Milicsiga Sannad Guurada 59aad ee Xornimada Somaliland iyo Geeraarkii Timacadde (WQ: Cabdillaahi Xasan “Plastaro”)

Saqbadhkii lix iyo labaatankii Juun 1960, 59 sano ka hor maanta,  Somaliland waxay heshay madaxbannaani iyada oo noqotay dowladdii Soomaaliyeed ee ugu horraysay ee casrigan. Waxaa meesha ka baxay xukunkii guumaysiga oo muddada 80 sano ah ka talinayay dhulka Soomaaliyeed ee u dhaxeeya Laasqoray iyo Lawyocaddo.

 

Dareen weyn oo damaashaad iyo raynrayn ah ayaa habeenkaasi u lahaa dadkii joogay. Wax badan ayaa isbedelay. Waah cusub ayaa bilaamay. Waxaa soo afjarmay kudhawaad qarni talada ummadani ay gacantooda ka maqnayd. Yididiilo weyn ayaa jirtay. Waxay dadku ku rajoweynaayeen inay maalaan Maandeeq oo ku xalliyaan dhibaatooyinkii haystay oo dhan.

 

Konton iyo sagaal sannadood kadib, maanta Hargeysa kama dareemi kartid xuska maalintan. Marka laga reebo xaflad madaxtooyada loo soo xidhdhay oo siyaasiyiintu isku keli yeeleen, ma jirto cid hadal haysa 26ka June, iska daa damaashaad iyo dabbaal deg in loo sameeyo’e.

 

Haddana ma jirto maalin aynu uga baahi badannahay inay dib u milicsanno dharaartaas uu Suldaan Timacadde sheegay inay Somaliland kala guureen saaxirkii. Maanta oo rajadii iyo yididiiladii dadweynuhu ay aad u liidato, waxaynu u baahanay inay ka dhimbiil qaadano dareenkii hanka weynaa ee aabbayaasheen/awooyaasheen iyagoo inaga tamar yaraa haddana hiigsigoodu ahaa xoraynta Afrika oo dhan.

 

Maanta oo dadkeennu u kala qaybsan yihiin reero iyo jufooyin, aagag iyo gobollo waxaynu u irkan karnaa dareenkii walaaltinimo ee maalintaas taagnaa.

 

Iyada oo dadkeenni ku kula aragti duwan yihiin waxa Somaliland tahay iyo milgaha qaranimada, la sii illaawayana qiimaha midnimada iyo dowladnimada ayaynu u baahannahay xuska 26 June iyo dareenkeedi.

 

Konton iyo sagaal sano muddo dheer maaha marka la eegayo taariikhda umadaha, balse waa wakhti badan marka la eegayo xasuusta gaaban ee shakhsiga. Gaar ahaan haddii laga hadlayo dareenka gedgeddoonka badan ee bulshada. Kusii dar in taariikhda maalintan weyn ay shiikhiyeen arrimo taariikhi ah sida ku hungowgii reer Soomaalilaan ee midowgii ay ka dhalatay dowladdii Soomaaliyeed iyo weliba hagardaamooyinkii kasoo gaadhay umaddan halgankii labaad ee dib u xoraynta.

 

Si kasta ha u adkaato’e, haddana maanta kama maaranno dareenkaas inaynu dib u helno si aynu uga dhinbiil qaadanno hagitaanka qarankeenan habowsan. Su’aasshu balse waa sidee baynu dareen waxaas oo dhan kasoo wareegeen dib ugu heli karnaa? Dhimbiishaas bastay sidaynu u hurin karnaa si aynu uga dab qaadanno?

 

 

 

 

Jawaabtu waxay ku jirtaa ayaan filayaa suugaantii habeenkaas la tiriyay. Abwaanka ayaa malaha dadka ugu xariifsan cabbirista dareenka ka dhex guuxaya laabahooda. Rag badan ayaa u banbaxay habeenkaas inay tilmaamaan oo ereyo kusoo gudbiyaan dareennadaas isku dhafan ee bulshada. Midba dhinac ayuu kaga dhuftay; tog welibana taagtiis ayuu rogmaday.

 

Haddana gaafkaas haddii la xuso waxaa la xasuustaa geeraarkii Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Sababtu malaha waa in uu sidii agab sawir ka qaadda quluubta insaanka, in uu ku guulaystay inuu qabto hummaaga dareennadii dadka ee habeenkaas; In uu hal geeraar ku soo wada gudbiyay dareenno isku dhafan oo qaar tagtadii la xidhiidhaan, kuwona goobtaas la joogo ku saabsan yihiin, kuwo kalena mustaqbalka iyo guusha loo dabbaaldegayo midhaha laga goosan doono.

 

Cabdillaahi Suldaan Timacadda codkiisa facyada isaga gudbayay ayaan haddaba saaka dib ugu noqonaya bal inaan fahan ka qaato waxay 26 ka June uga dhignayd iyo dareenkiisi habeenkaas.

