaadhin sidaas darteed faan iyo magac noogu filan ayay leeyihin nimankaas reer maraykan

2-Waxa lagu dhiirraday in cilmi baadhis kale oo dheerad ah lagu tagi karo meerayaasha Fog ee Balayin  km jira.si loo daah furo ama Koonka wax looga ogaado.

4-Waddanka maraykanku wuxuu noqday meel hogaamisa caalamka Research ka iyo cilmi baadhistaba,waxanu noqday meel ay u soo hilloobaan dadka aqoonta lihi taas oo ay faaiido badan iyo horumar ka heleen dad aqoonta leh ee u soo haajiraya,waxana ay taasi u saamaxday inay xidhiidhka caalamka ay hoggaanka u hayaan,xag dhaqaale iyo Horumarba.

Dhammaad.

Rashiid Odowaa