 

Cabdillaahi Suldaan Timacadde marka koowaad waxa uu hoosta ka xarriiqayaa weynida maalintaas iyo inay tahay markii koowaad ee dad Soomaaliyeed ay hantaan dowlad casri ah. Waxa uu tilmaamayaa dareenkiisu halka uu gaadhsiisan yahay iyo inuu farxadda kaga kaaftoomi karo cuntada iyo cabbitaankaba.

Soomaaloo calan taagta

Saakaa inoogu horaysoo

Iinsiga inaad tihiiniyo

Inkalaana saxaynine

Sadex wiik iyo maalmo

Hadaan soor cuni waayo

Safrad laygama yaabo

Sari mayso naftayda e

Saaxirkii Kala guurnaye

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar..

Waa maxay waxaas oo farxad ahi Cabdillaahiyow? Waxaanu gaadhnay ayuu leeyhay yool nagu qaali ahaa oo 80 sannadood aanu raadinaynay. Baadidii aan ku raad joognay tobannaan sano ayaa aanu helnay. Waxay nooga dhigan tahay roob naga maydhay habaaskii jidkaas dheer ee aan u soo marnay baadigoobka gobanimada.  Waxay noogu astaysantahay gebagabadii habeenkii gudcurka ahaa ee dheeraa ee aanu dhex dayaansanayn.  Waa waah cusub oo noo beriistay iyo taariikh cusub oo bilaabmaysa. Waxa uu tilmaamayaa rajadiisa ah in dowladnimadu dawo u noqoto hagardaamooyinkii soo gaadhay umadda ee lahaa dib u dhac, saboolnimo, gaajo, kala daadsanaan iyo tamar darro.

Ka’ sideetan Sabaano

Calankaanu sugaynay

een sahankiisa ahaynow

Sermawaydo hilaacdayoo

sagal maanta daroorayoo

siigadii naga maydhayoo

Saqdhaxaanu ahayne

kii soosaaray cadceedow

samada ki u eekaayee

Xidig-gam isa siiyayow

Sareeyow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego ee

Kaana siib Kanna Saar

Calakan la taagayaa waa himiladii bulshada oo dhan. Awliyayadu waa kii ay saadaalinayeen. Carruurtu waa kii ay ku riyoonaysay. Haweenku waa kii ay carruurta ku ababin jireen in la baadigoobo. Waa guul umadda qaybaheeda oo dhami sugaysay. Waa gallad Eebbe na siiyay oo aanay cid kale noogu manno sheegan karin. 59 sano kadib, Timacadade AHUN hadduu maqli lahaa Ingiriis ayaa xornimada na siiyay muxuu odhan lahaa tolow?

Saalixiinta Islaamko

Sirta kay ku arkeenoow

Saahidiinta quraanka

Subcisaa jimcayaashiyo

Sibhantiyo haweenku

Calankeey Sahadsheenoow

Cidina kaanay na siinine

Saatir noogu yaboohayoow

Guushan noo soo hooyatay Somaliland uun kuma eeka. Waxay horseedi doontaa gobanimada Soomaalida inteeda kale oo dhan. Waxay hormuud u noqon doontaa xoraynta Afrikada la daalaadhacaysa ee la silcaysa heeryada guumaysiga.

Sayruukhii afrikaadoow

Siraadkii na’ iftiinshaye

Soomaaloo dhan xoreeyayoow

 

Dowladnimada iyo gobanimada sidaas ahi halkee ayay kuugu jirtaa? Qiimo intee le’eg ayaa ay kuugu fadhidaa? Cabdillaahi Timacadde waxa uu sheegayaa inay diinta ugu lammaan tahay. Malaha waxa uu tixraacayaa xadiiskii nebiga ee Xubbul Awdani minal Iimaan. Waxa uu sheegayaa milgaha dowladniamda iyo sida uu macnaheeda u fahansan yahay. Dabcan uma baahna in casharro laga siiyo maadaama oo uu u soo joogay halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray helitaankeeda.

 

Faralka iyo sunaha

Wixii diinta ku Sahabsan

Isna kii sadexeeyayoow

 

Xornimada malaha waxaa iminka loo haystaa maamul isbedelay oo mid shisheeye ahi taladii uu ku wareejiyay dadkii dalka u dhashay. Balse fahanka iyo dareenka Timacadde intaas waa uu ka durugsanaa. Isaga iyo in badan oo xilligiisi noolaa, guumaysiga waxay u arkayeen addoonsi. Maamulka shisheeyuhu waxa uu uga dhignaa addoonis wadar ahaan iyo shakhsi ahaanba silsilado iyo katiinado ku jabsaday oo ku adeeganaya. Calankan la dejinaya waxa uu ula muuqday silsiladahaas oo la jabinayo iyo seedahaas kogsanaa oo soo toosaya.

seedihii kogsanaa -iyo

Seetadii naga gooyayoow

 

Faa’ido kale ayaa calanka laga dhaxlay intaan la taaginba ka hor. Waa midaynta umaddii kala filiqsanayd ee reeraha u kala fadhiday. Intaas oo kaliya maahee rasaastu dhuunta qoriga isugu jirtay ee dirirta joogtada ahi ka dhaxaysay. Yool iyo hiigsi ay wadaagaan ayaa gobanimadu u noqotay. Guumaystihiina bartilmaameed lagu wadajeediyo qoryihii iyaug iskuwajahnaa ayuu u noqday.

Soomaaloo is cunaysa oo

Isa seegan dhamaanoo

Saqda qaylo dhawaaqdiyo

Sulub laysku Cabaystiyo

Hadba soof la xanbaariyo

Sareecyo dami waydiyo

Kii laydhiisu na saaqdaye

Kii safeeyey qabaa-ile

Saf walaalo ka yeelayoow

 

Ladh kale ayaad moodda in calankaas sida tartiibta ah loo dejinayaa inuu uu kusoo kiciyay abwaanka. Waxaa u sawirmaya ka faa’idaysigii arxanka darnaa ee guumaystaha oo la soo afjarayo. Waxaa uu soo goconayaa sidii guumastuhu ugu dul noolaa dad gaajo u dhimanaya; sidii uu ugu shislaaday xaqqoodi ay baahi darteed suunka dhexda ugu xidheen. Malaha waxaa taasba kaga sii  daran bahdilaaddii lagu hayay ee ahayd ku shaqaysiga dadka iyada oo sarkaal kasta oo caddaan ahi uu sagaal nin shaqaale u haystay. Dhab ahaan taasi waxay dhaawac ku ahayd raganimadoodi.

 

Nimankii na siraayeye

Waax-waax noo kala saaftaye

Solonaayey cadkeena

Inagoo dhexda suunku

Sabarkeena qarqooray

Kii sadkeena cunaayey

Sarartiisa ka muuqdaye

Surwaalkii ka yaraadaye

daaro loo sibidheeyiyo

Sariiraha lagu seexdiyo

Kabadh suuf laga buuxshiyo

Mid baabuurka safeeyiyo

sagaal booyd iyo kuug iyo

Aayad saarta caruurtiyo

Waliba seeska uu lahaa

Sabanka uu labayoow

 

Gar miyaanay ahayn markaas in uu u muraaqoodo calankii waxaas oo dhan suurtogeliayy oo la dejinayo, bedelkiisina la taagayo? Dowgiisa ayay ahayd inuu farxad la kaco, dadkana amro inay farxad la istaagaan oo sacabka isla helaan, Ilaahayna ay u mahadceliyaan. Calanka waxaas oo dhan innooga dhigan, buun buuniya oo weyneeya oo sidii calanka guumaystaha loo xushmayn jiray si ka weyn u qaddariya.

 

Sawjada qofka qaataye

Intuu soodhka ka taagay

Uu diyaarad Salaantiyo

Saraakiisha amraysa

Sifiihii isticmaarka

ka siyaadiya maanta

Sibilkeenan agjoogoow

Sibirtiisa istaaga

Ninwalbaa sigib beelo

Sare u taaga gacmahoo

Sacabka isu garaaca oo

Nin walbaa sadex goor

Subxaanoow waa mahadaa dheh

Sida ka muuqataa guudmarkaas kooban ee geeraarka, Timacadde waxa uu ku bilaabayaa tixda  kuna soo afjarayaa rayn-raynta bulshada ee helitaanka xorriyadda. Inta u dhaxaysa waxa uu kusoo qaadanayaa halgankii dheeraa ee umaddu u soo gashay gobanimada iyo sidii aan loogu kala hadhin. Waxa uu hoosta ka xarriiqayaa faa’idooyinkii laga dhaxlay halgaankaas madaxbannaanida kahor, taas oo ay ugu weyneyd midaynta iyo walaalaynta umadda. Waxa uu sharraxayaa sabibihii halgankaas loo galay ee ay kamid ahayd bixista hagardaamooyinkii guumaystaha ee lahayd kala qaybinta umadda, addoonsiga iyo ka faa’idaysiga dadka. Waxaa uu tibaaxayaa himiladiisa oo ahayd in dowladnimadu ay dawo u noqoto dhibaatooyinkaas, waxaanu ku dhaadanayaa oo muujinayaa meeqaamka dowladnimada ee ah inay bulshada gaashaan uga noqoto dibin-daabooyinka noocaas oo kale ah.

Run ahaantii fahanka waafiga ah ee Tiimacadde ka haystay dowladnimadu waa mid wax badan aynu ka baran karno oo xilligaynu dhagaysan lahayn la joogno. Waxa uu dowladnimada u arkayay midhihii halgan adag oo lasoo galay, oo umaddu u wada dhammayd, oo lagaga wada bogsanayo dibin-daabooyinkii dhacay, laguna xaqiijinayo himilooyinka wadareed ee shacabka. Waa taas dowladnimada iyo calanku uu Timacadde innagu boorinayo inaynu u dabbaaldegno oo aynu ku faraxno. Fahankaas weeyaan farriinta ay innoo siddo  luuqda cuddoon ee Timacadde ee aad mooddo inaanay waxba u dhimin gabowga cajaladaha lagu duubay. Fahankaas iyo dareenkaas weeyaan ka ay tahay inaynu facyaasha soo koraya ku ababinno oo ku barbaarinno.

Cabdillaahi Xasan (Plastaro)

Saxafi, qoraa ah

Hargeisa, Somaliland

Abdiplastaro@gmail.com